jaraaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraaf
-ka: (magac, lab, keli) qalab dhismaha laga shaqeeyo sida majarafada madaraqa ama wax kale. Wa: jaraafyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarraaf
-ka: (magac, lab, keli) qof aan wax aqoon oo wax walba waan garanayaa ku sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraf
(Jaraf-ka)
Timo gaaban oo gabdhuhu deystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraf
m.l 1. Gabar yar oo dhawaan la gudey timaha u soo baxa. 2. Haruubka, dhiisha iyo wixi lamida salkooda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaraf
m. n. girls' short hair style
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraf
-ta: (magac, dhedig, keli) timo gaaban oo dumarku daystaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaraf
de: girls' short hair style
lx: jaraf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jaraf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraaf
m.l Nuqul, bartilmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaf
-ka: (magac, lab, keli) qoraal in dib loo eego u baahan oo aan dhammaystirnayn. Dh: qabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaaf
m. n. graph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaaf
de: graph {Eng}
lx: garaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaaf
m.dh (-fo, m.l) 1. Kab duug ah. 2. Haashka sigaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqaaf
-ka: (magac, lab, keli) sigaarka intiisa danbe ee la tuuro. Dh: haash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraas
-ka: (magac, lab, keli) qof gaaban oo da' weyn oo hoos'ubax ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxaaf
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraaf
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaaqaayir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flagon
/flaagon/ (n) jaraafad ama jalamad cabitaanka lugu shubto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
giraffe
/jaraaf/ (n) geri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
watering-can
/wootarin-kan/ (n) jaraafad gan leh oo dhirta lugu waraabsho, siilad-biyo oo gan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaraaf
m.dh la-mid: masharaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaf
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaafo
-garaafada: (n) pitcher (pijar); jug (jaag)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaraan
(Jaaraan-ka)
Jiiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaraan
m.l la-mid: jiiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaraan
m. n. neighbor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaaraan
a: jiiraan
de: neighbor
lx: jaaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jaaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Cid socota si ay u kufto lug u dhigid. la-mid: jallaafee, jillaaf, jillaafee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jallaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Cid socota si ay u kufto lug u dhigid. m.f.dh, jallaafid. la-mid: jallaafee, jillaaf, jillaafee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaaf
v. trip someone (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jallaaf
-ay / tay: (v) cause to stumble (istambel)-, trip (tiriip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaaf
(fal) suuldaaro u dhig. Dh: suuldaaree, qonof.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallaaf
de: trip s.o. (up)
lx: jallaaf
pd: (jallaafay)
ps: v1=tr
key: jallaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafi
f.mg2 (-iyay, -isay) Si debec iyo jiljileec ku jiro u dhaqaaqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarabar
-ay / tay: (v) train an animal to be of use to human beings; tame (teeym); domesticate (dumays-ti-keeyt); train (tareeyn); break in
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jararac
m.dh.sh.r Erey tilmaama wax la jeexayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jararac
f. n. rip, sound that is made when someone pulls ~ tears something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jararac
(ereycodeed) lagu tilmaansado jabaqda wax la kala dillaacinayo. Dh: dararac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jararac
de: rip, sound that is made when s.o. pulls ~ tears s.t.
lx: jararac
pd: (-da)
ps: n-f
key: jararac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. la-mid: jermaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jarmaad
f.mg1 (-day, -dday) Aroor hore socosho. m.f.dh, jarmaadid. la-mid: jermaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarmaad
v. set out early in the morning, make an early start
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarmaad
-ay I day / nay: (v) wake up early in the morning; be early riser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaad
-ka: (magac, lab, keli) kallahaadda aroortii. Dh: kallahaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarmaad
de: set out early in the morning, make an early start
lx: jarmaad
pd: (jarmaaday)
ps: v1=
key: jarmaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarnaan
m.f.dh eeg jaran². la-mid: jarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax go'an ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarraaq
-a: (magac, lab, keli) oohin aad u dheer oo xanuun ama naxdin keento. Dh: jaqaaq.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jawaafa
Guava
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARADAF
(Mardaf) S. Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
S Comretum aculeatum Vent. Combretaceae.
May, S Caucanthus albidus (Nied.) Nied. Malpighiaceae.
C Caucanthus edilus Forsk. Malpighiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaaf
m.l Qumbe curdun ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qararaf
-ta: (n) petty trader women
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraaf
qarraaf¹: m.l 1. Macsi raadinta ay ragga iyo haweenku sameeyaan. 2. Warwareeg aan dan gaar ah lahayn. 3. la-mid: qarraafid.
qarraaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Galmo aan xalaal ahayn raadin. 2. Risiq raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraaf
v. wander around surreptitiously at night in search of a sexual partner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraaf
-ka: (magac, lab, keli) qof xumo raadsi ah qof macna la'aan habeenkii warwareega. Dh: ciyaalasuuq.
