jalwi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Miro digir, lows iyo wixi lamida qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Miro digir, lows iyo wixi lamida qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid. m.f.dh, jalwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwid
m.f.dh eeg jalaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwin
m.f.dh eeg jalwi. la-mid: jalwis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xigmad iyo murti xanbaarsan isku bandhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwis
m.l la-mid: jalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalwis
-ka: (magac, lab, keli) hadal xigmad iyo murti xanbaarsan oo laysu deexdo; xog iyo xigmado la isu bandhigo. Jalwiskayga maqal caawa waan jelebaayaaye. Dh: jalbeeb, tix, suugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jali
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo caano u diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jali
v. deprive (a child) of nourshment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jali
(fal) qadi maqasha oo caanaha u diid. Dh: qadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jali
cf: jalo
de: deprive (a child) of nourshment
lx: jali
pd: (jaliyey)
ps: v2a=tr
key: jali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawi
jawi¹: m.l 1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.
jawi²: m.dh 1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawi
m.l 1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawi
m. n., [collective] atmosphere, climate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jawi
-ga: (n) 1. weather (weether); climate (kaleey-mit); atmosphere (atmasfiir). 2. condition (kan-dishen); circumstances
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawi
-ga: (magac, lab, keli) xaaladda kolba la joogo waayaheega.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawi
bw: Arabic
cf: cimilo
de: atmosphere, climate (literally and figuratively)
lx: jawi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: jawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwi
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo, calow ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calwi
v. make muddy, dirty (water)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwi
(fal) biyaha jidhaanta dhooqadooda kici adigoo isku laaqaya. Dh: carqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calwi
de: make muddy, dirty (water)
lx: calwi
pd: (calwiyey)
ps: v2a=tr
key: calwi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Ceel wadaan u ridid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Ceel wadaan u ridid (qof). m.f.dh, dalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalwi
(fal) dawlis ku dhaami. Waar kaalay ceelka noo dalwi. Dh: dawlis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. la-mid: qalwi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halwi
v. singe, scorch
halwi v. throw into a shallow place; sell something at a very low price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwi
(fal) (ku ~) dab ku madoobee oo halow ka dhig.
halwi: (fal) dedeji adoo xoog iyo xeeladba isticmaalaya. Cadceeddu intaanay dhicin hawsha halwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawi
jaawi¹: m.l la-mid: jaawe.
jaawi²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub). m.f.dh, jaawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaawi
v. snap one's fingers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaawi
-yey I say: (v) snap one's fingers ~ suul jaawi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawi
-da: (magac, dhedig, kali) waxyaabo la isku daro oo dumarka uunsi u ah. Dh: uunsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaawi
de: snap one's fingers
lx: jaawi
nt: jaawin (ta) [vn-f]
pd: (jaawiyey)
ps: v2a=
key: jaawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldi
jaldi¹: m.l la-mid: jildi¹.
jaldi²: f.g1 (-iyay,-iday; -iyi) la-mid: jildi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaldi
m. n. binding, cover of a book; leather; skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaldi
-ga: (n) book cover, book binding-jildi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldi
-ga: (magac, lab, keli) waraaqda adag, haragga ama marada buugaagta dusha lagaga sameeyo ee lagu ilaaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaldi
bw: Arabic
de: binding, cover of a book; leather; skin
lx: jaldi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: jildi
key: jaldi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfi
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax socda lugaha isugu marid. 2. Balfi; dalfi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalfi
v. walk with one's feet brushing against each other; trip, stumble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfi
(fal) lugta wax kaga dhufo ama jillaafee. Dh: suuldaar, qonof.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalfi
de: walk with one's feet brushing against each other; trip, stumble
lx: jalfi
nt: jalfis (ka) [vn2a-m]
pd: (jalfiyey)
ps: v2a=
key: jalfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwi
(fal) wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabo ama u dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hilib iyo wixi lamida holac ku dubid. 2. Weel iyo wixi lamida holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iyo wixi lamida nafley afka uga shubid. la-mid: halwi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalwi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hilib iyo wixi lamida holac ku dubid. 2. Weel iyo wixi lamida holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iyo wixi lamida nafley afka uga shubid. m.f.dh, qalwin. la-mid: halwi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalwi
v. make someone gulp a drink; assist ~ force someone to drink something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwi
(fal) hilib iwm holac ku dubid.
qalwi: (fal) weel iwm holac ku diirin.
qalwi: (fal) fuud, dawo iyo wax la mid ah, nafley afka ugu shub.
qalwi: (fal) aad wax u liq, gaar ahaan dareere. Shaaha qalwi oo meesha ka kac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalwi
de: make s.o. gulp a drink; assist ~ force s.o. to drink s.t. with preposition ku
lx: qalwi
pd: (qalwiyey)
ps: v2a=tr
key: qalwi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley salaw ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalwitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg jalwid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entretailler
entretailler, s', v. - is jalwin; marka labada lugood is xoqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balwid
m.f.dh eeg bąlow³. la-mid: bąlow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwid
-da: (magac, dhedig, keli) balwo barasho.
