janjeedhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhinac u ciirsan oo aan miisaanneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhi
(fal) dhinac u foorari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeedh
m.l (-dho, m.dh) la-mid: janjeer¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeedh
Oblique
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeedh
Declination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedh
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u qolloocsan kurus geel yeesho; kurus geel oo dhan u qaloocsan. Haama jilihii, janjeedhka lahaa, oo janceel qaba, yaygu jaadane, yaa darka u jila. Dh: qulul. Li: toos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjeerid
(Janjeerid-da)
Doc ama dhinac u qalloocid, u dheelliyid, u liicid, u leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerid
m.f.dh eeg janjeer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerid
-da: (magac, dhedig, kali) marka shey meel yaalaa dhinac u ciirayo. Dh: leexiyo. Li: toosiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhsi
-ga: (magac, lab, keli) dhinac u qalloocasho; dhinac u dheelliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhso
(fal) xagaaga u soo qallooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u qalloocid. Kuruska geela dhalleeciddu waxba uma dhinto. Dh: qalloocid, janjeedhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
propension
propension, n.f. - janjeedhid; dakcad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trébucher
trébucher, v. - miisaan ka lumid; janjeedhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhsan
(tilmaan) weel dhinac u ciirsan oo aan toos u oollin. Dh: qalloocsan. Li: toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Meel ka tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedi
v., [compound] turn ~ come back
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedi
de: turn ~ come back
lx: fanjeedi
pd: (fanjeediyey)
ps: v2a=cmp
key: fanjeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin. m.f.dh, janjeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeeri
v. incline, bend, bow; put something upside down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeeri
-yey I say: (v) incline (inkalaayn); slant (islaant), lean (liiri), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ jalleeci
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeeri
de: incline, bend, bow; put s.t. upside down
lx: janjeeri
pd: (janjeeriyey)
ps: v2a=tr
key: janjeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedin
(Fanjeedin-ta)
Fanka u duwid, u jeedin; dhabar u duwid; dib u noqosho ama u laabasho; tegid; cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedin
m.f.dh eeg fanjeedi. la-mid: fanjeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) fanka u duwid; dhanka danbe u jeedin; dib u noqosho ama u laabasho. Dh: tegid, cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedis
(Fanjeedis-ka)
Fanjeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedis
m.l la-mid: fanjeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedis
vl. n. act of turning back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fanjeedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedis
de: act of turning back
lx: fanjeedis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fanjeedis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelid
m.f.dh eeg hanjeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerin
m.f.dh eeg janjeeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjeersi
(Janjeersi-ga)
Dhinac u liicid, u qalloocasho, u dheelliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersi
m.l la-mid: janjeersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeersi
vl. n. crookedness, being bent ~ inclined
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeersi
a: janjeersasho (/da) [vn-f]
de: crookedness, being bent ~ inclined
lx: janjeersi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: janjeersi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersad
m.l la-mid: janjeersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhid
-da: (magac, dhedig, keli) caw iyo wixii la mid ah jeexeexid. Dh: feerfeerid, feedhis.
feedhid-da: (magac, dhedig, keli) timaha fidhid ama shanlayn. Dh: feerid, feedhis.
