jalbeebsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsad
m.l la-mid: jalbeebasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal hufan oo wanaagsan ku haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebad
m.l la-mid: jalbeebsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsi
m.l la-mid: jalbeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: jal-beebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsad
m.l la-mid: xabeebsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xabeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtan
(Jalbeebtan-ka)
Jalbeebtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtan
jalbeebtan¹: m.l 1. Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn oo laba qof iyo ka badan isdhaafsato. 2. la-mid: jalbeebtamid.
jalbeebtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dad kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn isdhaafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeebtan
v. chat pleasantly, have a nice conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebtan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hufan ku haasaw ama iswaydaarsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeebtan
de: chat pleasantly, have a nice conversation
lx: jalbeebtan
nt: jalbeebtan (ka) [vn2-m]
pd: (jalbeebtamay)
ps: v1=recip
key: jalbeebtan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsad
m.l la-mid: jalleecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsasho
m.f.dh la-mid: jalbeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtamid
(Jalbeebtamid-da)
Jalbeeb isweydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtamid
m.f.dh eeg jalbeebtan². la-mid: jalbeebtan¹(2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebasho
m.f.dh eeg jalbeebo. la-mid: jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hufan ku haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeeb
(Jalbeeb-ta)
Hadal hufan oo lays dhaafsado; haasaawe macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeeb
jalbeeb¹: m.l Hoosgalbeed.
jalbeeb²: m.dh Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalbeeb
m.dh Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeeb
f. n. late afternoon shade
jalbeeb [feminine] n. pleasant chat, nice conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal haasaawe ah oo aad u macaan. Dh: haasaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeebad
(Dabeebad-ka)
Dabeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeebad
m.l la-mid: dabeebasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeebad
vl. n. arguing, argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeebad
-ka: (magac, lab, keli) dabeebasho samayn; dabuub jeedsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeebad
a: dabeebasho (/da) [vn-f]
de: arguing, argument
lx: dabeebad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dabeebad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebi
f.g2 (-iyay, -isay) Goor galab ah cid haasaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebo
f.mg3 (-btay, -batay) Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. la-mid: jalbeebso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeebo
v. be in the afternoon shade and talk ~ converse at length
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebo
(fal) hadal hufan ku haasaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeebo
a: jalbeebso
de: be in the afternoon shade and talk ~ converse at length
lx: jalbeebo
pd: (jalbeebtay)
ps: v3b=intr
key: jalbeebo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebsan
(tilmaame) mid cabeeb hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensad
m.l la-mid: caleensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeysad
m.l la-mid: jaabeysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeeb_1
de: late afternoon shade
hm: 1
lx: jalbeeb
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jalbeeb_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeeb_2
de: pleasant chat, nice conversation
hm: 2
lx: jalbeeb
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jalbeeb_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebin
m.f.dh eeg jalbeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensad
m.l la-mid: labeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabeebsan
Xabeebi ku dhacday; xabeeb leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xabeeb yeeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabeebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xabeeb yeeshay ahaansho. m.f.dh, xabeebsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabeebsan
der. [adjective] hoarse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabeebsan
-aa / nayd: (adj) throaty (tharow-ti); husky (has-ki); hoarse (hoors); guttural (getaraal) ~ xabeeb leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsan
(tilmaame) xabeeb leh; xabeebi ku dhacday. Isaga oo xabeebsan ayuu heesaayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabeebsan
de: hoarse
initial: x
lx: xabeebsan
nt: xabeebsan (xabeebsamay) [v1=inch]
pd: (xabeebsanaa)
ps: adj-der
key: xabeebsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la jalleeciyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersad
m.l la-mid: janjeersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecsad
m.dh la-mid: dhalleexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexsad
m.dh la-mid: dhalleexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsad
m.l la-mid: jilbajabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegad
(fal) cod iyo or macaan ku luuqay.
aleegad -ka: (magac, lab, keli) cod miisaaman oo taxan, quruxina ku ladhan tahay ku heesid; farxad la rayrayntu dhawaaqyo kala duwan oo ay keento. Or iyo aleegad baa dhinacaa bari ka soo baxaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecsad
m.l la-mid: biicsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecsad
-ka: (magac, lab, keli) wax iibsad. Beecsad ayuu gabbalku noogu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegsad
(Beegsad-ka)
Isla simid; haweysad; assagsad; beegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegsad
m.l la-mid: beegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegsad
-ka: (magac, lab, keli) waxa aad rabto inaad gaadho hansashadii. Beegsadkiisu waa meel fog inuu gaadho mustaqbalka. Dh: haweysad, hansad, haabad, tiigsad, beegsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbeed
(Galbeed-ka)
Dhinaca qorraxdu dhacdo oo bariga u tusmaysan; woqooyi iyo koofur kala barkooda; qorraxsin; bugux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeed
m.l Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbeed
m.l Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galbeed
pr. n., loc. west, western
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbeed
-ka: (n) the west (west) ~ qorraxdhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeed
-ka: (magac, lab, keli) jahada qorraxdu ka dhacdo. Li: bari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galbeed
de: west, western Opp: bari; rw: galab
lx: galbeed
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
key: galbeed
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
galbeed
غرب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsad
m.l la-mid: jeedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedsad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensad
(Jeensad-ka)
Jeensasho; (ama jeedsasho, jeesad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensad
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac kale, daymoo. Dh: jeesad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel u socday, soo weecsad. Dh: baydhsad, leexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsad
(Adeegsad-ka)
Hawl cid ku qabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegsad
m.f.dh la-mid: adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegsad
-ka: (magac, lab, keli) hawlgelinta qof ama wax loo isticmaalo waxtar ka soo noqda. Dh: adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleeggad
(Aleeggad-ka)
Heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggad
aleeggad¹: m.l Luuq macaanoo haweenku hees hawleedka ku qaadaan.
aleeggad²: f.mg1 (-day, -dday) Hees hawleed luuq macaan ku qaadid (haween).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleeggad
v. sing, hum
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleeggad
de: sing, hum
lx: aleeggad
pd: (aleeggaday)
ps: v1=
key: aleeggad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaad
-ka: (magac, lab, keli) dhagaax yaryar oo badda laga soo guro wax na lagu qurxiyo. Dh: aleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeecad
(Dabeecad-da)
Dabeec; dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeecad
m.dh 1. la-mid: dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeecad
m.dh 1. la-mid: dabci. 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabeecad
-da: (n) behaviour also behavior (bi-heey-viyar); character (kaaraktar)-, conduct (kon-dhakt)-, personality (peer-so-naalati)-, disposition (dis-pozi-shin) ~ dabci, akhlaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeecad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsad
(Halabsad-ka)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsad
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsad
-ka: (magac, lab, keli) faraska halabtiisa gacanta la haabasho iyadoon rakaabka lagu joogsan. Dh: gammaqabsi.
halabsad -ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsad si aad u gaadho ama aad u soo qabato. Dh: tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemad
m.dh la-mid: jadeemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsad
m.l la-mid: jalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaleefan
(Jaleefan-ka)
Geed cadaadda u eg oo xabag wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaleefan
m.l (botani) Geed qodxeed cadaadda la bah ah, quulle iyo xabagcad oo la cuno leh.