jarmaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. la-mid: jermaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. m.f.dh, jarmaadid. la-mid: jermaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaad
v. set out early in the morning, make an early start
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarmaad
-ay I day / nay: (v) wake up early in the morning; be early riser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaad
-ka: (magac, lab, keli) kallahaadda aroortii. Dh: kallahaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaad
de: set out early in the morning, make an early start
lx: jarmaad
pd: (jarmaaday)
ps: v1=
key: jarmaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) la-mid: jarmaa-do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aroor hore socodsiin; kallihin. la-mid: jermaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaadi
v. make someone set out early in the morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadi
(fal) xoolo iyo wax la mid ah, arooryo hore socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaadi
de: make s.o. set out early in the morning
lx: jarmaadi
pd: (jarmaadiyey)
ps: v2a=tr
key: jarmaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaado
(Jarmaada-da)
Arooryo socod; kallahaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaado
m.dh Socodka aroorta hore la socdo. la-mid: jarmaade, jermaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaado
f. n. setting out in the early morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarmaado
-jarmaadada: (n) daybreak (dheeybareek); dawn (dhoon); break of day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaado
-da: (magac, dhedig, keli) subaxda oo hore loo kaco oo la socdo. Dh: kallahaad. Li: daahid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaado
de: setting out in the early morning
lx: jarmaado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jarmaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamaad
(Jamaad-da)
Qurux jilicsan oo macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamaad
pr. n., [feminine] Jamad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaad
f. n., [abstract] sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jamaad
name-f sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamaad
-ka: (n) beauty (biyuuti); attractiveness, charm, seductiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jamaad
magac loo baxsho gabadh dabeecad macaan ama gabadh qurux ku sixirta leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u qurux badan oo jilicsan oo taabashadooda la macaansado.
jamaad -ka: (magac, lab, keli) rabid aad u badan oo jamasho iyo jacayl weheliyaan. Dh: jamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaad
f.mg1 (-day, -dday) la-mid: jarmaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarmaad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi foolxun; si xun u fadhiyid. Odaygii sidi waxay balaayo ku dhacday ayuu qarmaad u fadhiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiir
(Hiir-ta)
1. Arooryo hore; goorta la jarmaado.
2. Hiirtaayo.
3. Hiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysasho
(Hiireysasha-da)
Hiirtii meel aadid; jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallah
(Kallah-a)
Aroor hore oo socod loo kaco; hiiraysad; hiir; jarmaado; (ama kallahaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallaho
(Kallaha-da)
Kallah; jarmaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadsanaan
m.f.dh eeg jarmaadsan. la-mid: jarmaadsanaansho, jermaadsanaan, jermaadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadsanaansho
m.l/dh la-mid: jarmaadsa-naan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadid
m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadin
m.dh la-mid: jarmaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadis
jermaadis¹: m.dh la-mid: jarmaadid.
jermaadis²: m.l la-mid: jarmaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: jarmaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadin
(Jarmaadin-ta)
Arooryo hore wadid; kallihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadin
m.f.dh eeg jarmaadi. la-mid: jarmaa-dis¹, jermaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah, milay aroor hore ah, socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadis
jarmaadis¹: m.l la-mid: jarmaadin.
jarmaadis²: m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamacad
(Jaamacad-da)
Dugsiyada wax laga barto kan ugu danbeeya oo ugu sarreeya oo doktoornimada markhaatigeeda laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamacad
m.dh (-do, m.l) Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaamacad
m.dh (-do, m.l) Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaamacad
f. n. university, college
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaamacad
-da: (n) university (yunaveersiti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamacad
-da: (magac, dhedig, kali) aqalka ugu sarreeya ee aqoonta soo ururiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaamacad
bw: Arabic
de: university, college
lx: jaamacad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaamacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jaamacad
جامعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jarmaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaado
m.dh la-mid: jarmaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarad
-ka: (magac, lab, kli) il gacanta dul marmarin oo ku cadaadin. Dh: marmarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Armaa
(arm-)
Ma laga yaabaa in (... armaa roob da'aa); billaa; saa; sow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
armaa
fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tusaale: “Armuu Cali ii imaan doonaa”. la-mid: amaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
armaa
f.. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tusaale: Armuu Cali ii imaan doonaa. la-mid: amaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
armaa
[adverbial] [expression] perhaps, probably
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
armaa
(adv) are you possibly (poosibali). ; you may ~ amaa. Ex: Armaa u baahataa? is it possible you will need this?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
armaa
(falkaabe) erey lagu cabbiro waxa suuragal ay tahay inuu dhaco; erey lagu halqabsado kolka wax shaki laga muujinayo. Armaa taladu sidaad sheegtay noqon waydaa! Dh: billoo, amaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
armaa
cf: billaa, sow
de: perhaps, probably
lx: armaa
ps: adv-expr
key: armaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraad
-ka: (magac, lab, keli) dareenka wax lagu kala garto. Dh: dareen, ogaansho, miyir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale wax ku guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daraad
Dar; Aw-.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraad
m.dh. fk la-mid: dar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraad
m.dh.fk D.day, d.daa iyo wixi lamida. la-mid: dar². daraasad m.dh la-mid: daraaso, diraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraad
f. n. sake, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daraad
-da: (n) sake (seek)
daraaddaa: for your sake;
daraaddiis: for his sake;
daraadday: for my sake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraad
-ka: (magac, lab, keli) magaca loo yaqaan goodirka lab markuu yeriska yahay. Daraad baan ugaadhsi ku dilay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraad
bw: sabab
de: sake, reason
lx: daraad
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: ajli
key: daraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmad
(Darmad-ka)
1. (geel, kd.) daran daaqid.
