jawrfaleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfaleen
m.l (-nno, m.dh) Qof caado ka dhigtay in uu caddaalad darro sameeyo. la-mid: jowrfaleen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawrfaleen
m. n., [compound] tyrant, oppressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfaleen
-ka: (magac, lab, keli) qofka amarkutaaglaha ah ee dulmiya dadka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawrfaleen
de: tyrant, oppressor
lx: jawrfaleen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: jawrfaleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jowrfaleen
m.l la-mid: jawrfaleen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jowrfaleen
m. n., [compound] tyrant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jowrfaleen
-ka: (magac, lab, keli) qofka dulmiga iyo gaboodfalka caadaysta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jowrfaleen
de: tyrant
lx: jowrfaleen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
see: jawrfaleen
key: jowrfaleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfal
jawrfal¹: m.l Xadgudub, caddaaladdarro cidi samayso la-mid: jowrfal¹.
jawrfal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ku j.: qof ku xad gudbid. la-mid: jowrfal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawrfal
jawrfal¹: m.l Xadgudub, caddaaladdarro cidi samayso la-mid: jowrfal.
jawrfal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ku j.: qof ku xad gudbid. m.f.dh, jawrfalid. la-mid: jowrfal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfal
-ka: (magac, lab, keli) dad awood maamul haya, xumaan iyo xadgudub, falid. Dh: dulmi. Li: cadaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfalid
m.f.dh eeg jawrfal². la-mid: jowrfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) amarkutaaglayn iyo dulmi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargaleen
-ka: (magac, lab, keli) eeg wargal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarbeen
-ka: (magac, lab, keli) qarka yar aan aad u dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawleyn
m.f.dh eeg jawlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jowrfal
jowrfal¹: m.l la-mid: jawrfal¹.
jowrfal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: jawrfal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jowrfal
-ka: (magac, lab, keli) dulmi samayn iyo gadoobfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawraran
jąwraran: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax jawraray ahaansho. la-mid: jąwrarran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawraran
(tilmaame) debno dildillaacsan oo qarqaraxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaleet
-ka: (magac, lab, keli) maro yar oo isku laallaaban oo loo adeegsado, tirida duufka iyo dhididka, iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarfadee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Xarfad samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarfadee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Xarfad samayn. m.f.dh, xarfadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarfadee
v. show skill; do tricks ~ smart jokes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarfadee
-yey I xarfadeysay: (v) be cunning (kan-ning)', play tricks with; trick (tiriik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadee
(fal) si xeelad iyo xarfadi ku jirto ujeeddadaada u gudo. Dh: xarfaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarfadee
de: show skill; [ext.] do tricks ~ smart jokes
initial: x
lx: xarfadee
pd: (xarfadeeyey)
ps: v2b=intr
key: xarfadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwadeen
-ka: (magac, lab, keli) mid hoggaamiye ah; nin taliye ah; abaanduule ah. Dh: gadhwadeen. garwate -ha: (magac, lab, keli) gar wate; qofka ashkatooda ama dacwad'oogaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaajaalee
v. be a comedian ~ joker; clown around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaalee
(fal) kaftan oo ku hadal wax aan la qoonsan laguna qoslo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaajaalee
de: be a comedian ~ joker; clown around
lx: jaajaalee
pd: (jaajaaleeyey)
ps: v2b=
key: jaajaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawjawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Buuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawjawlee
v. chatter noisily; make a din ~ confusion (by making noise)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawjawlee
(fal) samee codka 'jaw' oo lagu celcelinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawjawlee
de: chatter noisily; make a din ~ confusion (by making noise)
lx: jawjawlee
pd: (jawjawleeyey)
ps: v2b=
key: jawjawlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrarran
jąwrarran: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: jąw-raran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jowrfalid
m.dh la-mid: jawrfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jowrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboodfalid; dulmifalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaleel
-ka: (magac, lab, keli) gurrac ama majarohabaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaadeen
m.l Dabayl xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawraleged
cawraleged¹: m.l Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo.
cawraleged²: f.g1 (-gday, -gedday) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawamareen
m. n. trachea, windpipe; respiratory organ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawamareen
de: trachea, windpipe; respiratory organ
lx: hawamareen
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hawamareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlwadeen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qofka hawsha kala haga ama maamula. 2. Shaqaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlwadeen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qofka hawsha kala haga ama maamula. 2. Shaqaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaaleyn
(Jaajaaleyn-ta)
Jaajaale iska dhigid; sida jaajaalaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaaleyn
m.f.dh eeg jaajaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawjawleyn
m.f.dh eeg jawjawlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walagaleen
m.l (-nno, m.dh) Godod yaryar, afaf badan leh, kana samaysma meelaha didibka ah, oo bahalladu galaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalgaleen
-ka: (magac, lab, keli) meel ama god bahaluhu galaan; goob uu dugaaggu hadhsado oo laga cabsado. Bahalagaleenka xoolaha ka duwa oo haku foofinina.
bahalgaleen: (tilmaame) meel cidlo ah oo laga cabsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanagaleen
-ka: (magac, lab, keli) xidid xagga mudka ka soo gala candhada iyo naasaha oo ay caanuhu soo maraan. Caanagaleenka ayay hasha qodaxi ka mudday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqgaleen
-ka: (magac, lab, keli) meelaha maska halaqa ahi galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawammareen
-ka: (magac, lab, keli) labada dhuumood ee hunguriga ku yaal tan ay maraan hawada ama ay kasoo baxaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxarsaleed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxarrada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaraableyn
m.f.dh eeg harwaraablee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABSAR-CALEEN
(Kabsar-alen) S, N, C Petroselinum crispum (Mill) Nym. ex.A.W.Hill. Umbelliferae.