jaxar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxar
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u madax adag oo aan waxba loosheegi karin. Jaxar ayaad tahay. jagraar. Dh: dhagax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axar
f.g1 (-xray, -xartay) 1. Timir iyo wixi lamida lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axar
f.g1 (-xray, -xartay) 1. Timir iyo wixi lamida lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid. m.f.dh, axarid. m.f.dh, axrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axar
(fal) timir iyo wixii la mid ah, lafta ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaar
(Jaar-ka)
1. Xakame yar.
2.° Deris.
3. Haruub; bire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaar
m.l (-rar, m.l) 1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. la-mid: yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaar
m.l (-rar, m.l) 1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaar
m. n. neighbor
jaar m. n. halter, small bridle
jaar m. n. milking vessel, milk container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaar
-ka: (n) neighbor (neeybor); neighborhood (neey-bor-huudh) ~ daris, jiiraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaar
-ka: (magac, lab, kali) dadka degmada is xiga. Dh: jiiraan. Wa: jaarar.
jaar -ka: (magac, lab, kali) xakami yar oo lagu leeddafuulo fardaha.
jaar -ka: (magac, lab, keli) hadhuub weyn. Jaar ayaa nin la jecelayahay caano loogu jiidaa. Dh: hadhuub. Wa: jaarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxar
(Baxar-ka)
Maanyo, Bad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxar
m.l 1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxar
m.l 1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxar
m. n. sea, ocean
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baxar
nickname; name-m clever, active (Arb)
name-m Ocean; clever; dangerous man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxar
-ka: (n) danger (dheen jer); risk, peril ~ khatar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxar
-ka: (magac, lab, keli) eeg bad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxar
de: sea, ocean
lx: baxar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bad, maanyo
key: baxar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadar
-ta: (magac, dhedig, keli) xabagta kaliga ah ee aan wax kale la socon sida mushaadka.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KAXAR
[KAHAR] Blepharis linariifolia 20, Tribulocarpus dimorphanthus 01, Tribulus terrestris 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAXAR
(Kahar) C Tribulocarpus dimorphanthus (Pax)S.Moore. Aizoaceae.
May, C Tribulus terrestris L. Zygophyllaceae.
S, May Euphorbia glochidiata Pax. Euphorbiaceae.
C Ipomoea sultani Chiov. Convolvulaceae.
C Blepharis linariifolia Pers. Acanthaceae.
C Crossandra spinosa Beck. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxar
m.l Dab aad u kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxar
qaxar¹: m.l la-mid: qahar¹.
qaxar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: qahar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxar
m. n. difficulty, problem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxar
-ka: (n) difficulty (dhifikalti); problem (poro-balem); hardship (haard-shiip), crisis (karaaysis) ~ mashaakil, lur, saxariir, mashaqo, dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxar
-ka: (magac, lab, keli) hadal buuq iyo hanjabaad ah; qaylo iyo buuq. Qaxarka naga daa oo soo fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxar
de: difficulty, problem
lx: qaxar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qahar (and its derivations)
key: qaxar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxar
(Saxar-ka)
1. Qori ama wax kale oo jajabay cad ka mid ah oo dhab u yar oo badanaa siigada ku dhex jira oo dabayshu qaadi karto; firo.
2. Wixii sida saxarka aad u yar oo dhan, siiba kan isha gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxar
m.l (-rro, m.dh) Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxar
m.l (-rro, m.dh) Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxar
Particle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxar
m. n. dust, speck, sawdust; dust ~ grit in the eye; particle {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxar
-ka: (n) tiny piece of grass, wood or dust; particle (paar-tikal); tiny fragment of wood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxar
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u yar oo jajab qori ama caleen ah. Dh: qurjuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxar
de: dust, speck, sawdust; dust ~ grit in the eye; particle {physics}
initial: s
lx: saxar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saxar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxar
(Taxar-ka)
Macaan la'aan; kharaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxar
m.l.kh 1. T. ah: caano neef dhaqayo ah laga lisay. 2. T. ah: macaan la'aan; kharaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxar
m. n. bitter taste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxar
-ka: (magac, lab, keli) macaan la'aan. Caanaha geela dhaqayada ahi waa taxar. Dh: kharaar, qadhaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxar
de: bitter taste
initial: t
lx: taxar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: kharaar
key: taxar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxar
(Waxar-ka, Waxar-ta)
Dhasha riyaha mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxar
waxar¹: m.l (-ro, m.l) Orgiga yar.
