jaldiyay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyay
(fal) buug iyo wixii la mid ah, jaldi u yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah, jaldi u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaaran
-ka: (magac, lab, keli) dhawr gori oo harag ku jaldiyaysan oo ninka samaayaha qaataa uu wiilasha dhasha u xidha oo dhaqan Soomaaliyeed ah. Makaaran ayuu ninku u xidhay ilamaha yar. Dh: balaayaxijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyay
(fal) joogtee; wax aad fasho, samayntiisa joogtee oo ha ka tegin. Caadiyay si aad u dhamayso hawsha. Dh: joogtee, caadiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buug jaldi u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyasho
m.dh la-mid: jildiyasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiyayn
(Baadiyayn-ta)
Baadi ka dhigid; lumin; habaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiyayn
m.f.dh eeg baadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta xoolo qof ilaalinayay. Sahal waa nin baadiyayn badan. Dh: lumin, fakin, hallayn, dayacid.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof reer magaal ahaa, baadiye ka dhigid; dhaqanka baadiyaha u yeelis. Dh: miyiyeyn.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qaldid oo khatalid. Dh: lumin.
baadiyayn -ta: (magac, dhedig, keli) jidka hagaagsan ee diintu tilmaantay ka leexin oo gaalnimo u horseedid. Li: hanuunin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyay
(fal) reer magaal ka dhig, ka dhig beled yaqaan. Dadka baadiyaha belediyay. Dh: beledee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) joogtaynta wax aad samayn jirtay. Caadiyayn ayuu ku dhameeyay hawsha. Dh: joogtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyays
-ka: (magac, lab, dhedig) eeg caadiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldi
jaldi¹: m.l la-mid: jildi¹.
jaldi²: f.g1 (-iyay,-iday; -iyi) la-mid: jildi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaldi
m. n. binding, cover of a book; leather; skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaldi
-ga: (n) book cover, book binding-jildi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldi
-ga: (magac, lab, keli) waraaqda adag, haragga ama marada buugaagta dusha lagaga sameeyo ee lagu ilaaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaldi
bw: Arabic
de: binding, cover of a book; leather; skin
lx: jaldi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: jildi
key: jaldi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyay
(fal) wax calyo ku qoy.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadiya
name-f gift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halyay
(tilmaame) qof geesi ah oo hoggaamiye ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaliya
(adj) only (on-li); lone (loon) ~ qudha, qura. Ex: aniga oo kaliya; only by myself
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waliya
name-f ruler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiyay
(fal) afti qaad; aftiqaad samee. Haddii aad doonayso in dastuurku wax laga beddelo, aftiyay. Dh: aftiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardiyad
(Ardiyad-da)
Canshuurta dhulka laga qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardiyad
m.dh 1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha; mulkiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ardiyad
m.dh 1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha;mulkiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ardiyad
f. n. property ~ land tax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardiyad
-da: (magac, dhedig, keli) sharci ahaan, caddaynta lahaanshaha guryaha iyo jagooyinka. Dh: mulkiyad.
ardiyad-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha cashuur ahaan dhulka looga baxsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ardiyad
bw: Arabic
cf: canshuur
de: property ~ land tax
lx: ardiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ardiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiyaa
(falkaabe) tilmaama wax inta badan dhaca; sida badan. Dh: aalaa, badi, badanka, dhaaxaa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calwiya
name-f made muddy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimay
(fal) dibindaabyee oo luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadiyad
(Hadiyad-da)
Wax la siiyo qof la xurmaynayo ama la raalli gelinayo; deeq; diiqo; siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadiyad
f. n. present, gift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadiyad
-da: (n) gift (gift); present (parezent)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hadiyad
Regalo
Present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyo oo xormayn iyo qaddrini ku jirto amaah iyo abaalna laga sugayn. Dh: hadaayo, hadyad, deeq, diiqo, siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadiyad
bw: Arabic
de: present, gift
lx: hadiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaldhaf
(Jaldhaf-ta)
Shanqar ka yeerta qofka socona haya kabihiisa, iyo ciddiyaha iyo cumaacumaha nafleyda qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldhaf
m.dh Sanqadha ka yeerta kabaha lagu soconayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaldhaf
f. n. sound of footsteps ~ walking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldhaf
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadha ka yeerta kabaha lagu soconayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaldhaf
de: sound of footsteps ~ walking
lx: jaldhaf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jaldhaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldhag
