jeebayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar jeeb u yeelid.
jeebayn-ta: (magac, dhedig, keli) mid la jeebay oo gacmaha ka xidhan, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeban
La jeebay; la gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho. m.f.dh, jeebnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeban
der. [adjective] torn, cut (off); broken off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeban
(tilmaame) qof labada gacmoodba ka xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeban
de: torn, cut (off); broken off
lx: jeeban
pd: (jeebnaa)
ps: adj-der
key: jeeban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceebayn
(Ceebayn-ta)
Ceeb ka sheegid ama ku sheegid; ceeb u yeelid; canbaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebayn
m.f.dh eeg ceebee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceeb ka sheegid ama ku sheegid, xumaan ka sheegid. Dh: cambaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegayn
(Jeegayn-ta)
Biyaha korkooda jirjir u jiifsasho, u dabaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegayn
m.f.dh eeg jeegee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegayn
-ka: (magac, lab, keli) biyaha korkooda jirjir u jiifsasho o u dabbaalasho. Dh: dabbaaljirijir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silsiladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silsilad ku xidhid. Dh: jeebayn, katiinadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebnaan
m.f.dh eeg jeeban. la-mid: jeebnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada gacmood ba ka xidhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebay
(fal) xuuman aan qofku lahayn ku sheeg. Dh: canbaaray; fadeexadee;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedayn
(Eedayn-ta)
Xaal u qabsasho; eed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedayn
m.f.dh eeg eedee. la-mid: eedays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedayn
-ta: (n) blaming; accusation (akiyu-seey-shin) ~ eedays
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eedayn
Accusare
Accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, denbi ku soo oogid; cid kale, eed u qabsasho. Eedaynta ay maxkamaddu u soo jeedisay Dharaar waa xatooyo. Dh: tuhmid, eedays, canbaarayn. Wa: eedeymo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eedayn
تُهْمَة، إِنَّهَام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexayn
m.dh eeg eexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cid xannaanaynteed ah, cid kalena lurkeed ku jiro yeelid; kan kula mudan ahmiyad siin. Eexaynta ubadkaa sidkaha loo ajalayaaye. Dh: xannaanin, naasnuujin, gacanbidixeedin, eexin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBIN
(Jebin) S Brachiaria reptans (L) Gardner & Hubbard Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenan
m.l Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeran
(tilmaame) wax siman oo meel walba gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexan
Jeexniin ku yaal; la jeexay; dillaacsan; dhanbalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexan
jeexan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax dillaacay noqosho.
jeexan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax dillaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeexan
jeexan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax dillaacay noqosho. m.f.dh, jeexmid.
jeexan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax dillaacay ahaansho. m.f.dh, jeexnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexan
der. [adjective] torn, split, cut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexan
(tilmaame) wax dillaacsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexan
de: torn, split, cut
lx: jeexan
pd: (jeexnaa)
ps: adj-der
syn: dillaacsan, dhanbalan
key: jeexan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reeban
La reebay (ama reebban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho. m.f.dh, reebnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeban
der. [adjective] left over ~ behind, kept back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeban
(tilmaame) ciddii uu la socday ka hadhsan; aan ka mid ahayn. Dh: hadhsan.
reeban: (tilmaame) dib jirta oo laga tegey ah.
reeban: (tilmaame) buullaysan oo mag iyo ducaba la siiyay ah. Ninku wuu reeban yahay oo hadduuu caawa dhinto mag ma leh.
