jaqiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqiiq
(ereycodeed) lagu cabbiro jabaqda wax la cadaadiyo amma la buquujiyo oo cod sameeya. Dh: jiqiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqiiq
(Daqiiq-a, Daqiiq-da)
Badarka la tumay oo laga dhigay budo; bur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiq
m.l/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiq
m. n.-mass: flour, meal, powder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqiiq
-da: (n) flour (faloor); powder (paw-dher); grounded maize ~ bur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiq
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumayoo budo laga dhigay. Dh: bur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiq
bw: Arabic
de: flour, meal, powder
lx: daqiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f-mass
key: daqiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiqiiq
(ereycodeed) lagu tilmaansado codka xayawaanka qaarkii, gaar ahaan kolka cunaha la qabto ama uu sakaraadayo.
jiqiiq -da: (magacwadareed) adhi dhawr bilood jir ah, shilshilis oo dhaylo ah. Dh: dhaylo.
jiqiiq -da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah oo dhudhuub ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqiiq
(Maqiiq-a) (is maqiiq)
Meel ama wax xiran ama cirriiryoon oo xoog la isugu kakabiyo; toos wax loo jiiro, loo jibaaxo, laysugu matatariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiq
maqiiq¹: m.l la-mid: maqiiqid.
maqiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqiiq
f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku m.: meel xoog ku jiirsiin (wax). 2. Ku m.: wax wax kale si xoog leh ugu tuurid. 3. Isku m.: si gabbasho la'aan ah oo dagaal ku jiro cid isugu taagid. m.f.dh, maqiiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqiiq
-ay / day: (v) see [eeg] is maqiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiq
(fal) meel cidhiidhi ah si xoog ah ku mari. Musmaarka gidaarka ku maqiiq. Dh: matatari, jiidhsii.
maqiiq: (fal) xoog u orod oo xawligaaga waxba ha la hadhin; aad u caymad. Aabbo orod is maqiiq oo salaadda gaadh. Dh: caymad.
maqiiq -a: (magac, lab, keli) marinta shay meel cidhiidhi ah qasab lagu mariyo. Dh: matatar, jiidh. Li: qunyar, aayar, miyir.
maqiiq-a: (magac, lab, keli) orod aan waxba lala hadhin. Is maqiiqa badan waa lagu jabaa ee aayar iska soco. Dh: turuf, caymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiq
(Xaqiiq-da)
Wax aan male ahayne sugan; run; hubanti; (ama xaqiiqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiq
m.dh Run; dhab. la-mid: xaqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaqiiq
m.dh Run; dhab. la-mid: xaqiiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqiiq
f. n., [abstract] reality, truth, certainty; reliability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiiq
-da: (n) truth (turuuth); reality (ri-yaalati); fact (faakt); veracity (va-raa-sati) ~ run, dhab. Ex: xaqiiqda ii sheeg!; tell me the truth!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiq
-da: (magac, dhedig, keli) run male iyo mala'awaal aan ahayne dhab u sugan. Dh: run, hubanti, xaqiiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqiiq
de: reality, truth, certainty; reliability
initial: x
lx: xaqiiq
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: xaqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiqo
m.dh la-mid: daqiiqad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daqiiqo
Minute
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiqo
f. n. minute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli gaaban oo u dhigma saacad lixdan ilbidhiqsi. Shan daqiiqo ku soo noqo. Dh: miridh, daqiiqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiqo
de: minute
lx: daqiiqo
pd: (/da)
ps: n6-f-time
xe: Well be there in a minute.
xv: Daqiiqa ka dib baannu imanaynaa.
key: daqiiqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqniin
-ka: (magac, lab, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqsiin
m.f.dh eeg jaqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, caano nuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqiiq
(Shaqiiq-a)
Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqiiq
m. n. neuralgia, disease that causes someone to grind one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqiiq
-ga: (magac, lab, keli) cudur madaxa ku dhaca oo wixii qabaa ilkaha isku xoqaan, isku lisaan oo jirriqsadaan. Dh: qandho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqiiq
de: neuralgia, disease that causes s.o. to grind one's teeth
initial: s
lx: shaqiiq
pd: (-a)
ps: n-m
key: shaqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqo
m.dh la-mid: xaqiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqiiqo
f. n., [abstract] certainty; truth, fact
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiiqo
-xaqiiqada: (n) truth (turuuth); reality (ri-yaalati); certainty (ser-tanti) ~ run, dhab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) dhabta iyo waxa saxda ah ee madasha yaal. Dh: hubaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqiiqo
a: xaqiiq
de: certainty; truth, fact
initial: x
lx: xaqiiqo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: xaqiiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiq
(Jiiq-a)
Geed qodxo leh oo gumarta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiq
m.l (jiiq, m.dh) (botani) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiq
m.l (jiiq, m.dh) (botani) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiq
m. n. thorny plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIIQ
Acacia senegal 01, A. seyal 01: fr
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIIQ
(Jig) C, 0g, NFD, Acacia seyal Del. Mimosaceae.
