jarcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarcee
f.g/mg2 (-ceeyay, -caysay) 1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarcee
v. tremble, shiver, shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarcee
-yey / jareysay: (v) tremble (taram bel); shiver (shivar) ~ jaree, gariir, gargariir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarcee
(fal) adhi ama wax kale, candhada ka daawee.
jarcee: (fal) fidi haragga oo cadceedda u dhig oo jilci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarcee
a: jaree
de: tremble, shiver, shake
lx: jarcee
pd: (jarceeyey)
ps: v2b=intr
key: jarcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid. m.f.dh, jarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaree
v. train (a horse)
jaree v. tremble, shake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaree
-yey/jareysay: (v) 1. tremble (taram bel); shiver (shivar). 2. put a saddle onto, especially a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaree
(fal) baq oo cabsoo oo gariir.
jaree: (fal) ciyaarta jaraha ciyaar.
jaree: (fal) rajee oo quuddarree. Jaree in ilaahay wax walba innoo hagaajiyo. Dh: filo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Goor subax ah qof cunto doonaya reer ku waaberiisasho. 2. (f.g) Goor subax ah marti cunto siin. 3. (f.mg) Cid wax ka rajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarree
v. expect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarree
de: expect
lx: jarree
pd: (jarreeyey)
ps: v2b=
key: jarree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarxee
(fal) qof u xaq nabar loo geystay.
jarxee: (fal) qadhqadhshyo xummad darteed la gariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarcayn
m.f.dh eeg jarcee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariir_1
de: shake, tremble, quake, shiver
hm: 1
lx: gariir
pd: (gariiray)
ps: v1=
syn: jarcee ~ jaree
key: gariir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaree_2
a: jarcee
de: tremble, shake
hm: 2
lx: jaree
pd: (jareeyey)
ps: v2b=intr
syn: gariir
key: jaree_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareecee
(fal) hadal jareexa ah ku dheh. Jareecee dadka qaar. Dh: aflagaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceer
carceer¹: m.l la-mid: carceerid.
carceer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax muuqaalkiisa libdhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carceer
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax muuqaalkiisa libdhid. m.f.dh, carceerid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càrcere
s.m. - xabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarbeen
-ka: (magac, lab, keli) qarka yar aan aad u dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jare
(Jara-ha)
1. Xarig lo'da iyo fardaha lagu qabto.
2. Shax: a) kolka saddex isku dhacdo. b) Shaxda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jare
m.l 1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iyo wixi lamida lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. la-mid: jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jare
m. n. halter; lasso
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JARE
(Jare) S Cynodon dactylon (L) Press. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jare
-jaraha: (n) lasso (laaso); lariat (laarit); leash (liish); bridle (bareeydhel) ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jare
-ha: (magac, lab, keli) weerarka ciyaarta shaxda ee god illaa god loo guuro. Macnaa gabaygu kala leeyihiyo jariyo miidaane.
jare-ha: (magac, lab, keli) xadhig ka mid ah xadhkaha awrta iyo fardaha loo isticmaalo. Dh: tababar, layli. Wa: jareyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jare
de: halter; lasso
lx: jare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardee
(fal) eeg arday.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armée
armée, n.f. - Ciidan Milatari; Ciidammada Gaashaandhigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacee
(fal) eeg bacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley xanaaq dagaal geliya ku abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caree
v. anger, enrage, make someone angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caree
-yey / say: (v) defy (di-faay); challenge (jaa-lanji), dare (deer); instigate anger; look for trouble ~ cari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caree
(fal) ka xanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caree
de: anger, enrage, make s.o. angry; dare s.o.
lx: caree
pd: (careeyey)
ps: v2b=tr
xe: I dare you
xv: Waan ku careeyey.
key: caree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Wax dac ku wasakheyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacee
v. cause to overflow; make water dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacee
(fal) biyo ku daadaadi ceelka iyo darka inta u dhaxaysa.