waxar²: m.dh (-ro, m.l) Dhasha riyaha tooda yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxar
waxar¹: m.l (-ro, m.l) Orgiga yar.
waxar²: m.dh (-ro, m.l) Dhasha riyaha tooda yar. waxaraxir m.dh (c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxar
f. n./m: kid, young goat
waxar [feminine] n. cell (in biology)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxar
-ta: (n) [plural waxaro-ha] kid (kidh); baby goat; young goat
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Waxar
(I) Capretto fino a 6 mesi;
(E) Kid, up to 6 months
(S) WAXAR (S. g.: Uaḥàr, Waḥara)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxar
-ka: (magac, lab, keli) maqasha riyaha kooda lab. Waxarkii la siiyay ku tidhoi aabbahaa ma lehe, isaguna ablay buu afkiyo oofta kaga taagay.
waxar-ta: (magac, dhedig, keli) maqasha riyaha tooda dhedig. Ri'du waa waxar weynatay. waxaracaddeeye: geed aan qodax lahayn oo midho la cuno oo cadcad oo macaan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxar
cf: orgi, ri'; ari
de: kid, young goat
initial: w
lx: waxar
pd: (-ta / -ka)
ps: n1-f/m
key: waxar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajawar
-ka: (magac, lab, keli) qof madax adag oo aan garqaadan. Dh: macangag, maroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxaar
(Baxaar-ka)
Nin webiyada aqoon dheer u leh oo la yiraahdo wuxuu u taliyaa nafleyda ku jirta siiba yaxaaska iyo kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxaar
m.l (-rro, m.dh) Nin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay in uu xukumo yaxaasyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxaar
m.l (-rro, m.dh) Nin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay in uu xukumo yaxaasyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxaar
m. n. sailor, someone with special knowledge of the water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxaar
-ka: (n) 1. sailor (seey-lar) 2. one who can communicate with water animals, especially crocodile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxaar
-ka: (magac, lab, keli) nin aqoon dheer u leh togagga iyo webiyada oo wax laga weyddiiyo; qof ku xeel dheer aqoonta ka gudbidda webiyaasha. Baxaarka soo weydiiya, anigu webi meel uu ku yaal ma arag abidkaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxaar
a: baxri
de: sailor, s.o. with special knowledge of the water
lx: baxaar
pd: (-ka Pl: baxaari (da))
ps: n8-m
key: baxaar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jacfar
name-m Small River, rivulet, little creek
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jaguar
/jaagwar/ (n) bahal haramcadka u eg oo laga helo Ameerika oo dheereeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalxad
(Jalxad-da)
Weel biyaha lagu shubto oo dhoobada laga sameeyo; malbo; aashuun; shaanbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalxad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto; Ashuun; Mardabaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalxad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto; Ashuun; Mardabaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalxad
f. n. water jar, earthenware vessel ~ container; radiator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalxad
-da:(n) pot or container made of pottery used for storing water ~ aashuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalxad
-da: (magac, dhedig, keli) weel biyo lagu dhaansado. Dh: ashuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalxad
de: water jar, earthenware vessel ~ container; [ext.] radiator
lx: jalxad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: aashuun {N}
key: jalxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janfar
m.dh (-ro, m.l) Dhalfo; gonfor; jeefaar. la-mid: fanjar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janfar
f. n. male reproductive organ ~ sex gland, glans
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janfar
-ta: (n) the glans of the penis ~ dhalfo, fanjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janfar
-ka: (magac, lab, keli) haragga yar ee xubinta taranka ee lab laga gooyo. Dh: buuryo, farjan, jeefar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janfar
a: fanjar
de: male reproductive organ ~ sex gland, glans
lx: janfar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: janfar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjar
(Jarjar-ka)
Wax is haysta oo cadad yaryar laga dhigo; googgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjar
jarjar¹: m.l.u 1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iyo wixi lamida oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.
