javelin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
javelin
/jaavalin/ (n) murjis (waran af dhuuban oo isboortiga lugu ciyaaro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
javelin
n., dagalay or degelay, -di, waran, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dib u tuuridda waranka
to throw back the javelin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxa waranka
head of the javelin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qabashads waranka
holding of the javelin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
usha waranka
javelin shaft
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waran tuurka
Javelin throw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufo
f. n. metallic point attached to the bottom part of a javelin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaal
m. n. large spear, javelin
kaal [feminine] n. ladle, large wooden spoon
kaal [feminine] n. aid, help; contribution, share; gift
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jufee
v. wound someone several times with the iron butt of a javelin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murjis
-ka: (n) javelin (jaavalin); a light spear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufo
de: metallic point attached to the bottom part of a javelin
lx: jufo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jufo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaal_1
cf: waran
de: large spear, javelin
hm: 1
lx: kaal
pd: (-ka Pl: kaalal (ka))
ps: n4-m
key: kaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_jufee
a: ku jifee
de: wound s.o. several times with the iron butt of a javelin
lx: ku jufee
pd: (jufeeyey)
ps: v2b=expr
key: ku_jufee
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dart
n., (javelin) waran, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalin
m.f.dh eeg jali. la-mid: jalis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cave in
/keyv in/ (v) hoos u dumid (gudaha isugu dhicid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
javelot
javelot, n.m. - murjin; murjis ( ka isboortiga lagu tuuro); waran..
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Traveling
Wadasho (kubbad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelin
(Fangelin-ta)
Neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fariisin; fansaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelin
m.dh la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fadhiisin. Dh: fansaarid, fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bullad iyo siigo badan oo geelu ku galgelimaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelin
m.f.dh eeg hargeli. la-mid: hargelis, hergelin, hergelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalin
m.f.dh eeg jafaali. la-mid: jafaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jafaalin
Rifid xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjalin
m.f.dh eeg janjali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjalin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, sallad ku ridid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Leveling
Heerqiyaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafeelin
(Tafeelin-ta)
Buro ama dheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafeelin
m.dh 1. Badasho roob iyo wixi lamida ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafeelin
f. n. wart; overgrowth; excess surface area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafeelin
-ta: (magac, dhedig, keli) buro ama dheeri. Dh: buro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafeelin
cf: buro
de: wart; overgrowth; excess surface area
initial: t
lx: tafeelin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tafeelin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tavolino
s.f. - miis yar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vaseline
/vaasalin/ (n) boomaato jirka qallaylka ka bi'isa, oo batrool laga sameeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vaseline
vaseline, n.f. - saliid qumbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warcelin
warcelin¹: m.f.dh eeg warceli.
warcelin²: m.dh Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warcelin
m.dh Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warcelin
vl. n. response, reply, answering
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Warcelin
Risposta
Reply
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) war la soo jeediyey ama war horay loo sugayay ka jawaabid. Ninkii casuumadda loo gudbiyay weli warcelin lagama hayo. Dh: jawaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warcelin
de: response, reply, answering
initial: w
lx: warcelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: warcelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargelin
(Wargelin-ta)
Cid war ayan hor u hayn siin, gaarsiin, u sheegid, la socodsiin, uga digid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargelin
m.f.dh eeg wargeli.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARGELIN
Informazioni
Information
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) warramid oo cid war ayna horay u hayn u sheegid. Dh: warramid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lave-linge
lave-linge, n.m. - Mishiinka dharka lagu dhaqo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
starveling
n., (thin and weak animal) abax, -hi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
travelling
socod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jali
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo caano u diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jali
v. deprive (a child) of nourshment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jali
(fal) qadi maqasha oo caanaha u diid. Dh: qadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jali
cf: jalo
de: deprive (a child) of nourshment
lx: jali
pd: (jaliyey)
ps: v2a=tr
key: jali
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Vein
Aroor
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
vein
(n) a vessel that transports blood toward the heart.
