jaynaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaynaf
(Jaynaf-ka)
Dhaaddanaan la'aanta oogada oo baahida iyo dhibaatadu keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynaf
jaynaf¹: m.l Qolof jirku yeesho oo qabowgu keeno.
jaynaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Jir dad qabow awgiis qolof yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaynaf
m.l Qolof jirku yeesho oo qabowgu keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaynaf
m. n., [compound] haggard appearance
jaynaf v. look haggard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaynaf
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato aad u badan darteed oo jidhku waxba dareemin.
jaynaf -ka: (magac, lab, keli) cunidda hilib badan awgii taqajiran oo oon iyo harraad badan yeelasho. Dhulkoo omos ah dheemaalka iyo suunta dhererkeeda, dhabatada hilbaha jaynafkii loogu dhimanaayey: Dh: jayraf.
jaynaf -ka: (magac, lab, keli) dareen la'aan jidhka uga timaadda daalka iyo dhibaatada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaddan
Aan caato, kd., la engegin ee qoyan; aan jaynafsanayn; ladnaani ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gannad
(Gannad-ka)
1. Bahal gendiga u eg oo xoolaha cuna, siiba geela.
2. Raadka jiilaalka ama abaarta ama gannadka cuniddiisu xoolaha ku reebto; jaynaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannad
gannad¹: m.l 1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. la-mid: gannadid.
gannad²: f.mg1 (-day, -dday) Nafley kacsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafnimo
m.dh Jaynaf ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafsanaan
m.f.dh eeg jaynafsan. la-mid: jaynafsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafsanaansho
m.l/dh la-mid: jaynafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannada
-da: (magac, dhedig, keli) dhaaddanaan la'aanta oogada oo baahida iyo dhibaatadu keenaan. Dh: jaynaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannadid
-da: (magac, dhedig, keli) oogo aan dhaaddanayn yeelasho. Dh: jaynafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safan
(tilmaame) dad iyo wax la mid ah, la safay: saf loo joojiyay. Dh: fayshan, rigaysan, sarcan.
safan -ka: (magac, lab, keli) dildillaac iyo nabarro xanuun badan oo jaynafka iyo dhaxantu ku dhaliyaan cagaha dadka, dufan la mariyo mararka qaar na la tolo. Dh: qarrar.
safan -ka: (magac, lab, keli) nafley badda ku nool oo leh oogo ka kooban labo baal oo bagafsan, madax yar iyo dabo dheer oo intay dhuuban tahay qodaxi ka taagantahay. Safan baa u galay shabagga. Dh: abuurrablish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaynaf_1
de: haggard appearance
hm: 1
lx: jaynaf
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: jaynaf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaynaf_2
de: look haggard
hm: 2
lx: jaynaf
pd: (jaynafay)
ps: v1=
key: jaynaf_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaynafid
(Jaynafid-da)
Oogo aan dhaaddanayn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafid
m.f.dh eeg jaynaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaynafid
-ka: (magac, lab, keli) maqaar u qallaley dufan la'aan. Dh: engeg, qallal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayna
(suffix): while we were.... Ex: annagoo soconayna.... while we were walking..
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-ayna
de: it is we who are doing (X)
lx: -ayna
ps: v1-1pl-subj-prpg
xe: While we were leaving, he came.
xv: Annagoo baxayna, buu yimi.
key: -ayna
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynaa
(suffix): we are doing.... Ex: waan soconaynaa: we are walking. Waan tagaynaa; we are leaving. Waan seexanaynaa: we are sleeping
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aynab
(Aynab-ka)
Wax badan (dad) isku kol dilid, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynab
aynab¹: m.l Laynta dad badan hal mar la wada laayo.
aynab²: f.g1 (-bay, -btay) Dad badan hal mar wada layn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aynab
vl. n. slaughter, massacre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynab
(fal) dad iyo wixii la mid ah isku kol wada dil. Aaqilo ka yaaboo, ha aynabin adduunyada. Dh: lay, xasuuq.
aynab -ka: (magac, lab, keli) wax badan isku kol wada dilid. Aynabka xayawaanku waa denbi weyn. Dh: laa, lay, xasuuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aynab
de: slaughter, massacre
lx: aynab
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: aynab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aynan
vl. pron., neg. we [incl.] ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynan
(v) [; 'gative with ma] we ... not. Ex ma aynan arag; we didn't see. 1a aynan maqal; we didn't hear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aynan
de: we [incl] ... not = aynu + aan
lx: aynan
ps: vpro + neg
key: aynan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynay
(suffix): we were doing. Ex: waan soconaynay; we were walking. Waan maqlaynay: we were listening. Waan cunaynay; we were eating.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaf
m.l 1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaf
m.l (-fyo, m.dh) Gafuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaf
-ka: (magac, lab, keli) fuqa iyo daamanka. Allow garawo giirkiyo afkiyo, ganafka taagaysa, guur aan ka la'aado. Dh: gafuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jagaf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalabka guriga la dhigo ama laga sameeyo oo baalid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jagaf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalabka guriga la dhigo ama laga sameeyo oo baalid ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jalaf
nickname-m marauder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jalaf
magac loo baxsho wiil la filayo inuu noqdo dagaalyahan raadiya joojimo iyo xoolo uu dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaf
-ka: (magac, lab, keli) naqa ku hadha dhirta marka uu jiilaal yimaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janab
m.dh (-byo, m.l) Dabin loo dhigo bahallada iyo ugaarta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janab
-ka: (magac, lab, keli) dabin bir ah oo xayawaanka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janan
*(Janan-ka)
(darajo askareed) sarreeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janan
m.l (-nno, m.dh) Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janan
m.l (-nno, m.dh) Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janan
m. n. general {military}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janan
-ka: (n) military general (jenaral) ~ jenaraal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janan