feedhid -da: (magac, dhedig, keli) faraha oo duuban cid ku dhufasho, feedh la dhicid. Dh: feerid, feedhis. Wa: feedhfeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid. m.f.dh, janjeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeer
v. be crooked, bent ~ oblique
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeer
-ka: (n) slope (isloop)-, slant (islaant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeer
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u qalloocid. janjeeri: (fal) dhinac u qallooci.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Janjeer
Leexo, dheelli, qallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeer
de: be crooked, bent ~ oblique
lx: janjeer
nt: janjeer (ka) [vn-m]
pd: (janjeeray)
ps: v1=intr
key: janjeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaxeedh
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedlid
m.dh la-mid: jeedalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq kaalay ah cid ugu dhawaaqid. Nin dhegala' yeedhid ma oga. Dh: yeedhis
yeedhid -da: (magac, dhedig, keli) uu dhawaaqid: kaalay ku dhihid: u wicid. Yeedhidda waalidka ha ka dhega'adaygin. Dh: wicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanjeeri
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada ay keento da'du.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handedid
-da: (magac, dhedig, keli) «u» u hanjebid iyo u cagajugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjebid
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo hanjebaad ah qof ku dhihid. Dh: gooddiyid, cagajuglayn, hanjebaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley da' yar ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemid
m.f.dh eeg jadeen². la-mid: jadeemad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeere
Oblique
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeedid
(Kadeedid-da)
Kadeed badid; silcin; saxariirin; cadaadin; jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedid
m.f.dh eeg kadeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan u gaysasho, waxyeello gaadhsiin. Kadeedid badan buu ii gaystay garaadku. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeelid
m.f.dh eeg qajeel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) seexadka dabka geerkiisa. Dabjeexid ayaanu samaynaa xilliyada dheelka badani soo dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedid
(Haaneedid-da)
(geel) haaneedka iska taagid oo lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedid
m.f.dh eeg haaneed². la-mid: haaneedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedid -da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelin
m.f.dh eeg hanjeeli. la-mid: hanjeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelis
m.l la-mid: hanjeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiidid
m.f.dh hanjiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjeedid
m.f.dh eeg hoorjed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax dhinac u iilasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeerso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax dhinac u iilasho. m.f.dh, janjeersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeerso
v. be inclined, bent ~ tilted; favor ~ lean toward something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeerso
de: be inclined, bent ~ tilted; favor ~ lean toward s.t. With preposition u
lx: janjeerso
pd: (janjeersaday)
ps: v3a=intr
key: janjeerso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedmid
m.f.dh eeg kadeedan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kadeedan noqosho; jirrabmid; saxariirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjiidhi
(fal) qanjiidho ku xanuuni. Ilmaha yar qanjiidhi ha ku daayee. Dh: qandhuufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santeecid
m.f.dh eegh santeec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siijeedid
(Siijeedid-da)
1. Docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u duwid.
2. Sii socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siijeedid
-da: (magac, dhedig, keli) docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u du'wid.
siijeedid -da: (magac, dhedig, keli) sii socosho; siijeedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeedid
(Soojeedid-da)
1. Qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa, wejiga iyo laabta ku jeedin; qaabbilid.
2. Seexasho iyo hurdo iska dhawrid, isu diidid; dhafrid.
3. Soojeed habeen (xus, caways...) ka qaybgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soojeedid
m.f.dh eeg soojeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedid
-da: (magac, dhedig, keli) qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa, wejiga iyo laabta ku jeedin; qaabbilid.
soojeedid-da: (magac, dhedig, keli) seexasho iyo hurdo iska dhawrid; isu diidid; dhafrid.
soojeedid -da: (magac, dhedig, keli) soojeed habeen, sida: xus, caweys, iyo wixii la mid ah ka gaybgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warjeefid
(Warjeefid-da)
Tiro badan oo badanaa xoolo ah, isku kol dilid, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warjeefid
m.f.dh eeg warjeef². la-mid: warjeef¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warjeefid
vl. n. large-scale slaughter (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warjeefid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro badan oo badanaa xoolo ah isku kol dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warjeefid
de: large-scale slaughter (of animals)
initial: w
lx: warjeefid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: warjeefid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjeerad
(Xanjeerad-ka)
Xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjeerad
m.l la-mid: xanjeerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjeerad
-ka: (magac, lab, keli) xaydad guntiga lugaha intooda hoose laga xaydo oo la gaabiyo. Dh: xaydad, guntigaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax janjeera ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax janjeera ahaansho. m.f.dh, janjeersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjiidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qanjildho ku dhejin oo ku xanuunin. Carruurtu qanjidhinta way nacaan. Dh: qanjiirin, qanjiidhis.