jardiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jardiino
m.dh (-ooyin, m.l) Beer lagu nasto ama lagu raaxaysto oo aan miro la cuno lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jardiino
f. n. garden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jardiino
-jardiinada: (n) garden (gaardhan); park (paark)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jardiino
-da: (magac, dhedig, keli) beer ama meel la mid ah oo lagu tamashleeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jardiino
de: garden {It}
lx: jardiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jardiino
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garden
/gaardhan/ (n) 1. beer, siiba beerta ubaxa, khudradda iwm ka baxaan. (n) 2. beerta nasashada (jardiino) (v) 3. beer samayn. e.g. She is good at gardening.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
park
/park/ (n) 1. beer ama jardiino caws leh oo dad-weynuhu ku nastaan 2. meesha baabuurta la dhigto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shrub
/shrab/ (n) kayn ama jiq yar. shrubbery/shrabari/ (n) beer ama jardiino dhir badan oo cufan ka baxaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horticole
horticole, adj. - abuurka jardiinooyinka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horticulteur
horticulteur, n.m. - qofka jardiinooyinka ka shaqeeya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parterre
parterre, n.m. - jardiino ama beer loogu talagalay in lagu abuuro ubaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadiin
m.l (-nno, m.dh) 1. la-mid: jidiin. 2. Cunto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jadiin
m.l (-nno, m.dh) 1. la-mid: jidiin. 2. Cunto.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jardin
jardin, n.m. - beerta ubaxa lagu beero
jardin d'enfants - beerta carruurta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariido
m.dh la-mid: jariidad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jariido
f. n. newspaper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jariido
de: newspaper
lx: jariido
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jariido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariimo
m.dh Dembi weyn oo cid laga galo. la-mid: jariimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jariimo
m.dh Dembi weyn oo cid laga galo. la-mid: jariimad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jariimo
-jariimada: (n) felony (falani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jariimo
-da: (magac, dhedig, keli) danbi aad u badan oo weyn. Dh: danbi. Wa: jariimooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarriin
(Jarriin-ka)
Jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarriin
m.l la-mid: jarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarriin
vl. n. act of cutting ~ dividing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarriin
-ka: (n) 1. the act of cutting or chopping. 2. haircutting (heer-katting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jarriin
Detrazione
Deduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarriin
-ka: (magac, lab, keli) marka qofi kaga baxo ballan qof uu la galay. Dh: ballanfur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarriin
de: act of cutting ~ dividing
lx: jarriin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: jarriin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madiino
name-f Medina; lit: one named after the Islamic holy city of Medina. Cf: Mino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madiino
magac loo bixiyo gabadh looga magacdhigay magaalada barakaysan ee Madiina.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mariino
f. n. marine (soldier)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mariino
-mariinada: (n) marines (martinis); navy (neeyvi); Marine Corps ~ miranaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mariino
ciyaar da' weyn oo ka mid ah ciyaaraha durbaannada keliya iyo codka lagu qaado oo laga ciyaaro gobollada Shabeellada Dhexe iyo Bay ee Soomaaliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mariino
de: marine (soldier) {It}
lx: mariino
pd: (/da)
ps: n-f-atr
key: mariino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardiin
* (Sardiin-ka)
Huduf; baaqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardiin
m.l.u Huduf; baaqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sardiin
m.l.u Huduf; baaqe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardiin
m. n., [collective] sardine; canned sardines
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardiin
-ta: (magac, dhedig, keli) huduf ama baaqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardiin
cf: baaqe, huduf {Eng}
de: sardine; canned sardines
initial: s
lx: sardiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: sardiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsiino
(Marsiina-da)
Maro weyn oo haweenku xirtaan oo boqor loo qaato; hululuf; saddexqeyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsiino
m.dh (-ooyin, m.l) Maro weyn oo dumarku xirtaan oo boqor dhexda lagaga xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsiino
f. n. large robe (kind of Somali women's clothing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsiino
-da: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo dumarku xidho oo inta garays loo yeelo dhexdana dhixidh darayamuus ah lagu adkeeyo shuhsubo iyo gol maydhaxda lagu gurtana loo sameeyo. Gabadh marsiino iyo dhacle xidhani waa gabadh summadii sidata. Dh: saddexqayd, guntiino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsiino
cf: hululuf, saddexqeyd
de: large robe (kind of Somali women's clothing)
lx: marsiino
pd: (/da)
ps: n6-f
key: marsiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinso
(fal) hawl ama wax kale si isdabajoog ah u fal ama u samee. Dh: joogtayso, caadayso, laasin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guardiano
s.m. - ilaaliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsiino
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kaadsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardhiigo
-da: (magac, dhedig, keli) qof hadal loo sheegay aan xajin karin oo kolkaaba dadka kale u warrama oon sir lahayn. Dh: warranyo, wardhiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiino
m.dh (-ooyin, m.l) (kiimika) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH) oo ku dheggan kaarboonka alfa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amiino
m.dh (-ooyin, m.l) (kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH) oo ku dheggan kaarboonka alfa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariin
(Bariin-ta)
Nabadgelyo ku bari siin; samatabbixin; badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariin
m.f.dh eeg barii. la-mid: bariisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariin
f. n. safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socota ah, jiif iyo cunto la siiyo. Dh: martigelin.
