jarmaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aroor hore socodsiin; kallihin. la-mid: jermaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaadi
v. make someone set out early in the morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadi
(fal) xoolo iyo wax la mid ah, arooryo hore socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaadi
de: make s.o. set out early in the morning
lx: jarmaadi
pd: (jarmaadiyey)
ps: v2a=tr
key: jarmaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadin
(Jarmaadin-ta)
Arooryo hore wadid; kallihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadin
m.f.dh eeg jarmaadi. la-mid: jarmaa-dis¹, jermaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah, milay aroor hore ah, socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadis
jarmaadis¹: m.l la-mid: jarmaadin.
jarmaadis²: m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadid
m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysasho
(Hiireysasha-da)
Hiirtii meel aadid; jarmaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysad
-ka: (magac, lab, keli) aroorta hore meel u kicid. Dh: jarmaadid, kallahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiireysad
-ka: (magac, lab, keli) hiriirtii meel aadid; jarmaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juube
-ha: (magac, lab, keli) jarmaadidda dhaxanta subaxnimo ee qabaw. Geelu juubaha, joogi waayoo, hadba jilib qaad. Dh: yuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallahid
-da: (magac, dhedig, keli) arooryo hore socosho. Dh: jarmaadid, kallahaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. la-mid: jermaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. m.f.dh, jarmaadid. la-mid: jermaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaad
v. set out early in the morning, make an early start
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarmaad
-ay I day / nay: (v) wake up early in the morning; be early riser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaad
-ka: (magac, lab, keli) kallahaadda aroortii. Dh: kallahaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaad
de: set out early in the morning, make an early start
lx: jarmaad
pd: (jarmaaday)
ps: v1=
key: jarmaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaadid
(Jahaadid-da)
Jahaad gelid; diinta Islaamka darteed u dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaadid
m.f.dh eeg jahaad². la-mid: jihaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay daraaddii, dagaal u galid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraa'id
m.l.w eeg jariidad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaraa'id
m. n., pl. newspapers, journals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaraa'id
-ka: (n) newspaper (nuuz-peper); newsprint (nuuz-piriint)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraa'id
-ka: (magac, lab, keli) wargeys wararka lagu daabaco. Dh: wargeys.
jaraa'id -ka: (magacwadareed) qoraallada saxaafadda ee milay ku soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaraa'id
de: newspapers, journals
lx: jaraa'id
pd: (-ka Sg: jariidad)
ps: n8-m-pl
key: jaraa'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) la-mid: jarmaa-do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaado
(Jarmaada-da)
Arooryo socod; kallahaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaado
m.dh Socodka aroorta hore la socdo. la-mid: jarmaade, jermaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaado
f. n. setting out in the early morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarmaado
-jarmaadada: (n) daybreak (dheeybareek); dawn (dhoon); break of day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaado
-da: (magac, dhedig, keli) subaxda oo hore loo kaco oo la socdo. Dh: kallahaad. Li: daahid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaado
de: setting out in the early morning
lx: jarmaado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jarmaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jarmaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaadid
(Dammaadid-da)
Wax dammaadsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaadid
m.f.dh eeg dammaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid iyo dayoobid; wax dammaadsan noqod. dammaadsan: (tilmaame) mid wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaadid
(Jallaadid-da)
Jallaad ku rogid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadid
m.f.dh eeg jallaad². la-mid: jillaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadid
-da: (magac, dhedig, keli) buug, waraaq adag, harag ama maro dusha kaga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadin
m.dh la-mid: jarmaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadis
jermaadis¹: m.dh la-mid: jarmaadid.
jermaadis²: m.l la-mid: jarmaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadid
m.f.dh eeg maryaad². la-mid: maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadid
m.f.dh eeg qammaad². la-mid: qammaad¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogaan; ka dheeraan; ka weecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammaadid
m.f.dh eeg sammaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadid
m.f.dh eeg afarqaad². la-mid: afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod afarta addin marba labo israac u qaadis. Afarqaadid buu awrku reerka ku yimid. Dh: baabacayn, durdurin, dhabaabacayn, saqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaadid
m.f.dh eeg faraqaad². la-mid: faraqaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaadid
m.dh eeg jaanqaad². la-mid: jaanqaad¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaanqaadid
f. n. noise of footsteps; walking, going
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanqaadid
-da: (magac, dhedig, kali) isla helisteeda iyo ciyaariddeedaba. Dh: jaanqaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaanqaadid
de: noise of footsteps; walking, going
lx: jaanqaadid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: jaanqaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadmid
m.f.dh eeg jallaadan¹. la-mid: jillaadmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaadmid
vl. n. turning of upper eyelid; anything turned inside-out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) jeldi adag yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallaadmid
de: turning of upper eyelid; anything turned inside-out
lx: jallaadmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jallaadmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jararaacid
m.dh la-mid: halraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax arooryo hore soconaya ahaansho. la-mid: jermaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaarqaadid
m.f.dh eeg qaarqaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saruqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ama dhaqaale, kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahmaadid
(Shahmaadid-da)
Shahmaad ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahmaadid
m.f.dh eeg shahmaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) la yaabid iyo wareer ku ridid. Dh: amakaagid, ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaadid
(Jaadid-da)
1. Jaad cunid; qayilid.
2. (ku jaadid) Hawl gaar ah u yeelid, siin, ku qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaadid
m.f.dh eeg jaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadid
-ka: (magac, dhadig, kali) qaad cunid. Jaadid badan ayaan sameeyey. Dh: barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamaad
(Jamaad-da)
Qurux jilicsan oo macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamaad
pr. n., [feminine] Jamad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaad
f. n., [abstract] sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jamaad
name-f sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamaad
-ka: (n) beauty (biyuuti); attractiveness, charm, seductiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jamaad
magac loo baxsho gabadh dabeecad macaan ama gabadh qurux ku sixirta leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u qurux badan oo jilicsan oo taabashadooda la macaansado.
jamaad -ka: (magac, lab, keli) rabid aad u badan oo jamasho iyo jacayl weheliyaan. Dh: jamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaagid
m.dh la-mid: ammaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.