jalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalin
m.f.dh eeg jali. la-mid: jalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalfin
(Jalfin-ta)
Jalfis ku dhufasho; jalwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfin
m.f.dh eeg jalfi. la-mid: jalfis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfin
-ta: (magac, dhedig, keli) u dhigidda lugta si wax u kufo. Jalfin buu igu legday ninku ima legdeeni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwin
m.f.dh eeg jalwi. la-mid: jalwis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xigmad iyo murti xanbaarsan isku bandhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jali
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo caano u diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jali
v. deprive (a child) of nourshment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jali
(fal) qadi maqasha oo caanaha u diid. Dh: qadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jali
cf: jalo
de: deprive (a child) of nourshment
lx: jali
pd: (jaliyey)
ps: v2a=tr
key: jali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalin
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ilimaqabatay ah oo ku dulnool xayawaanka jimidhka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabin
m.dh la-mid: jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax cirka ka soo dhaca.
jabin -ta: (magac, dhedig, keli) walax, labo iyo in ka badan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalid
m.f.dh eeg jal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalid
-ka: (magac, lab, keli) qof jilicsan oo la xannaanaynayo, cunto siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalis
m.l la-mid: jalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalis
-ta: (magac, dhedig, keli) qof jilicsan oo la xannaanaynayo, cunto siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqin
m.f.dh eeg jaqi. la-mid: jaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalin
(Lalin-ta)
Hawada dhexdeeda marin; duulin; bitin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalin
m.f.dh eeg lali². la-mid: lalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kale, hawada dhexdeeda marin. Dh: duulin, heehaabin, lalis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malin
malin, adj. - dhagar; sir.
se montrer malin - iska dhiga qof dadka ka caqli badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalin
(Qalin-ka)
1. Qalab af dhuuban oo jaadad badan ah oo wax lagu qoro ama lagu xardho.
2. Lacag (macdan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalin
m.l 1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalin
m.l (-lmaan, m.dh.w) 1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalin
m. n., (mass n.): silver (coin ~ metal)
qalin m. n. pen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalin
-ka: (n) [pl. qalimmo, qalimmada] pen (peen)
qalin -ka: (n) silver (sil-var); silver jewelry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalin
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah macaadinta. Waxan soo iibsaday alaab qalin ka samaysan. Dh: lacag, macdam.
qalin -ka: (magac, lab, keli) qalab af dhuuban oo jaadad badan ah oo wax lagu qorto ama lagu xardho asaasna u ah waxbarshada.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalin
قلم
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salin
salin, adj. - milix leh; ay milix jirto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talin
(Talin-ta)
1. Arrin talo ka dhiibid, ka arrimin.
2. Maamul siyaasadeed oo qaran ama tol gacanta ku hayn; xukumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talin
m.f.dh eeg tali. la-mid: talis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama masalo ka arimminteed. Dh: xukumid, maammulid, talis.
talin-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) maammule ka noqodka, u agaasinka. Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin baa taga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
javelin
/jaavalin/ (n) murjis (waran af dhuuban oo isboortiga lugu ciyaaro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
javelin
n., dagalay or degelay, -di, waran, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajalid
m.f.dh eeg ajal². la-mid: ajal¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajalid
vl. n. act of killing; death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajalid
-da: (magac, dhedig, keli) geeri u keenid; wedkiisa sabab u noqosho. Dh: makalid, dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajalid
de: act of killing; death
lx: ajalid
pd: (-da)
ps: vn0-f
key: ajalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalin
-ta: (magac, dhdig, keli) kallihinta geela ama guurintiisa, si uu ugu arooro meel fog. Alalinta geelu waa hawl qoofilka iyo nirguhu ba ku daalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalin
bąalin: m.f.dh eeg bąali². la-mid: bąalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balfin
(Balfin-ta)
1. Riddo la soo tuuray, inta ul ama gaashaan si yar loogu dhufto oo gees kale loo leexsho.
2. Biyaddiidka xoolaha; balaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfin
balfin: m.f.dh eeg balfi. la-mid: balfis.
bąlfin: m.f.dh eeg bąlfi. la-mid: balfid, bąlfis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balfin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax bagafsan ama fidsan wax kale ku hawaysiin. Balfinta ka jooji wuu dafay bariiskuye. Dh: babbin, hufkin. balfin -ta: (magac, dhedig, keli) si dadab ah u leexin, wax riddo loo soo tuuray, intaad gaashaan, ul iyo waxii la mid ah si fudud ugu dhufato, gees kale u weecin. Dh: dalfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqin
m.f.dh eeg balqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel uu dareere ka buuxay wax yar ka daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxin
-ta: (magac, dhedig, keli) ceel dhane ah oo geela lagu celceliyo si loo jeelbixiyo. Balxintu geela way u fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylin
m.f.dh eeg bayli. la-mid: baylis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo heer karis gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalin
1. (Caalin-ka) Cilmi badan yaqaan; aqoon dheer leh, (ama caalim).