qarraaf -ka: (magac, lab, keli) raadsiga falal xunxun. Dh: xumoraadsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraaf
de: wander around surreptitiously at night in search of a sexual partner
lx: qarraaf
pd: (qarraafay)
ps: v1=intr
key: qarraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraaf
m.l (-fyo, m.dh) Qof lacagaha qalaad isku beddela oo sarrifa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarraaf
m. n. currency ~ money exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraaf
-ka: (magac, lab, keli) meesha lacagaha lagu beddelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarraaf
cf: sarrif
de: currency ~ money exchange
initial: s
lx: sarraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sarraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warjaaf
warjaaf¹: m.l la-mid: warjeef¹.
warjaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: warjeef².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaf
(Raaf-ka)
1. Dhammaadka cagta oo qoob ama qanjaafuli ku rogan tahay.
2. Qoob kala jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaf
raaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal.
raaf²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Nafley xasuuqid. 2. Dad khasab ku ururin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaf
raaf¹: m.l (-faf, m.l) 1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal.
raaf²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Nafley xasuuqid. 2. Dad khasab ku ururin. m.f.dh, raafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaf
m. n. hoof, foot of hoofed animal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raaf
-ka: (n) hoof (huuf); trotter (taroo-ter) ~ qoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaf
(fal) dad si khasab ah u ururi oo kexee. Qofkaan sharci haysan dalka ka raaf. Dh: ururi.
raaf -ka: (magac, lab, keli) qoobka hoose ee xoolaha iyo ugaadha kilalka leh. Dh: qoob.
raaf -ka: (magac, lab, keli) markab isaga con deked ku xidhan waxa uu sido si toos ah xeebtal ugu dejin kara.
raaf -ka: (magac, lab, keli) ururin dad la ururiyo oo sida xoolaha loo kexeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaf
de: hoof, foot of hoofed animal
lx: raaf
pd: (-ka Pl: raafaf (ka))
ps: n4-m
key: raaf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaraa
-da: (n) 1. ideas (aay diyas) ~ fikrad. —Syn: thoughts, notions, concepts, conceptions. 2. opinions (opiin-yanis); a belief or conclusion ~ talo ama fikrad. —Syn: views, Ex: aaraa kala duwan baa la soo jeediyay; different ideas or opinions have been raised
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaaf
(Afaaf-ka)
Meel furan (xero, derbi, aqal), oo laga galo ama laga baxo; illin; kadin; irrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaaf
m.l (afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal, xero iyo wixi lamida laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaaf
m.l (afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal, xero iyo wixi lamida laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaaf
m. n. doorway, entrance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afaaf
-ka: (n) doorway (doorwey); the entranceway to a room, building, or passage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaaf
-ka: (magac, lab, keli) meel inteeda kale xidhan tahay sida xero, derbi iyo aqal, halka laga galo ama laga baxo. Dh: albaab, kadin, irrid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaaf
de: doorway, entrance
lx: afaaf
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araah
-da: (magc, dhedig, keli) midho meel dheer loo doonto. Dh: qadhaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araar
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka ama qoraalka qaybta hordhaca u ah. Araar kooban ka dib, wuxuu u daadegay akhrintii gabayga. Dh: gogoldhig. hordhac. Li: gabagabo, gunaanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraf
(Baraf-ka)
Biyo, qabow darti la guntama, oo sida dhalada u iftiima oo u dhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Ice
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Snow, Ice
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraf
m. n., (mass n.): ice, snow, sleet, hail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraf
-ka: (n) 1. ice (aays) Ex: warshadda barafka; ice factory. 2. snow (isnoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraf
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabaw dartii la fadhiistay oo dhagaxoobay. Waan surmiyey biyaha baraf iigu rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraf
de: ice, snow, sleet, hail
lx: baraf
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: baraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baraf
جَمَدَ، جَلِيدٍ، ثَلْجِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraf
(Caraf-ta)
Ur la jeclaysto; udug; udgoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraf
caraf¹: m.dh Ur udgoon oo la jeclaysto.
caraf²: f.mg1 (-rfay, -raftay; -rfi) Ur carfoon soo udgid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraf
caraf¹: m.dh Ur udgoon oo la jeclaysto.
caraf²: f.mg1 (-rfay, -raftay; -rfi) Ur carfoon soo udgid. m.f.dh, carfid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraf
f. n. fragrance, sweet odor; perfume
caraf v. be fragrant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraf
-ta: (n) a pleasant odor; aroma (a-rooma); fragrance (fareey-gransi); sweet smell. Syn: bouquet, perfume, redolence, scent *
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraf
(fal) si udgoon u ur; ur udgoon soo saar oo soo bixi.
caraf -ta: (magac, dhedig, keli) laydh yar oo debacsan oo la jeclaysto oo noolaha, dhirta iyo dareeraha qaarkood laga helo. Caraf ayaa ii uraya. Dh: udgoon, udug, carfi. Li: qudhmuun, qadhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daraf
(Daraf-ka, Daraf-ta)
Dhinac, dacal; doc; baal; gees; barbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraf
m. l/dh (-rfo, m. l/-fyo, m.dh) 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraf
m.l/dh (-rfo, m.l/-fyo, m.dh) 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.