balwid -da: (magac, dhedig, keli) dibi, insaarixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwis
-ka: (magac, lab, keli) reen dibiga qooqan ama sac oomani sameeyo. Dh: bunnaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwid
(Calwid-da)
Calow noqday; miirnimadii ka ba'day; dhooboobid; qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwid
m.f.dh eeg calow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwin
(Calwin-ta)
Calow ka dhigid; miirnimo ka bi'in, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwin
m.f.dh eeg calwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwin
-ta: (magac, dhedig, keli) calaw ka dhigid. Dh: carqin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwis
m.l Wadaan aad u weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalawi
m.dh.kh D. ah: neef geel ah oo caana badan; madi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalawi
(fal) tallaw oo dal kale aad. Orod oo iska dalawi. Dh: dalaw, tallaw.
dalawi -da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah oo caano badan leh. Dh: madi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalwin
m.f.dh eeg dalwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dawlis ku dhaamin. Dh: dawlisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwid
-da: (magac, dhedig, keli) dedejis ay xoog iyo xeeladba la socoto. Dhulka suunta ah halwid baa lagu dhaafaa. Dh: halwis, degdeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halwin
(Halwin-ta)
Dab ku madoobeyn, ku midabayn; halow ka dhigid.
2. Halwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwin
m.f.dh 1. la-mid: halwis. eeg halwi. 2. la-mid: qalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ku madoobayn, ku midabayn; halow ka dhigid. Dh: halwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwis
m.l Miro qolof ka saarid. la-mid: halwin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halwid.
halwis -ka: (magac, lab, keli) midho qolof ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawin
(Jaawin-ta)
(suul jaawin) suul iyo far gacneed oo inta lays kor saaro oo xoog laysugu qabto, shanqar laga yeersiiyo; suuldhabaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawin
m.f.dh eeg jaawi². la-mid: farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) turub la ciyaarayo, suuldhabaalayn muujinaysa in aanu hayn haadka la ciyaaraya turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawis
m.l la-mid: jaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalfin
(Jalfin-ta)
Jalfis ku dhufasho; jalwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfin
m.f.dh eeg jalfi. la-mid: jalfis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfin
-ta: (magac, dhedig, keli) u dhigidda lugta si wax u kufo. Jalfin buu igu legday ninku ima legdeeni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalfis
(Jalfis-ka)
Kolka la socona hayo oo lug lugta kale lagu dhufto; jalwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfis
m.l la-mid: jalfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfis
-ka: (magac, lab, keli) miinada dadka ee dhulka la dhigo. Dh: banbo.
jalfis-ka: (magac, lab, keli) qoomaha aanqawyada gaadha ee balfis isugu garaacidda girgirrada jaamahu u geystaan. Jalfiska iyo qonofkii waxaan jag iska siinaayey, jiljilladiyo seedaha waxaan jaa'ifo u geystey.
jalfis -ka: (magac, lab, keli) ciidanka intiisa gaadiidka aan wadan ee dhulka socota. Dh: lug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalgis
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan si fiican loo fahmi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaliil
-ka: (magac, lab, keli) Eebbbaha Weyn ee ma baahde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwin
m.f.dh eeg kalwi. la-mid: kalwis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwin
-ta: (magac, dhaddig, keli) si habboon isugu dhicidda jiibta iyo jaanta; godlinta sheekada iyo hoga gelinta haasaawaha; irmaaninta kaftanka iyo u ciddijiidka isu deexashada. Dh: xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwis
m.l 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad xabbad badar ah oo haray. 2. la-mid: kalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwis
-ka: (magac, lab, keli) si habboon isugu dhicidda jiibta iyo jaanta; sacab labo shubidda koox yari ciyaar u jebiso.
kalwis -ka: (magac, lab, keli) « ahs beer la gooyay xabbadaha yar ee badarka ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwin
m.f.dh eeg qalwi. la-mid: halwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad wax u liqid gaar ahaan wax dareere ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwis
m.l Q. ah: hilib iyo wixi lamida oo holac lagu dubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salwid
(Salwid-da)
Salow kicin; buuqid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwid
m.f.dh eeg salaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salwid
-da: (magac, dhedig, keli) salow kicin; buuq iyo qaylo samayn (dad badan). Dh: buugid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwin
m.f.dh eeg salwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalwi
v. throw something into a narrow inaccessible place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwi
(fal) dhagax iyo wixii la mid ah, buur korkeed ka soo riix oo ka soo dilindili, buur korkeeda ka soo daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalwi
de: throw s.t. into a narrow inaccessible place
initial: s
lx: shalwi
pd: (shalwiyey)
ps: v2a=tr
key: shalwi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ali
(fal) talo iyo arrin moolis, maaray.