-ka: (magac, lab, kali) sarkaal sare oo ciidanka ka tirsan. Janankii booliska ayaa na soo booqday. Wa: jananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janan
de: general {military}
lx: janan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: janan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaf
m.l (-fyo, m.l) 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalab duug ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqaf
m.l (-fyo, m.l) 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalab duug ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraf
(Jaraf-ka)
Timo gaaban oo gabdhuhu deystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraf
m.l 1. Gabar yar oo dhawaan la gudey timaha u soo baxa. 2. Haruubka, dhiisha iyo wixi lamida salkooda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaraf
m. n. girls' short hair style
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraf
-ta: (magac, dhedig, keli) timo gaaban oo dumarku daystaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaraf
de: girls' short hair style
lx: jaraf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jaraf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layna
pron., pro: someone ... us [incl.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layna
de: someone ... us [incl] = la + ina
lx: layna
ps: pro + pro
key: layna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaf
(Xanaf-ta)
Dardar; xajiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaf
m.dh Taag taag yaryar oo soofe iyo wixi lamida ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanaf
m.dh Taag taag yaryar oo soofe iyo wixi lamida ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanaf
f. n., [abstract] roughness (of surface), harshness (to the touch)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xanaf
nickname-m roughness, harshness. Lit: troublesome
Carabi: name-m true believer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanaf
-ta: (n) coarseness (koors-nes); roughness (raf-nes); especially to the touch; lack of smoothness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xanaf
magac loo baxsho wiil dhib badnaa kolkii uu yaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaf
-ta: (magac, dhedig, keli) buurbuur aad u yaryar oo jidhiidh ah oo ku hadha biraha afkooda kolka soofaha la mariyo. Dh: rabin.
xanaf -ta: (magac, dhedig, keli) hafeef jidhka korkiisa laga dareemo oo nabar ama wax dubka lagu jiiday oo cusubi uu keeno. Dh: carcar.
xanaf -ta: (magac, dhedig, keli) finan yaryar oo huruuruc ah sida: xajiinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanaf
de: roughness (of surface), harshness (to the touch)
initial: x
lx: xanaf
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xanaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aynaa
a: =-eynaa
de: we are doing (X)
lx: -aynaa
ps: v1-1pl-prpg
key: -aynaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aynay
de: we were doing (X)
lx: -aynay
ps: v1-1pl-ppgr
xe: we were eating
xv: -aynnay ~ -eyney
key: -aynay
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baynax
nickname; name-m very light-skinned, blond
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynab
(Caynab-ka)
Faras madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynab
m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynab
m. n. black horse
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynab
name-m black. Cf: Caynabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynab
-ka: (magac, lab, keli) midabka madow ee fardaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynab
de: black horse
lx: caynab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynad
(Caynad-da)
Jaad; namuuno; (ama cayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynad
m.dh la-mid: cayn².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynad
f. n. type, kind, sort, variety; form, way, manner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynad
-da: (n) [ Pl. caynado - caynadaha] kind (kaayndh)', type (taayp) ~ nooc, jaad, cayn, namuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad; namuun; cayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynad
de: type, kind, sort, variety; form, way, manner
lx: caynad
pd: (-da Pl: cayncayn)
ps: n1-f, n8-f
key: caynad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daynab
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daynab
magac loo baxsho wiil midab madaw leh ama xilli madaw dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayraf
hayraf¹: m.l Qubashada uu dhiig ka qubto meel la saray.
hayraf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Meel la saray dhiig ka qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafjaf
(Jafjaf-ka)
Dhul socod xun oo dhagax iyo burunbuur iyo dhirhoosaad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafjaf
jafjaf¹: m.l 1. Dhul dulla ah oo dhaguxu ku badan yahay, leh dhir badan oo geed-gaab ah mariddeeduna adagtahay. 2. Qolof, jilif iyo wixi lamida oo geedo laga soo guray.
jafjaf²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Qolof, jilif iyo wixi lamida geed ka ridid. 2. Gogol iyo wixi lamida boor ka duulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafjaf
v. beat thoroughly
jafjaf m. n. rough, stony ground
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jafjaf
-ay / tay: (v) blow (dust) off or away ~ huf, hurguf, jafjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafjaf
(fal) geed iyo wixii la mid ah, garaac oo in ka googoo. Dh: garaac.
jafjaf -ka: (magac, lab, keli) dhul socod xun oo dhagaxaan iyo burunbuur iyo dhirhoosaad leh. Dh: raf.
jafjaf -ka: (magac, lab, keli) geed iyo wax la mid ah, in ka googoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaaf
m.dh (-fo, m.l) 1. Kab duug ah. 2. Haashka sigaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqaaf
-ka: (magac, lab, keli) sigaarka intiisa danbe ee la tuuro. Dh: haash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraaf
-ka: (magac, lab, keli) qalab dhismaha laga shaqeeyo sida majarafada madaraqa ama wax kale. Wa: jaraafyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxaaf
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waynaw
(fal) duco u dhiganta kor oo koboc. waynaw oo waayo joogjoog.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zaynab
name-f beautiful, graceful, aromatic tree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafsan
f.mg1 (-naa, -nayd) Wax jaynaf ku dhacay ahaansho (dibno).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynqaaf
-ka: (magac, lab, keli) dhisme saqafka dusha ka saaran, hagoogga saaran. Dh: saqaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-naynaa
de: we are doing (X)
lx: -naynaa
ps: v2a-1pl-prpg
xe: we are cooking
xv: karinaynaa
key: -naynaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaysan
(tilmaame) biyo walaaqan oo dhooqaysan; biyo wasakhaysan.