jareexee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Cay kaftan ah cid u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jareexee
v. injure (physically ~ emotionally), slander; attack (with sarcasm); satirize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexee
(fal) in aad qof nabur loo geystay uu xaqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jareexee
de: injure (physically ~ emotionally), slander; attack (with sarcasm); satirize
lx: jareexee
pd: (jareexeeyey)
ps: v2b=
key: jareexee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareecee
(fal) hadal jareexa ah ku dheh. Jareecee dadka qaar. Dh: aflagaadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarxee
(fal) qof u xaq nabar loo geystay.
jarxee: (fal) qadhqadhshyo xummad darteed la gariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexo
(Jareexa-da)
Hadal waxkasheeg ah; xifaalo; kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jareexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jareexo
f. n. injury; slander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ku dhacay maqaarka iyo ludda.
jareexo -da: (magac, dhedig, keli) hadal qof wax lagaga sheego. Iska daa jareexada iyo ceebaynta dadka. Dh: dhalleeco. Wa: jareexooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jareexo
bw: Arabic
de: injury; slander
lx: jareexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jareexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadeexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn. m.f.dh, fadeexayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadeexee
v. insult someone in public, disgrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadeexee
-yey fadeexaysay: (v) scandalize (skaan-dhal-aayz); dishonor or disgrace ~ facshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexee
(fal) qof kale, ceeb iyo canbaar dusha uga tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadeexee
de: disgrace
lx: fadeexee
pd: (fadeexeeyey)
ps: v2b=
key: fadeexee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhinac kasta ka marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhinac kasta ka marid. m.f.dh, hareerayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareeree
v. go around the edge of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareeree
-yey/hareereysay: (v) siege (siij); surround (sarowndhi); encircle (enseerkal) ~ go'doomi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeree
(fal) dhinac walba ka mar. Dh: hareeray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareeree
de: go around the edge of
lx: hareeree
pd: (hareereeyey)
ps: v2b=
key: hareeree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. la-mid: nasteexee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naseexee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. m.f.dh, naseexayn. la-mid: nasteexee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid barwaaqayn (Ilaah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sareedee
v. cause to prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedee
(fal) barwaago ka dhig: baraaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sareedee
de: cause to prosper
initial: s
lx: sareedee
pd: (sareedeeyey)
ps: v2b=tr
key: sareedee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareedee
v. water something with rain-water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedee
(fal) biyo dhoobada ka miir oo xareed saafi ah ka dhig. Biyaha miir oo xareedee. Dh: xareeday, xareedi. Li: ajee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xareedee
de: water s.t. with rain-water
initial: x
lx: xareedee
pd: (xareedeeyey)
ps: v2b=tr
key: xareedee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexayn
(Jareexayn-ta)
Hadal jareexo ah, qof ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexayn
m.f.dh eeg jareexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal ku dhibid oo adyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margeelee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Xilligii uu dhalay xilligiisa kale rimid (sac).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margeelee
-ga: (magac, lab, keli) neef sac ah, xilligi uu dhalay xilligiisa kale rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasteexee
f.mg2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: naseexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasteexee
(fal) «u ~» cid kale, si daacad ah wax ugu sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Eex iyo dan moodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexee
(fal) eex samee; labo dhinac midkood u janjeedhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid. m.f.dh, jarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaree
v. train (a horse)
jaree v. tremble, shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaree
-yey/jareysay: (v) 1. tremble (taram bel); shiver (shivar). 2. put a saddle onto, especially a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaree
(fal) baq oo cabsoo oo gariir.
jaree: (fal) ciyaarta jaraha ciyaar.
jaree: (fal) rajee oo quuddarree. Jaree in ilaahay wax walba innoo hagaajiyo. Dh: filo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarcee
f.g/mg2 (-ceeyay, -caysay) 1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarcee
v. tremble, shiver, shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarcee
-yey / jareysay: (v) tremble (taram bel); shiver (shivar) ~ jaree, gariir, gargariir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarcee
(fal) adhi ama wax kale, candhada ka daawee.
jarcee: (fal) fidi haragga oo cadceedda u dhig oo jilci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarcee
a: jaree
de: tremble, shiver, shake
lx: jarcee
pd: (jarceeyey)
ps: v2b=intr
key: jarcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareer
(Jareer-ta)
Timaha adag oo dhogorta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareer
jareer¹: m.l 1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin
jareer²: m.dh.u Timo adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jareer
jareer¹: m.l 1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin.
