jalladmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalladmid
(Jalladmid-da)
1. (il) Haragga xalleefsan oo isha ku rogan oo kor u laabma.
2. Xuub rogmada oo docdiisa caloosha ahi soo kor marto; (ama jillad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladmid
m.f.dh eeg jalladan¹. la-mid: jelledmid, jilladmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladmid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga xalleefsan ee isha, intiisa hoose, dusha u soo rogmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadmid
m.f.dh eeg jallaadan¹. la-mid: jillaadmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaadmid
vl. n. turning of upper eyelid; anything turned inside-out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) jeldi adag yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallaadmid
de: turning of upper eyelid; anything turned inside-out
lx: jallaadmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jallaadmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaladmid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga isha ku rogan ee kor ku laaban. Jaladmidda ayaa laga qalay aabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladmid
m.dh la-mid: jalladmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballamid
(Ballamid-da)
Wax isku ogaansho; ballan dhigasho: wacad isu gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamid
m.f.dh eeg ballan². la-mid: ballan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, shir ama wax kale, bal u qabsasho. Ballamid baynu isku ogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladid
m.f.dh eeg gallad². la-mid: galladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladid
-da: (magac, dhedig, keli) tageero iyo wanaag u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladad
m.l la-mid: jalladasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladad
-ka: (magac, lab, keli) haragga xalleefsan ee isha, intiisa hoose dusha soo marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladid
m.dh la-mid: jelledid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalladid
-da: (magac, dhedig, keli) xuurto ku qabasho. Ilmaha qalladidda ka daa oo nakhaska ha ku dhejin. Dh: xuurtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salladid
m.f.dh eeg sallad³. la-mid: sallidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~ dhib kaga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallamid
(Tallamid-da)
Labo arrimood kala doorashadood durba goosan waayid; laballaabow ku dhicid; walaacid; shakiyid; waswaasid; walbahaarid; taraddamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallamid
m.f.dh eeg tallan². la-mid: tallan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo arrimood kala doorashadood iyo xal u helis la'aantooda. Dh: walaacid, walbahaarid, waswaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaqmid
m.f.dh eeg ballaqan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqmid
m.f.dh eeg callaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaadid
(Jallaadid-da)
Jallaad ku rogid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadid
m.f.dh eeg jallaad². la-mid: jillaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadid
-da: (magac, dhedig, keli) buug, waraaq adag, harag ama maro dusha kaga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafid
m.f.dh eeg jallaaf. la-mid: jallaafayn, jillaafayn, jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledmid
m.dh la-mid: jalladmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaalmid
m.f.dh eegtallaalan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaadid
(Jaadid-da)
1. Jaad cunid; qayilid.
2. (ku jaadid) Hawl gaar ah u yeelid, siin, ku qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaadid
m.f.dh eeg jaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadid
-ka: (magac, dhadig, kali) qaad cunid. Jaadid badan ayaan sameeyey. Dh: barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxamid
m.f.dh eeg alxan². la-mid: alxan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxamid
-da: (n) welding (welding); soldering (soodering); brazing (bareyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dhalaalinta biraha iyada oo la adeegsanayo kulayl xoog weyn. Dh: laxaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, ballan u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, ballan u dhigid. m.f.dh, ballamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballami
v. make arrangements
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballami
-yey say: (n) set an arrange for appointment; appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballami
(fal) waqti go'an, hawl, kulan ama arrin u qabo in la isu yimaaddo. Inno ballami saxaafadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballami
de: make arrangements
lx: ballami
pd: (ballamiyey)
ps: v2a=
key: ballami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalamad
-ka: (magac, dhedig, kali) weel wax lagu shubto waxna lagu karsado sida shaaha. Jalamad lagu waysaysto keen. Dh: kildhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaad
(Jallaad-ka)
Buug ama wax kale oo inta laysku tolo, korka lagaga rogo xaashi adag ama maro ama harag; dahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaad
jallaad¹: m.l 1. Kutub Quraanka oo dhami ku qoranyahay. 2. (-dyo, m.dh) Toddobada subac ee quraanku ka koobanyahay midkood. 3. (-dyo, m.dh) Jildi korka kaga dahaaran kutub. la-mid: jillaad¹.