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadha ka yeedha kabaha uu qof xidhan yahay. Dh: jabaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: jildiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kaligay
seul.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naadiya
name-f lively, pretty; announcement
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sacdiya
pr. n., [feminine] Sadia
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sacdiya
name-f helper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sacdiya
bw: Arabic
de: Sadia
initial: s
lx: Sacdiya
ps: name-f
key: Sacdiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliday
(fal) saliid ku shub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyay
(fal) sati u yeel, u samee, geer uu ku fadhiisto u yeel. Dh: satiyee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wardiya
name-f rosy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyay
(fal) «u ~» caqli ku sir, garaad ku dhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyay
(fal) ka dhig wax cusub oo iminka adduunka yimi; wax soosaarkaaga mar walba waayaha cusub la socodsii. Dh: jadiidi, casriyee, cusboonaysii, casriyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmiyay
(fal) arrin iyo wax la mid ah, aqoon iyo baadhitaan ku salay. Dh: cilmiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadifay
(fal) gaashaanka u darruur oo iska moos. Arrinta iska daadifee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galtiyad
m.dh Haweeney tagtay degaan aanay dhaqankiisa aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) barkadda ama darkeeda hoose ee biyaha xoolaha loogu shubo. Dh: dar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaliyad
-da: (n) community (komyuniti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaliyad
-da: (magac, dhedig, kali) dad ku nool dal shisheeye oo isku waddan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaariyad
(Jaariyad-da)
Gabar adeegta ama la lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaariyad
f. n. maid servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaariyad
-da: (n) a woman servant; maid (meeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaariyad
-da: (magac, dhedig, kali) gabadha guriga ka shaqaysa ama xafiiskaba. Dh: shaaqiyad. Wa: jaariyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaariyad
bw: Arabic
de: maid servant
lx: jaariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaariyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciiray
-da: (magac, dhedig, kali) qof lagu yaqaano fadhi xum oo laga naxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaqlay
-da: (magac, dhedig, keli) kalagoyska tagoogta iyo calaacashu halka ay iska galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaliilad
(Jaliilad-da)
Weel xiran oo gudihiisa wax qarxadaa ka buuxaan oo ama gacanta lagu tuuro ama madfac ama gantaal ama dayuurad; qunbulad; bunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaliilad
m.dh (-do, m.l) Nooc ka mid ah bumbooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaliilad
m.dh (-do, m.l) Nooc ka mid ah bumbooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaliilad
f. n. bomb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaliilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel xidhan oo qaro weyn oo gudihiisa wax yaalo qarxaa ku jiraan oo gacanta laga tuuro. Dh: burmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaliilad
bw: Arabic
de: bomb
lx: jaliilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bumbo ~ bunbo, qunbulad
key: jaliilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamciyad
(Jamciyad-da)
Urur, xisbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamciyad
m.dh (-do, m.l) Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo wixi lamida ku midoobey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamciyad
m.dh (-do, m.l) Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo wixi lamida ku midoobey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamciyad
f. n. league, organization, political party, union, club
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamciyad
-da: (n) union (yuun yan); organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamciyad
-da: (magac, dhedig, keli) urur ama xisbi. Dh: urur. Wa: jimciyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamciyad
bw: Arabic
de: league, organization, political party, union, club
lx: jamciyad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: urur, xisbi
key: jamciyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildiyid
m.f.dh eeg jildi². la-mid: jaldiyid, jeldiyid, jildin, jildis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadiyayn
(Nadiyayn-ta)
Nadi la dhicid; jeedlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiyayn
m.f.dh eeg nadiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nadi la dhicid: jeedal ku ulayn. Dh: jeedalin, ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaliyay
(fal) qiimaha uu joogo biiri oo mid ka sarreeya ku iibi. Qiimaha xoolaha qaaliyay Dh: qaaliyee. Li: jebi, rakhiisi, raqiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddiyad
f. n. cause; case; aim, objective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaddiyad
-da: (n) 1. situation (siju-weey-shin)-, circumstances (ser-kamis-tans). 2. aim (eeym); cause (kooz) principle (piriin 'si-paly issue (ishuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddiyad
-da: (magac, dhedig, keli) arrin lafdhabar ah oo cidi u halganto. Qaddiyadda reer Falastiin waa xasaasi.