bariin -ta: (magac, lab, keli) xoolo, ka ilaalin waxii dhib u keenaya oo dhan gaar ahaan habeenkii ilaa waagu baryayo. Tuug bariin ma leh berri buu ku xadi. Dh: magangalin, nabadgelin, samatabixin, badbaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariin
de: safety
lx: bariin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bariin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carino
agg. - bilan, wacan; bocor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariin
m.l Qalab baabuurka ku samaysan oo loogu talaggalay inuu joojiyo ama hakiyo socodka baabuurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariin
m.l Qalab baabuurka ku samaysan oo loogu talaggalay inuu joojiyo ama hakiyo socodka baabuurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku riixid. Ninka hardinta ka daa oo dagaal u badheedh. Dh: herdin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hariin
name-m shading, put ~ carry into the shade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jariir
(Jariir-ta)
Jiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariir
m.dh.u Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. la-mid: jiriir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jariir
m.dh.u Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. la-mid: jiriir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jariir
f. n., [collective] granule, fragment; powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jariir
-ta: (n) grounded grain; granule (garaan-yul) ~ jareer, jiriir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jariir
(tilmaame) hadhuudh aan aad loo digiijin.
jariir-ta: (magac, dhedig, keli) mudhaha la ridqayo inta budada noqota ma ahee, inta yaryar ee buurbuuran. Dh: jiriir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jariir
a: jiriir
de: granule, fragment; powder
lx: jariir
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: jariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jariir
حُبَيْبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ciyaar turub, qof haad uusan hayn inuu jaro ku qasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidiin
(Jidiin-ka)
1. Hunguriga madow oo cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha.
2. Cunnada lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidiin
m. n. gullet, throat; food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidiin
-ka: (n) throat (throwt); gullet (galet); esophagus, also oesophagus ~ hunguri, dhuun, buuc, cune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno. Jidiin jaar lagama hagrado.
jidiin -ka: (magac, lab, keli) hunguriga madow ee cuntadu marto oo xidhiidhiya afka iyo caloosha. Dh: hungri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidiin
de: gullet, throat; [ext.] food
lx: jidiin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: jidiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariin
m.l la-mid: kariim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u ballamid. Nin madiin badan lama aammino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardin
(Mardin-ta)
Xarriiq; jiitin; daliig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardin
m.dh (-nno/-imo, m.l) 1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardin
f. n. line
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq dheer meel ka jeexid. Dh: xarriiqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardin
cf: daliig, xarriiq; jiitin
de: line
lx: mardin
pd: (-ta Pl: mardimo (/ha))
ps: n1-f
key: mardin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mariin
-ka: (magac, lab, keli) dharka ay caruuska iyo caruusaddu xidhaan habeenka arooska. Ubax baan mariin uga dhigaa, geesta uu maro'e. Dh: marriin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marino
agg. - badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiin
qadiin¹: m.l la-mid: qadiim.
qadiin²: m.dh 1. Midab-gaddoonka ku dhaca xoolaha jirran; yuduun. 2. Badar muddo yiil oo uumi gaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariin
m.l Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariin
-ka: (magac, lab, keli) geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu como cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARIIN
(Sarin) N Crossandra nilotica Oliv. Acanthaceae.
N Dicliptera verticillata (Forsk) C. Chr. Acanthaceae.
S, May Duosperma eremophilum Milne-Redh. Acanthaceae.
C Neurocanthus polyacanthus Lindau C.B.Cl. Acanthaceae.
N Leucas cuneifolia Bak. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariin
m.l la-mid: tareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadino
(tilmaame) bad deggan; bad fadhida oo aan kacsanayn. Baadino ayay ahayd baddu maanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąjiino
m.dh la-mid: bojiino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bajiino
f. n. rest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bajiino
de: rest
lx: bajiino
pd: (/da)
ps: n6-f
see: bejiino {S}
key: bajiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardhin
-ta: (magac, lab, keli) calaamad dhibicdhibic ah. Bardhin madaw baa ku taalla shaadhkaaga. Dh: dhibic, bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardiil
m.dh Hanti la siiyo qof awood maamul leh si weji looga helo.