2. (Caalin-ta) (is-caalin) caasha dhiibasho si dhibyari loogu bireeyo; isdhiibid; dagaallamid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalin
caalin¹: m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caalin²: m.f.dh eeg caali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalin
m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalin
m. n. scholar, scientist, learned person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caalin
name-m learned (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalin
-ka: (n) scholar (skolar); expert (ekis-peert); erudite (eryo-daayt); learned person in Islam ~ aqoon-yahan, caalim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caalin
magac afka Carabiga ka soo jeeda oo loo baxsho wiil loo rajaynayo ama Eebbe loo baryayo in uu noqdo qof aqoon badan leh, gaar ahaan ta diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is caasha dhiibid si hawlyari loogu gawroco; isdhiibid si dagaalla'aan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalin
bw: Arabic
de: scholar, scientist, learned person
lx: caalin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmin
m.f.dh eeg calmi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwin
(Calwin-ta)
Calow ka dhigid; miirnimo ka bi'in, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwin
m.f.dh eeg calwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwin
-ta: (magac, dhedig, keli) calaw ka dhigid. Dh: carqin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalin
(Daalin-ta)
Si daal u qabto gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalin
m.f.dh eeg daali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalin
m. n. oppressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalin
-ta: (magac, dhedig, keli) tacab iyo tabardarri ku beerid. Dh: noojin, daalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalin
a: daalim
bw: Arabic
de: oppressor
lx: daalin
pd: (-ka Pl: daalimiin (ta))
ps: n8-m
key: daalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmin
-ta: (magac, dhedig, keli) mar aanu shay iska beddelin sidii uu midabkiisa ama noociisu ahaa. Xoolahan dalmin kama muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalwin
m.f.dh eeg dalwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dawlis ku dhaamin. Dh: dawlisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawlin
m.dh la-mid: dowlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalin
(Dhalin-ta)
1. Ilmo ka ummulin, ka keenid, ka soo bixin.
2. Wax aan hor u jiri jirin keenid ama samayn; curin; abuurid; uumid; alkumid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalin
m.f.dh eeg dhali². la-mid: dhalis¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhalin
score
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalin
vl. n. causing, creating; delivering a baby; scoring a goal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalin
-ta: (n) 1. the act of delivering [for example a baby]; delivery (diliveri); bearing (beering) ~ ummulin, dhalmo. 2. the act of a scoring a goal or point
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) haweenay uur leh ama wax kale ka ummulin oo foosha ku caawin. Dh: ummulin.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar halkii la doonayay gaadhid oo duq ama gool keenid.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) (kal ~) xubnaha faraha laabid oo dhac ka siin. Sareedo ka dhalinta faraha kama oydo.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) fikrad, mashruuc iyo wixii la mid ah keenid oo abuurid. Dh: curin, badcid, abuurid.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) dad da'yarta ah ee aan weli gaboobin. Dhalintu caawa waxay ku cawaynayaan naadiga. Dh: dhallin, dhallinyaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalin
de: causing, creating; delivering a baby; scoring a goal
lx: dhalin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalin
(Faalin-ta)
Faal dhigid oo wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalin
m.f.dh eeg faali. la-mid: faalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaldhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadlin
(Fadlin-ta)
Orod fadallo dhulka u yeela ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadlin
m.dh la-mid: fadallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadlin
vl. n. fast running
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadlin
-ta: (magac, dhedig, keli) orod aad ah oo raadku dhulka galo ordid; fadal samayn; fadal kicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadlin
cf: fadal
de: fast running
lx: fadlin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: fadlin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falkin
(Falkin-ta)
1. Caws ama mayrax ama dun ama wax la mid ah, gogol ka samayn.
2. Hawl isasuro badan qabasho, ka xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkin
m.f.dh eeg falki. la-mid: falkid, falkis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falkin
-ta: (magac, dhedig, keli) caw, maydho, iyo wixii la mid ah, gogol ka samayn. Dh: falkis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fayl u joojin. Macallinka ayaa u xilsaaran faylinta ardayda fasalkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbin
(Galbin-ta)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis¹, gelbin, gelbis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis, gelbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbin
-ta: (n) the act of escorting or accompanying the bride and groom, to show honor ~ galbis, gurigayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aroos ah gurigeyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galion
galion, n.m. - markab wayn oo hubaysan oo qaadi jiray waagi hore dahabka iyo lacagta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallin
-ka: (magac, lab, keli) aqal ama guri.
gallin -ka: (magac, lab, keli) gobol ama deegaan.
gallin -ka: (magac, lab, keli) milayga fiidka ee ay xooluhu xerada soo gelayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxin
-ta: (magac, dhedig, keli) balli yar; meel yar oo ay biyo joogaan.