janjali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax janjal u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjali
v. put ~ insert something in the upper circle of a basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjali
(fal) wax, salad ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjali
de: put ~ insert s.t. in the upper circle of a basket
lx: janjali
pd: (janjaliyey)
ps: v2a=tr
key: janjali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjalin
m.f.dh eeg janjali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjalin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, sallad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjal
(Janjal-ka)
(qof) Dheer oo dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjal
m.l 1. Saabka gadawgiisa sare ee wareegsan. 2. Qufad yar oo lagu rido alaabta udugga ah. 3. J. ah: qof toosan oo qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjal
m.l 1. Saabka gadawgiisa sare ee wareegsan. 2. Qufad yar oo lagu rido alaabta udugga ah. 3. J. ah: qof toosan oo qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjal
m. n. upper circle of a basket
janjal m. n. lanky man; tall, slim person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjal
-ka: (magac, lab, keli) laamo geed midhood ah oo sida xarafka u loo qaabo oo suuman hargo-xoolaad la areerimo la isugu xidh-xidho oo haamaha lagu qaato.
janjal -ka: (magac, lab, keli) qof dheer oo dhuuban.
janjal -ka: (magac, lab, keli) sallad ama senbiil dharka iyo wixii la mid ah lagu rito.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaljali
(fal) kakabi cuntada oo ku jal. Aabo cunto ma qaadan karo ee jaljali oo la joog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjal_1
de: upper circle of a basket (where containers for water, milk, etc. are kept)
hm: 1
lx: janjal
pd: (-ka)
ps: n-m
key: janjal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjal_2
de: lanky man; tall, slim person
hm: 2
lx: janjal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: janjal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjanni
m.dh Dhiriq lo'aad aad u qoyan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjanni
-da: (magac, dhedig, keli) dhiriq lo'aad oo aad u qoyan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jajabi
-yey / say: (v) break into pieces; break up; smash (ismaash)-, destroy (distarooy) ~ bur-buri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jajabi
(fal) alaab iyo wax la mid ah, burburi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jajabi
de: break to bits, smash; crumble
lx: jajabi
pd: (jajabiyey)
ps: v2a=pl
key: jajabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaljal
-ka: (magac, lab, keli) janjeedh ama gallooc.
jaljal -ka: (magac, lab, keli) cabitaanka la siiyo qofka aan cunnada qaadan kareyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jangal
-ka: (n) jungle (jan gal)-, a dense bush or thicket ~ jiq, jungal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjal
(fal) hadal sidii loo yidhi si ka duwan oo qalad ah u macnee. Hadduu ku basaaso adna wanjal. Dh: beenabuur, wejel, hafar.
wanjal -ka: (magac, lab keli) macnayn qalad ah oo lagu sameeyo hadal uu qof si u yidhi si dembi aanu galin loo saaro. Dh: masabid, wejelaad, hafar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjari
(fal) shaag, kubbad iyo waxii la mid ah neefta ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaali
v. pull with force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaali
(fal) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafaali
de: pull with force (e.g., in order to tear s.t. off or to make an animal walk faster)
lx: jafaali
pd: (jafaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jafaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbali
Qofka mad'habta Xanbaliyada haysta; Xanbaliyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Axmed bin Xanbal (164-241 Hijri, 780-855 Miilaadi).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xanbali
m. n. Hanbali school of Islamic law; adherent to this sect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbali
-ga: (magac, lab, keli) qof mad-habta xanbaliyada haysta oo ku cibaada fala. Dh: xambali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xanbali
bw: Arabic
cf: Maaliki, Mad-hab, Shaafici, Xanafi
de: Hanbali school of Islamic law; adherent to this sect
initial: x
lx: Xanbali
pd: (-ga)
ps: n-m
key: Xanbali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaami
(fal) qas oo ka dhig qof aan toosnayn oo wareersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaag iyo wax la mid ah, neefta ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaris
-ka: (magac, lab, keli) banjarinta shaagga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarle
-ha: (magac, lab, keli) goobta shaagagga baabuurta lagu banjariyo. Banjarlaha gee shaagga oo soo buuxi.