2. (ku darmad, isku darmad) Ku biirid; ku kordhid; midoobid.
3. (midab) madow iyo beey isku darsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmad
darmad¹: m.l 1. Midab guduud oo madow xigeen ah oo xooluhu yeeshaan. 2. la-mid: darmasho.
darmad²: m.dh (-do, m.l) Koor boodaanta ka yar, aleelkana ka weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darmad
m. n. sickness from grazing on poisonous plants
darmad m. n., [abstract] dark gray (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmad
-ka: (magac, lab, keli) geel, geed daran daagid.
darmad -ka: (magac, lab, keli) midab madow iyo bey isugu jira. Midabka saca dhalay waa darmad.
darmad -ka: (magac, lab, keli) labo wax iyo in ka badan oo is dhexgasha; xoolo ku bira xoolo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaad
-da: (magac, dhedig, keli) taariikh iyo xusuus. Gamaaddaada muunee haddaad geeri huri waydo. Dh: sumcad.
gamaad -da: (magac, dhedig, keli) xayndaab xabaalaha lagu wareejiyo; ood xabaalaha lagu meegaaro. Xabaalaha gamaaddii way ka dhammaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaad
(Garaad-ka)
1. Kartida wax garashada; maan; kas; caqli; laab; xirgi; dhimir; maskax; fiiro; dhugmo.
2. (-) Nin qolo u madax ah; ugaas; iimaan; wabar; beeldaaje; boqor; suldaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.

gąraad
m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.
gąraad: m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaad
m. n., [abstract] understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence
garaad m. n. chief, leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garaad
name-m understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence; chief, leader (title of leadership & respect)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaad
-ka: (n) the human consciousness; mind (maayndh); brain (bareeyn); intellect (iintalekti) ~ maan-ka, xis —garaadka dahsoon: (adj) subconscious (sabkoon-shas) —ku garaadsaday / garaadsatay: (v) become aware at childhood; remember from childhood
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaad
Coscienza
Conscience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraad
(fal) oon oo biyo u baaho. Dh: harraad, oon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaad
(Jahaad-ka)
Dagaal Muslin iyo gaalo loo dagaallamo, diinta Islaamka dhawriddeed iyo ilaalinteed darteed; (ama jihaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaad
jahaad¹: m.l (dii.) Dagaal loo galo difaaca iyo fidinta diinta Islaamka. la-mid: jihaad¹.
jahaad²: f.mg1 (-day, -dday) (dii.) Difaaca iyo fidinta diinta islaamka ku dagaallamid. la-mid: jihaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jahaad
jahaad¹: m.l (dii.) Dagaal loo galo difaaca iyo fidinta diinta Islaamka. la-mid: jihaad.
jahaad²: f.mg1 (-day, -dday) (dii.) Difaaca iyo fidinta diinta islaamka ku dagaallamid. m.f.dh, jahaadid. la-mid: jihaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahaad
m. n. Jihad, Holy War
jahaad v. fight the Holy War ~ for Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahaad
-ka: (n) a Moslem holy war; jihad (ji-haad) ~ jihaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahaad
-ka: (magac, lab, keli) dagaal Muslin iyo gaalo ka dhexeeya oo loo galo diinta islaamka u hiilinteeda. Jahaad Ilaahay ayaa inafaray laakiin qof Muslina lagu ma jahaado, jihaad. Dh: dagaal. Li: nabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaad
(fal) tawaawac ama jibaad xaddhaaf ah isku xiiji; hantaatac iyo baryootan ku tiigaal. Dh: tawaawac.
jalaad -ka: (magac, lab, keli) shalaadka culimadu qaaddo ee ay qasiidooyinka ku qaadaan. Jalaad badan ayaa xadrada ka socda caawa. Dh: shalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaal
m.l Qurux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaal
m.l Qurux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamaal
name: Jamal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaal
m. n., [abstract] beauty
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jamaal
name-m handsome, graceful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamaal
-ka: (n) elegance, perfect style, beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaal
-ka: (magac, lab, keli) qurux iyo bilic.