xididada dhiigga geeya wadnaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vein
/veyn/ (n) 1. xididada jirka, ee dhiigga halbow-layaashu soo qaadaan wadnaha ku celiya (n) 2. wax-kasta oo shabbaha xididada jirka (sida xididada caleemaha) (n) 3. jaad (nooc, moodo) (n) 4. sifo-dabeecadeed (sifo-shakhsiyadeed ee qof adeegsado).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
vein
n., xidid, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celin
(Celin-ta)
Gadaal u wadid; dib u laabid; joojin; hakin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celin
m.f.dh eeg celi. la-mid: celis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Celin
Restituzione
Restitution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
celin
-ta: (magac, dhedig, keli) gadaal u wadid; dib u laabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalin
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ilimaqabatay ah oo ku dulnool xayawaanka jimidhka weyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
félin
félin, n.m. - jalaqsanaan; jiljilicsanaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gavel
/gaaval/ (n) dubbe-yar, siiba midka qaalligu uu miiska ku garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelin
1. (Gelin-ka) a) Maalinta ama habeenka, kala bar oo bar; labada gelin oo maalintu waa: 6:00-12:00 iyo 12:00-18:00; labada habeenkuna waa 18:00-24:00 iyo 24:00-6:00. b) Galmo; kal; gaaf; jil.
2. (Gelin-ta) Wax dhexdi ama gudihi, wax kale gaarsiin, ku ridid, dhigid, xuluulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelin
gelin¹: m.l 1. Maalinta ama habeenka barkooda hore ama dambe. 2. Calal.
gelin²: m.f.dh eeg geli. la-mid: gelis¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelin
m.l 1. Maalinta ama habeenka barkooda hore ama dambe. 2. Calal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelin
vl. n. inserting, insertion, putting in; importing
gelin n (adj.): half of day ~ night, one of four six-hour periods; second-hand, old (clothing)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelin
-ka: (n) 1. the morning or the afternoon of a day
gelinka hore; the morning
gelinka danbe; the afternoon
2. the act of inserting (in-seerting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gelin
Registrazione
Registration; entry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelin
-ka: (magac, lab, keli) meel ku xereyn; afaaf kaga hoyn ama xerayn. Li: bixin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
haven
/heyvan/ (n) 1. meel nasasho ama goob nabadeed (n) 2. deked
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabel
Buur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabin
m.dh la-mid: jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax cirka ka soo dhaca.
jabin -ta: (magac, dhedig, keli) walax, labo iyo in ka badan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahli
(Jahli-ga)
Wax-aqoon-la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahli
m.l Aqoon la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jahli
m.l Aqoon la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahli
m. n., [abstract] ignorance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahli
-ga:(n) ignorance (ig noransi); the state of being uneducated, unaware, or uninformed ~ jaahilnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahli
-ga: (magac, lab, keli) aqoon la'aan heysa qof. Dh: aqoon l'aan. Li: aqoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jahli
bw: Arabic
de: ignorance
lx: jahli
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: jahli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalid
m.f.dh eeg jal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalid
-ka: (magac, lab, keli) qof jilicsan oo la xannaanaynayo, cunto siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalis
m.l la-mid: jalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalis
-ta: (magac, dhedig, keli) qof jilicsan oo la xannaanaynayo, cunto siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqin
m.f.dh eeg jaqi. la-mid: jaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebin
(Jebin-ta)
1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.
2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.
3. (weeso, kd.) gadid; burin.
4. (guddoon, qiil, kd.) burin.
5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebin
m.f.dh eeg jebi. la-mid: jabin, jabis, jebis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebin
vl. n. defeat, annihilation (of enemy)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jebin
-ta: (n) the act of breaking or defeating ~ jabin-ta, jabis-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore iskugu yaallay, fullaacin oo jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jebin
de: defeat, annihilation (of enemy)
lx: jebin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jerin
(Jerin-ta)
Raadin; baadiggoobid; doondoonid; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jerin
m.dh eeg jeri. la-mid: jeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jerin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqan, doondoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalin
(Lalin-ta)
Hawada dhexdeeda marin; duulin; bitin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalin
m.f.dh eeg lali². la-mid: lalis.