jasiirad-u-eke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jasiirad-u-eke
m.l (-kayaal, m.l/dh) (jooloji) Dhul badankiisa biyo ku wareegsanyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jasiirad-u-eke
m.l (-kayaal, m.l/dh) (jool.) Dhul badankiisa biyo ku wareegsanyihiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jasiirad u eke
Peninsula
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khoori
khoori¹: m.l (-iyo, m.dh) Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
khoori²: m.l (-iyo, m.dh) 1. (juqraafi) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqraafi) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suways (Suez).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khoori
khoori: m.l (-iyo, m.dh) Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
khoori: m.l (-iyo, m.dh) 1. (juqraafi) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqraafi) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Peninsula
Jasiirad u eke
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gasiirad-da
île.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jariidad-ka
revue.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jasiirad yar
Islet
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jasiirad-shacaabi
m.dh (-do ..., m.l) (jooloji) Dhul-badeed ka samaysan dhagaxshacaabi ka fog dhul kale, kuna dhex taal bad ama biyo weyn oo kale, joogeeduna aad uma sarreeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jasiirad-shacaabi
m.dh (-do ..., m.l) (jool.) Dhul-badeed ka samaysan dhagaxshacaabi ka fog dhul kale, kuna dhex taal bad ama biyo weyn oo kale, joogeeduna aad uma sarreeyo.