jareer²: m.dh.u Timo adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jareer
f. n., (mass n.): kinky hair
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAREER
Cassia ellisae 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAREER
(Gerer) S Ipomoea paolii Chiov. Convolvulaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jareer
-ta: (n) 1. grounded grain ~ jariir 2. tight-curled hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareer
-ka: (magac, lab, keli) qof ka soojeeda dadka timaha adag ee madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jareer
de: kinky hair
lx: jareer
pd: (-ta)
ps: n-f-mass
key: jareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Goor subax ah qof cunto doonaya reer ku waaberiisasho. 2. (f.g) Goor subax ah marti cunto siin. 3. (f.mg) Cid wax ka rajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarree
v. expect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarree
de: expect
lx: jarree
pd: (jarreeyey)
ps: v2b=
key: jarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegee
f.mg2 (-geeyay, -gaysay) 1. Dhabardhabar u dabbaalasho. 2. Caano jiif ku cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegee
v. swim on one's back, float
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeegee
de: swim on one's back, float
lx: jeegee
pd: (jeegeeyey)
ps: v2b=
key: jeegee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jurxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) Cid jurxo ku dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jurxee
v. insult, abuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jurxee
(fal) cid kale, hadal adyad ah oo waxyeello u geysta ku dheh. Dh: jurxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jurxee
de: insult, abuse
lx: jurxee
pd: (jurxeeyey)
ps: v2b=
key: jurxee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexee
(fal) siibo oo meel dheer socod ku gaadh. Dh: dheeree, baxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeree
(fal) guurso oo qoys abuur. Cali kal hore ayuu reereeyaay oo wuxuu guursaday Dahabo.
reeree: (fal) inan gudniin fircooni ah gudan fur oo dadabgal u diyaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax aleel ku qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleelee
v. decorate with cowry shells
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleelee
de: decorate with cowry shells
lx: aleelee
pd: (aleeleeyey)
ps: v2b=
key: aleelee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bareele
-bareelaha: (n) [bareelayaal /bareelayaasha] stretcher (istreejar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareere
magac loo baxsho wiil loo baryayo inuu noqdo mid dhiirran oo aan xaqa ka gabban ama gees marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. la-mid: dareemo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. la-mid: dareemo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareeme
Detector
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareeme
m. n. sense, feeling; sensory organ; nerve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dareeme
-dareemaha: (n) nerve (nerv)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareeme
de: sense, feeling; sensory organ; nerve See also: dareemo
lx: dareeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dareeme
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareere
-ha: (magac, lab, keli) wax aan ahayn adke ama neef oo si xor ah u qulquli kara oo aan qaabna lahayn. Li: adke.
dareere-ha: (magac, lab, keli) saddexda nooc ee matarka mid ka mid ah oo u dhexeeya adkaha iyo neefta waana magaca ka dhexeeya hoorarka aan adkayn oo dhan. Biyuhu waa dareere danabgudbiye ah. Biyuhu waa hoor waana dareere. Hawadu waa neef waana dareere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeeye
-ha: (magac, lab, keli) natiijada ka soo baxda isla falgalka labo xisaabood iyo in ka badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaheeye
-ha: (magac, lab, keli) qalab tilamaama jahada oo lagu hago maraakiibta iwm. Jaheeye ayaan ku hagay markabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarbeen
-ka: (magac, lab, keli) qarka yar aan aad u dheerayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaree_1
de: train (a horse)
hm: 1
lx: jaree
pd: (jareeyey)
ps: v2b=tr
key: jaree_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaree_2
a: jarcee
de: tremble, shake
hm: 2
lx: jaree
pd: (jareeyey)
ps: v2b=intr
syn: gariir
key: jaree_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareero
-da: (magac, dhedig, keli) ladnaan iyo barwaaqo. Dh: barwaaqo. Li: abaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareeye
-ha: (magac, lab, keli) qof meel maamula. Mareeyaha wershadda ayaa shirjaraa'id qabanaya. Dh: maareeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareege
m. n. wanderer, wandering man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareege
-ha: (magac, lab, keli) qof orod wareega ah ku jira. Ninku waa wareege ku jira tartan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareege
de: wanderer, wandering man
initial: w
lx: wareege
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wareege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makeekee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Cid wax ka qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeekee
(fal) cid kale, wax ka qari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexee
(fal) meel ay labo qof sii joogeen ku biir, meel ay labo joogeen mid ku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) 1. Wax waxaan Ilaahay mooyee cid kale ilaalinayn ka dhigid. 2. Wax dayicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadeecee
v. leave the responsibility to another; entrust; neglect, disregard