jaqafjaqaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqafjaqaf
(eraycodeed) lagu tusmeeyo walax qoyan oo bir af leh lagu turturqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halafjaqafle
-ha: (magac, lab, keli) midho hadba mid soo goosasho. Dh: haldhable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadjaad
(tilmaame) dhalan iyo samays kala geddisnaan; walxo kala isir iyo sinji duwan. Dh: cayncayn, noocnooc, jaadbajaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaljaal
-ka: (magac, lab, keli) isla jirjirid kooxo dheel ku beretama loo kala safto. Ciyaar guriyada Soomaalida ee jaaljaalka lagu dheelo waxa ka mid ah laalka, kuwa qofqofkana shaxda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaanjaan
-ah: (n) stupid (istupidh) person; fool (fuul); silly (sili) person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaan
-ka: (magac, lab, kali) qof aan hore iyo dib u socod lahayn oo wareersan. Dh: naannaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafjafan
La jafjafay; la tuntumay; la gargaraacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafjafan
der. [adjective] thoroughly beaten
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafjafan
de: thoroughly beaten
lx: jafjafan
ps: adj-der
key: jafjafan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raafraaf
-ka: (magac, lab, keli) socsocod. Rafra badan ayaad samaysay manta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqajaam
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan asluub iyo dhaqan wanaagsan lahayn. Dh: agagas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqajaan
(Saqajaan-ka)
1. Qof aan asluubta iyo dhaqanwanaagga bulshada aqoon; qof anshi xun.
2. Asluub-darro; anshax-xumo; edebdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqajaan
m.l (-nno, miin, m.dh) 1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saqajaan
m.l (-nno, miin, m.dh) 1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saqajaan
m. n., [abstract] ill-mannered ~ rude person; bad manners, rudeness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqajaan
-ka: (n) bad person; bad guy; immoralist (i-moora-liist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqajaan
(tilmaame) asluubdarnaan; anshax-xumo; edebdarro.
saqajaan-ka: (magac, lab, keli) qof aan wax ba dhaafin, hunguri badan, ma xishoode; wax bat kama qajile; ka arradan dhaqanka suubban iyo dadnimada. Saqajaan sooryo subag laguma siiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saqajaan
de: ill-mannered ~ rude person; bad manners, rudeness
initial: s
lx: saqajaan
pd: (-ka)
ps: n2-m; n0-m-abs
key: saqajaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqaaquf
-ka: (magac, lab, keli) tiif iyo diihaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabasaqaf
-ka: (magac, lab, keli) nafley badda ku nool oo dusha ku leh labo baal oo ballaadhan madax yar iyo dabo sida xadhigga u dhuubanna leh. Dh: safan, abuurabiish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahajahay
(fal) dayday oo eeg sida ugu fudud ee aad ku gaadhi kartid ujeeddadaada. Dh: eegeeg. Fiirfiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqashaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Wax la waayey dhowr meel ka raadraadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaqashaaf
v. search, look for something here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaqashaaf
(fal) wax yar funfunaan.
qaqashaaf -ka: (magac, lab, keli) funfunaan yar oo meelahaa laga leefleefo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaqashaaf
de: search, look for s.t. here and there
lx: qaqashaaf
pd: (qaqashaafay)
ps: v1=tr
key: qaqashaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaf
(ereycodeed) tusmeeya saanqaadka socod dedgdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagafcagaf
(Cagafcagaf-ka, Cagafcagaf-ta)
Gaari xoog badan oo wax jiida: wuxuu dhinacyada ku lee yahay labo daliigood oo waaweyn oo bir ah oo ballaaran oo garangaro ilko leh ku kor rogmada, si uu dhulka qarfada ah ama ciidda leh u maro; gaari, wax lagu qardajeexo leh, oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagafcagaf
cagafcagaf¹: m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf²: m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagafcagaf
m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagafcagaf
m. n. tractor, bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagafcagaf
-ka: (n) Caterpillar or a tractor equipped with continuous chain treads
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cagafcagaf
Trattore
Tractor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagafcagaf
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagafcagaf
de: tractor, bulldozer
lx: cagafcagaf
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: cagafcagaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadhaabalaf
m.dh la-mid: jidhaabalaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalaalaqayn
(Jalaalaqayn-ta)
Dagaallamid; weerarid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalaqayn
m.f.dh eeg jalaalaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaalaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weerar iyo dagaal qaadid.