jallaad²: f.g1 (-day, -dday) Kitaab jildi ku dahaarid. la-mid: jillaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jallaad
m.l 1. Kutub Quraanka oo dhami ku qoranyahay. 2. (-dyo, m.dh) Toddobada subac ee quraanku ka koobanyahay midkood. 3. (- dyo, m.dh) Jildi korka kaga dahaaran kutub. la-mid: jillaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaad
m. n. cover, slip-cover, binding (of a book)
jallaad v. cover, put a cover on, bind (a book)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaad
(fal) aqri ama subci Quraanka.
jallaad -ka: (magac, lab, keli) aqrinta Quraanka ama subcintiisa meel keli ah. Dh: shallaad.
jallaad -ka: (magac, lab, keli) waraaqda adag. haragga ama marada buugaagta dusha lagaga sameeyo ee lagu ilaaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallado
f.g3 (-atay, -adatay) Indho xirribtooda kor u laabid. la-mid: jelledo, jillado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallado
v. refold the border of; turn over ~ inside out for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallado
(fal) haragga xalleefsan ee isha, dubkiisa hoose, dusha soo marso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallado
de: refold the border of; turn over ~ inside out for oneself
lx: jallado
pd: (jallatay)
ps: v3b=tr
key: jallado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladid
-ka: (magac, lab, keli) kala yaaca ku dhaca labo birlabood oo isku astaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaagmid
m.f.dh eeg halaagan¹. la-mid: halligmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxanmid
m.f.dh eeg alxaman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxanmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo cad iyo wax ka badan oo biro ah isku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamin
m.f.dh eeg ballami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ballan u qabasho. Ballaminta xubnaha sakrateeradda u sheeg. Dh: ballamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamis
-ta: (magac, dhedig, keli) ballaminta dad kale; dad kulan loogu baaqo ama loo qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaqid
m.f.dh la-mid: balliqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaqid
-da: (magac, dhedig, keli) furidda albaab iyo wax la mid ah oo xidhnaa.
ballaqid -da: (magac, dhedig, keli) xog ashkato ah oo qof laga gudbiyo, si hay'adaha amniga iyo sharcigu ay tallaabo uga qaataan. Dh: ashtako, tiftifid, jaasuusid, farmuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqid
m.f.dh eeg callaq². la-mid: callaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin socotay xannibid ama joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugo ku samayn.
dallacid-da: (magac, dhedig, keli) darajada aad joogto mid ka sarraysa gaadhid.
dallacid-da: (magac, dhedig, keli) wax sare u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallalid
m.f.dh eeg dallal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkamid
m.f.dh eeg falkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillamid
(Fillamid-da)
Dhib ama hawl ama wax la bixina hayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid, dhabiiltamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fillamid
m.f.dh eeg fillan². la-mid: fillan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablamid
(Gablamid-da)
Gablan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablamid
m.f.dh eeg gablan². la-mid: goblamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan carruur dhaxasha lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallimid
m.dh la-mid: gellimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgamid
(Halgamid-da)
Hawl ama wax kale qabashadood u tartamid, u dagaallamid; loollamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgamid
m.f.dh eeg halgan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halgamid
vl. n. struggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halgamid
-da: (n) the act of struggling or campaigning (kaampeeyning) ~ halgan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale qabashadooda u dagaallamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halgamid
de: struggle
lx: halgamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: halgamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaademid
m.f.dh eeg jadeen².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jactadid
(Jactadid-da)
1. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.
2. (dhar, tolmo) jactad ka dhigid; duuddub u yeelid; canbusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jactadid
m.f.dh eeg jactad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jactadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wax la mid ah, isku ururid oo daranyaysnaan.
jactadid -da: (magac, dhedig, keli) meel in badan fadhiyid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaadid
(Jahaadid-da)
Jahaad gelid; diinta Islaamka darteed u dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaadid
m.f.dh eeg jahaad². la-mid: jihaadid.