reeban: (tilmaame) xarako aan lahayn oo sukuun wato ah. Labo xaraf oo wada reeban isma raacann.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeban
de: left over ~ behind, kept back Alt sp: reebban
lx: reeban
pd: (reebnaa)
ps: adj-der
key: reeban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beel ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceebayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceebeyn
vl. n. embarrassment, exposure, unmasking, defamation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceebeyn
-ta: (n) the act or an instance of condemning (kon-dheem-ing); blaming (baleeym-ing) or disgracing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceebeyn
de: embarrassment, exposure, unmasking, defamation
lx: ceebeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ceebeyn
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceebeyn
عَيْبٍ، تغيير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebaan
m.l 1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. la-mid: deebaani (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebaan
-ka: (magac, lab, keli) xadhigga isku haya doonta iyo qoriga farmaanka. Doonida waxa ka jabay deebaankii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax geeso aanu lahayn u yeelid; geeso u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heecayn
(Heecayn-ta)
Ilmo rajo ah, habar kale oo nuujisa, u yeelid, u dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heecayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo ama neef rajo ah oo hooyadii dhimatay hooyo nuujisa u samayn. Dh: heecays, nuujin, barbaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeegaan
(Jeegaan-ta)
Qaanso-roobaad; kayn-roobaad; caashacarrabdheer; (ama deegaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegaan
jeegaan¹: m.dh (-nno, m.dh) Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.
jeegaan²: m.dh (-nno, m.dh) (fiisikis) Filiqsanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kalaxaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeegaan
m.dh (-nno, m.dh) (fiisikis) Filiqsanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kalaxaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jeegaan
Spectrum
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegaan
f. n. arc, arch; rainbow; spectrum
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jeegaan
name-unisex arc, arch; rainbow; spectrum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ilays leh liidad midabaysan oo ka dhasha iftiin dhexmaray birismi. Dh: deegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeegaan
de: arc, arch; rainbow; [ext.] spectrum
lx: jeegaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: jeegaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenayn
(Keenayn-ta)
Keeno u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenayn
m.f.dh eeg keenee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod meel dheer gaadhid. Dh: dheerayn, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelayn
(Meelayn-ta)
(wax, qof) Meel dhigid, u yeelid, ku ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelayn
m.f.dh eeg meelee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelayn
-ta: (n) placement (paleeys mant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MEELAYN
Da archiviare
To file away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Meelayn
Archiviazione; conservazione
Filing; conservation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel lagu ogaado u samayn oo u diyaarin. Dh: meelays.
meelayn-ta: (magac, dhedig, keli) xil ama shaqo qof u diyaarin. Dh: balaasayn, meelays, shaqaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guursasho oo qoys oday iyo islaan ah samayn.
reerayn-ta: (magac, dhedig, keli) inan gudniin fircooni ah qudan furid oo dadabgal u diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seego samayn, shahwad gacanta iskaga keenid. Dh: siigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerayn
m.dh la-mid: seerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seere ka dhigid Seerayntu nabaadguurkana wax bay ka tartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seetayn
(Seetayn-ta)
Seeto ku xirid, u yeelid; dabrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayn
m.f.dh eeg seetee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) seeto ku xidhid u yeelid, dabrid; seetays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fiican u fahmid; dhegaysi iyo u dhug-yeelad waxa la baranayo ama laga xogwarramayo. Weelaynta casharkaaga ku dadaal.
weelayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo maacuun dhigid. Weelaynta madbakhu waa masuuliyadda dumarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weesaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelayn
(Xeelayn-ta)
Xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeelayn
m.f.dh eeg xeelee. la-mid: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tab iyo xeelad ku samayn. Raggu xeelayn bay isku dhaafaan. Dh: xeeladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebaysan
(tilmaame) mid canbaaraysan; mid ceeb weyni dusha ka saaran tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexayn
(Jareexayn-ta)
Hadal jareexo ah, qof ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexayn
m.f.dh eeg jareexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal ku dhibid oo adyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelayn
(Aleelayn-ta)
Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelayn
m.f.dh eeg aleelee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beestayn
m.l (-nno, m.dh) Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. la-mid: beesteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beestayn
-ka: (magac, lab, keli) lacag qaddaadiic yar yar ah oo shilinka ka sii yar oo waayadii hore wax lagu iibsan jiray. Dh: beesteen, beesteyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dederayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu qabin saarid.