jarjar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax mid ahaa qaybo u googoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jarjar
jarjar¹: m.l.u 1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iyo wixi lamida oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.
jarjar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax mid ahaa qaybo u googoyn. m.f.dh, jarjarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarjar
v. cut up small, mince, chop
jarjar m. n., [collective] small pieces, fragments; mincemeat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarjar
-ay / tay: (v) chop (jaap); cut into small pieces. Ex: basasha jarjar; chop onions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjar
(fal) googoo oo kala dhigdhig.
jarjar -ka: (magac, lab, keli) wax kala googo'an. Dh: googoo.
jarjar -ka: (magac, lab, keli) wax dheeri ah. Dh: dheeraad.
jarjar -ka: (magac, lab, keli) lacag qaddaadiic ah. Dh: sarrif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jasaar
(Jasaar-ka)
Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jasaar
m.l (-rro, m.dh) Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca. la-mid: jisaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jasaar
m.l (-rro, m.dh) Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca. la-mid: jisaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jasaar
m. n. ingrate, ungrateful person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jasaar
-ka: (n) thankless person; ungrateful wretch (raj)-, ingrate (ingareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jasaar
-ka: (magac, lab, keli) qof abaalka loo galo aan gudin.
jasaar -ka: (magac, lab, keli) qofka xoolaha qala ama hilibka iibiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jasaar
de: ingrate, ungrateful person
lx: jasaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jasaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawhar
f. n. gem, jewel; any precious item
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jawhar
name-m gem, jewel; precious. Syn: Jawaahir, Jawharad, Joharad, Jowhar, Joohaar
name-m gem, jewel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawhar
-ka: (magac, lab, keli) dhagax qaali ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawhar
a: jawharad ~ joharad (da) [n1-f]; jowhar
bw: Arabic
de: gem, jewel; any precious item
lx: jawhar
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jawhar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrar
(Jawrar-ka)
Wax engeg darti la dildillaaca, la qawrara, la koga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrar
jawrar¹: m.l 1. Dildillaac wax yeeshaan. 2. la-mid: dildillaacid.
jawrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax dildillaac yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawrar
m.l 1. Dildillaac wax yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawrar
m. n. desiccant; something desiccated, dried up and disintegrating
jawrar [inchoative] v. become desiccated, crumble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrar
-ka: (magac, lab, keli) engag iyo dildilaac badanaa ku yimaada dibnaha. Dh: qarrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxaaf
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaxaas
m.l (baayoloji) Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. la-mid: yaxaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaxaas
m.l (baay.) Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. la-mid: yaxaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxaas
(fal) meel aan cidi arkayn ku qari oo fogee si aan loo arag. Dh: qari.
jaxaas-ka: (magac, lab, keli) alaab korka wax lagaga shaqlay oo lagu duubay.
jaxaas -ka: (magac, lab, keli) xayaaan biyaha ku nool oo halis ah. Waxa uu ugaadhsadaa wax walba oo biyaha ku soo dhaca, wuxuu na leeyahay ilko badan oo seefta la mid ah iyo dabo dheer oo wax jarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaxeer
(Jaxeer-ka)
Fil weyn; guun; hoosubbax; (ama jexeer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaxeer
m.l 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. la-mid: jexeer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaxeer
m.l 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. la-mid: jexeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaxeer
m. n. old person that does not look one's age; old bachelor ~ old maid