banjarle-ha: (magac, lab, keli) qofka yaqaanna ee xirfadda u leh banjarinta shaagagga. Buraale waa banjarle heer sare ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjaris
-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu horreeya ee canugga ifka u soo baxa lagu qabto. Dh: anqarin, canqarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjilid
(Canjilid-da)
Jilid; dhaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjilid
m.f.dh eeg canjil². la-mid: canjil¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale siduu hadlo ama u dhaqmo jilid. Dh: dhaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjalas
-ka: (magac, lab, keli) daruur roobka ka horaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjamid
m.dh la-mid: hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley da' yar ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaale
(Jaajaala-ha)
Qof ku hadla hadal aan milgo lahayn oo uu dadka kaga qosliyo; maadeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaajaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaajaale
m. n. comedian, clown, joker, buffoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaajaale
-jaajaalaha: (n) nonsense talker ~ nacnacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaale
-ha: (magac, lab, kali) qof ku hadla hadal lagu qoslo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaajaale
de: comedian, clown, joker, buffoon
lx: jaajaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jaajaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaley
-da: (magac, dhedig, kali) ruux dumar ah oo hadal kaftan ah dadka kaga qoslisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaanjaan
-ah: (n) stupid (istupidh) person; fool (fuul); silly (sili) person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaan
-ka: (magac, lab, kali) qof aan hore iyo dib u socod lahayn oo wareersan. Dh: naannaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacid
m.f.dh eeg jacjac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacle
m.l 1. (botani) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daawo) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jacjacle
m.l 1. Geedgaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacjacle
m. n. plant species
jacjacle m. n. person who yells without reason ~ who talks nonsense
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JACJACLE
Ehretia sp.aff. buxifolia 10, Pavetta subcana 50, Pentanopsis fragrans 10, Premna resinosa 30, Strophant hus mirabilis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JACJACLE
(Ja'jale) N Arabidobsis thaliana (L) Heynh. Cruciferae.
C Pavetta subcana Hiern. Rubiaceae.
C Pentanisia fragrans Rendle. Rubiaceae.
C Strophanthus mirabilis Gilg. Apocynaceae.
N Rhamnus staddo (A. Rich.) Chiov. Rhamnaceae.
C Caucanthus albidus (Nied.)Nied. Malpighiaceae.
C Cordia ovalis R. Br. Boraginaceae.
C Ehretia buxifolia Roxb. Boraginaceae.
Og, S, C Premna resinosa Schauer. Verbenaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacjacle
-ha: (magac, lab, kali) marka qofku hadalka si cadho leh isku dabo dhigo isaga oon u kala neefsan.
jacjacle -ha: (magac, lab, keli) geed tigaadda ka mid ah oo marka iniinyihiisa la qooyo jacjacleeya. Jacjacle ayaan soo gooyey.
jacjacle -ha: (magac, lab, keli) xanuun layska gubo, jacjacle ayaa laga gubay. Dh: falaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalin
m.f.dh eeg jafaali. la-mid: jafaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jafaalin
Rifid xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafjafid
(Jafjafid-da)
In badan jafid; gargaraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafjafid
m.f.dh eeg jafjaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafjafid
-da: (magac, dhedig, keli) geed, qolofta ka googoyn.
jafjafid-da: (magac, dhedig, keli) marka qof reer miyi ah la baraayo dhaqanka magaalada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jagijagi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarguri 16, 24 ama 36 dhagax oo quruurux ah lagu dheelo; madadaalo buntirsi labo ama in ka badani u dheesho oon la jaal-jaalin. Jagijagida badiyaa waxa dheela dhallinta xoolaha raacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xiiso u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin. m.f.dh, janjeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeeri
v. incline, bend, bow; put something upside down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeeri
-yey I say: (v) incline (inkalaayn); slant (islaant), lean (liiri), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ jalleeci
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeeri
de: incline, bend, bow; put s.t. upside down
lx: janjeeri
pd: (janjeeriyey)
ps: v2a=tr
key: janjeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jannaale
magac loo baxsho wiil barwaaqo iyo raaxo ku dhashay ama loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjarid
(Jarjarid-da)
Googgoyn; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarid
m.f.dh eeg jarjar². la-mid: jarjaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama in ka badan, googoyn oo qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjaris
m.dh la-mid: jarjarid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAWJAWLE
(Gieugiule) C Cadaba baccarinii Chiov. Capparidaceae.
C Cadaba longifolia DC. Capparidaceae.
N Medicago minima (L) Bartal. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanbalid
(Kanbalid-da)
Nafta ka goyn; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanjabid
(Kanjabid-da)
Dhaawacmidda iyo burburidda kanka, cudur ama nabar gaarey darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanjabid
m.f.dh eeg kanjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawacmidda iyo burburka cudur ama nabar gaadhay dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanjaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ka w.: wax cid ka leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjaaci
(fal) ka meel ka weeci. Wanjaaci laxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanqal samayn. Ilmaha haddii kol laga wanqalo wanqalid kale uma hadhin. Dh: wanqalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysi
-ga: (magac, lab, keli) xanjo samaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjaleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hanjaleelo ama diliq ka keenid (carrurr).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof wareersan u noolaansho oo dhaqan sillanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamis
-ka: (magac, lab, kali) cid kale, qas iyo wareer ku ridid. Dh: wareerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janfalaysi
-ga: (magac, lab, keli) shaxaadka iyo baryada dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajal
(Aja-sha)
1. Waqti dhammaadki.
2. Waqtiga dhimashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajal
ajal¹: m.dh 1. la-mid: ajalo. Dhammaadka nolosha qof. 2. la-mid: ajalid.
ajal²: f.g1 (-alay, -ashay) Cid dhimashadeeda sabab u noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ajal
m.dh Dhammaadka nolosha qof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajal
f. n. preordained time of death; term