jar'udeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jar'udeg
(fal) xeel iyo xirrib ku dhagar oo dabin sireed u dhig; qorshe ku-talo-gal ah ku khatal, jaamac u go'ayaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro-deg
Lake dwelling
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marauder
/meroowdher/marauders; (n) shufto (qawlaysato). marauding/meroowdhin/ (adj) shuftanimo (qawlaysatanimo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marauder
marauder, v. - Qofka xada wax la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carra'edeg
-ta: (magac, dhedig, keli) erey lagu tilmaansado oo lagu tusmeeyo dunida; dunidu inta ay ka kooban tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carro'edeg
-ta: (magac, dhedig, keli) erey lagu tilmaansado adduunka oo dhan. Dh: caalam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marakudheg
(Marakudheg-ta)
Geed nagaar ah; marabboob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakudheg
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakudheg
f. n., [compound] weed species that sticks to one's clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakudheg
de: weed sp. that sticks to one's clothes
lx: marakudheg
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marabboob
key: marakudheg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkudheg
(Halkudheg-ga)
Hadal badan ama gabay, kd., ereyga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku uruursan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkudheg
m. n., [compound] theme word of a song ~ speech; slogan, motto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkudheg
-ga: (n) slogan (slowgan); motto (maatow); catchword (kaj woordh) ~ oraah, halhays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkudheg
-ga: (magac, lab, keli) eray ama weedh uu qof mar walba ku halqabsado. Awawgay wuxu halkudheg u lahaa: haddii Eebbe idmo. Dh: halkudhig.
halkudheg-ga: (magac, lab, keli) hadal badan ama gabay iyo wixii la mid ah, erayga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku urursan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkudheg
cf: halhays
de: theme word of a song ~ speech; slogan, motto
lx: halkudheg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: halkudheg
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maraudage
maraudage, n.m. - Cuno xadid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARA-KUDHEG
(Maragudeg) N Kissenia arabica Chiov. Loasaceae.
N, S, C Pupalia lappacea (L)A. Juss Amaranthaceae.