NFD, C Acacia zanzibarica (S.Moore) Taub. Mimosaceae.
NFD Acacia sieberiana DC. Mimosaceae.
C Acacia bricchettiana Chiov. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiq
(ereycodeed) tusmeeya cida shinbiraha iwm.
jiiq-a: (magac, lab, keli) geed godax leh oo gumarta u eg. Jiiq jidhif ma yeelato.
jiiq-da: (magac, dhedig, keli) daayeerka dhasha ah. Jiiq ayaan soo qabtay. Dh: jaambiiq, jiiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiiq
de: thorny plant sp.
lx: jiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m, n5-m
key: jiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiq
(Qiiq-a)
Qaac; qiic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiq
qiiq¹: m.l 1. Q. isku qarin: hargalulid (qof), iska yeelyeelid (qof). 2. la-mid: qaac¹.
qiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: qaac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiiq
m.l 1. Q. isku qarin: hargalulid (qof), iska yeelyeelid (qof). 2. la-mid: qaac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiiq
Smokes
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiq
m. n. smoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiiq
-a: (n) smoke (ismook) ~ qiic, qaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiq
(ereycodeed) lagu cabbiro codka hungaacada ama oohinta dadka. Willkil bukay hungaaco ayuu qiiqda hayaa. Dh: qiq, cuuc.
qiiq-a: (magac, lab, keli) eeg qiic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiq
bw: qaac ~ qiic
de: smoke
lx: qiiq
nt: qiiq (qiiqay) [v1=]
pd: (-a Pl: qiiqaq (a))
ps: n4-m, n2a-m-mass
key: qiiq
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqiin
v., sg., simple past tense: I knew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqiin
(v) [past] I knew ~ iqiin. Ex: waan aqiin; I knew already
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqiin
de: I knew
lx: aqiin
pd: (iqiin)
ps: v4d-1sg-past
key: aqiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqid
(Jaqid-da)
Afka wax ku nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqid
m.f.dh eeg jaq².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqid
-da: (n) act of sucking ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere afka ku nuugid. Dh: nuugida.
jaqid -da: (magac, dhedig, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqin
m.f.dh eeg jaqi. la-mid: jaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqis
m.l la-mid: jaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) nuugista dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariiq
(Bariiq-a)
Galka ku rogan iniinaha bariiska intaan la tumin; (ama biriiq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariiq
m.l Qolofta ku dahaaran iniinyaha bariiska intaan la tumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariiq
m. n. husk (of rice), grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariiq
-a: (magac, lab, keli) galka ama qalka ku rogan iniinyaha bariiska oo madow oo laga hufoo laga haadiyo. Dh: bidhiiq, suqul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariiq
a: biriiq
de: husk (of rice), grain
lx: bariiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: bariiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batiiq
m.l la-mid: batiikh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATIIQ
(Batig) S Cucumis melon L. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiq
m.l Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiq
-a: (magac, lab, keli) wax qadiim ah oo waa hore jirri jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid. m.f.dh, daliiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliiq
v. separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliiq
(fal) si aan ka dhergid iyo hanbo midna lahayn wax u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliiq
de: separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
lx: daliiq
pd: (daliiqay)
ps: v1=tr
key: daliiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dariiq
(Dariiq-a)
Waddo, gudmo, jid, dhabbe, daw, marin, hilin, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariiq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dariiq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dariiq
m. n. path, small road, street
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dariiq
-a: (n) street (striit); road (rowdh) ~ waddo, jid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiq
mid ka mid ah minanka faalka Magiiganaha.
dariiq-a: (magac, lab, keli) meel dadkan duunyada iyo gaadiidku ba maraan. Dh: waddo, jid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dariiq
bw: Arabic
de: path, small road, street
lx: dariiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: dhabbe, jid, marin, surin, waddo
key: dariiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiir
(Faqiir-ka)
Qof aad u xoolo yar ama aan lahaynba; miskiin; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. la-mid: faqiirow, faqri².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. m.f.dh, faqiirid. la-mid: faqiirow, faqri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqiir
-ka: (n) poor person, broken man or woman, bankrupt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof sabool ah oo aan waxba haysan; qof aad u xoolo yar amaba aan lahayn. Dh: miskiin, sabool, cayr, caydh, fiqiir. Li: qani, hodan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatiiq
-a: (magac, lab, keli) fallidh ka soo jabay geed qallalan oo wax muda. Dh: faltiiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamiiq
-da: (magac, dhedig, keli) hamuunta oon biyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaciir
f. n., [abstract] embarrassment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciir
-ka: (magac, lab, kali) marka la sheegayo qof tabar yar oo foolxun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaciir
de: embarrassment
lx: jaciir
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: jaciir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadiin
m.l (-nno, m.dh) 1. la-mid: jidiin. 2. Cunto.