dacee: (fal) wax dac ku wasakhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacee
de: cause to overflow; make water dirty
lx: dacee
pd: (daceeyey)
ps: v2b=
key: dacee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daree
v. get a strangle hold (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daree
(fal) «u ~» dar samee; dar laga cabbo xidh. Intaanan adhiga la soo horin u daree. dareeme -ha: (magac, lab, keli) miiqyo dhaadheer oo cayayaanka qaarkood leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daree
de: get a strangle hold (in wrestling)
lx: daree
pd: (dareeyey)
ps: v2b=
key: daree
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
farce
/fars/ (n) 1. majaajillo, (n) 2. dheel-dheel, ama wax cajiib ah oo lugu maadsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
farce
farce, n.f. - kedis (sida barnaamijka kedis),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cunto, cabid iyo wixi lamida faro dhex gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cunto, cabid iyo wixi lamida faro dhex gelin. m.f.dh, farayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faree
v. touch, finger; contaminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faree
-yey / faraysay: (v) touch with the fingers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faree
de: touch, finger; contaminate
lx: faree
pd: (fareeyey)
ps: v2b=
key: faree
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garce
garce, n.f. - gabadh nolol xun ku nool; dhilo ah; dhilaysata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garee
v., [compound]suf: use something, make something [verb maker]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garee
de: use (X), make (X) [VERB MAKER] Used with foreign nouns to make a verb
lx: garee
pd: (gareeyey)
ps: v2b-cmp-suf
xe: bombard
xv: bomgaree
key: garee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haree
v. shade, take ~ put in the shade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haree
-yey / hareysay: (v) overshadow (oovarshaadhow), shade (sheeydh) ~ hoos u yeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haree
(fal) har ama hoos u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haree
a: hari
de: shade, take ~ put in the shade
lx: haree
pd: (hareeyey)
ps: v2b=tr
key: haree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Qof jaho aadsiin. la-mid: jihee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jahee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Qof jaho aadsiin. m.f.dh, jahayn. la-mid: jihee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahee
v. direct; orient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahee
-yey / jaheysay: (v) 1. cause to move toward a direction; 2. make an orientation ~ jihee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahee
(fal) dad ama xoolo, jaho u kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jahee
de: direct; orient
lx: jahee
pd: (jaheeyey)
ps: v2b=tr
key: jahee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: jalasii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamce
(Jamca-ha)
Toddobada maalmood oo toddobaadka mid kamid ah oo u dhexaysa Khamiista iyo Sabtida; (ama Jimce).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamce
m.l Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. la-mid: jimce, jimco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamce
m.l Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. la-mid: jimce, jimco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamce
m. n. Friday
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Jamce
-Jamcaha: (n) Friday (faraay-dheey) ~ jimce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jamce
-ha: (magac, lab, keli) maalinta todobaadka Muslimiintu ka nastaan shaqada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jamce
bw: Arabic
de: Friday
lx: Jamce
pd: (/ha)
ps: n0-m-time, n7-m
see: Jimce
key: Jamce
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarco
(Jarca-da)
Sar neef xoolo ah laga baxshey oo la dhisay; lammo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarco
m.dh (-ooyin, m.l) Maqaar lo'aad ama geel oo guryaha lagu dhiso ama gogol ahaan loo isticmaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarco
f. n. trembling, shivering, shaking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarco
-jarcada: (n) convulsion (kon val shen); shiver (shivar); tremble (taram bel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarco
-ha: (magac, lab, keli) hargo inta xudhug laga dhigo qaab weylaaliseed la isugu tol-tolo oo aqal-miyi roob laga saaro; shiraaq Soomaali. Aqal aan jarco lahayn, jirsigiisa uma dudo, gabadh aan jafle agoon, jaandheerta uma tumo. Dh: shiraaq, harag, Wa: jarcooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarco
de: trembling, shivering, shaking
lx: jarco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jarco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) la-mid: macaanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macee
v. sweeten, make sweet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macee
-yey / maceysay: (v) make sweet or sweeter; sweeten (iswii-tan) ~ macaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macee
(fal) eeg macaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macee
a: macaanee
de: sweeten, make sweet
lx: macee
pd: (maceeyey)
ps: v2b=tr
key: macee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marée
marée, n.f. - Hirka badda; isbadbadalka heerka badda.
marée basse - Caarin.
marée haute - Marka ay baddu soo buuxsanto.
marée noire - Marka baddu saliid soo tufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Cid wax ku dhibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacee
v. oppose, be against someone; mistreat (with hatred)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacee
-yey / naceysay: (v) be unhelpful; be unco-operative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacee
de: oppose, be against s.o.; mistreat (with hatred)
lx: nacee
pd: (naceeyey)
ps: v2b=tr
key: nacee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaree
f.g2 (-reeyey, -raysay) 1. Qar u yeelid (weel). 2. la-mid: qiree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaree
v. smooth the rim when carving a bowl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaree
(fal) geerka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaree
de: smooth the rim when carving a bowl See also: qiree
lx: qaree
pd: (qareeyey)
ps: v2b=tr
key: qaree
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raree
v. cover up someone who is cold with something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raree
de: cover up s.o. who is cold with s.t. (e.g., a blanket)
lx: raree
pd: (rareeyey)
ps: v2b=tr
key: raree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley cudur qaadsiin. 2. Cid wax xun barid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saree
(fal) meel sare joog: koree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cid ama wax danayn.