jalbeebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebin
m.f.dh eeg jalbeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebi
f.g2 (-iyay, -isay) Goor galab ah cid haasaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtan
(Jalbeebtan-ka)
Jalbeebtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtan
jalbeebtan¹: m.l 1. Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn oo laba qof iyo ka badan isdhaafsato. 2. la-mid: jalbeebtamid.
jalbeebtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dad kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn isdhaafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeebtan
v. chat pleasantly, have a nice conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebtan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hufan ku haasaw ama iswaydaarsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeebtan
de: chat pleasantly, have a nice conversation
lx: jalbeebtan
nt: jalbeebtan (ka) [vn2-m]
pd: (jalbeebtamay)
ps: v1=recip
key: jalbeebtan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeeb
(Jalbeeb-ta)
Hadal hufan oo lays dhaafsado; haasaawe macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeeb
jalbeeb¹: m.l Hoosgalbeed.
jalbeeb²: m.dh Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalbeeb
m.dh Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeeb
f. n. late afternoon shade
jalbeeb [feminine] n. pleasant chat, nice conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal haasaawe ah oo aad u macaan. Dh: haasaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebo
f.mg3 (-btay, -batay) Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. la-mid: jalbeebso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeebo
v. be in the afternoon shade and talk ~ converse at length
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebo
(fal) hadal hufan ku haasaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeebo
a: jalbeebso
de: be in the afternoon shade and talk ~ converse at length
lx: jalbeebo
pd: (jalbeebtay)
ps: v3b=intr
key: jalbeebo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebin
m.f.dh eeg xabeebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale daalin oo aad uga hadalsiin ilaa uu xabeebsanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeeb_1
de: late afternoon shade
hm: 1
lx: jalbeeb
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jalbeeb_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeeb_2
de: pleasant chat, nice conversation
hm: 2
lx: jalbeeb
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jalbeeb_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebad
m.l la-mid: jalbeebsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsi
m.l la-mid: jalbeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: jal-beebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecin
m.f.dh eeg jalleeci. la-mid: dhalleexin, jalleecis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocin; janjeedhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsad
m.l la-mid: jalbeebasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal hufan oo wanaagsan ku haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbijebin
m.f.dh eeg qalbijebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) jalbeeb iswaydaarsho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBIN
(Jebin) S Brachiaria reptans (L) Gardner & Hubbard Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemin
m.f.dh eeg aleemi. la-mid: aleemis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarbeen
-ka: (magac, lab, keli) qarka yar aan aad u dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid xabeeb u yeelid. 2. Cid xiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebi
(fal) aad uga hadalsii ilaa uu xabeebsada: xabeeb u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeedi
m.l.kh Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeedi
(fal) dhinaca qorraxda u kac ama aad.
galbeedi: (tilmaame) wax kaste oo jihada galbeedka ka yimaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedin
m.f.dh eeg habeedi. la-mid: habeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, habeed isku saydhin ama iska keenid. Dh: kaadin, habeedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaleefan
(Jaleefan-ka)
Geed cadaadda u eg oo xabag wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaleefan
m.l (botani) Geed qodxeed cadaadda la bah ah, quulle iyo xabagcad oo la cuno leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaleefan
m.l (botani) Geed qodxeed cadaadda la bah ah, quulle iyo xabagcad oo la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaleefan
m. n. tree species that produces an edible gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaleefan
-ka: (magac, lab, keli) geed xabag wanaagsan oo cadaadda u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaleefan
de: tree sp. that produces an edible gum
lx: jaleefan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jaleefan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleeci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax janjeerin. la-mid: dhalleeci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalleeci
v. incline, tilt, bend down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalleeci
-yey / say: (v) incline (inkalaayn)-, slant (islaant), lean (liin), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ janjeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleeci
(fal) dhinac u qallooci; janjeedhi; qallooci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalleeci
de: incline, tilt, bend down
lx: jalleeci
pd: (jalleeciyey)
ps: v2a=tr
key: jalleeci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebid
-da: (magac, dhedig, keli) labeeb noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabeeban
(tilmaame) nagiigan ah oo meel laga duso aan lahayn. Balaayo dambi reeban... ta dhulkuna rabeeban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebid
m.f.dh eeg xabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xabeebid.
xabeebis-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale xabeebin oo wax xabeeb leh ka dhigid. Dh: xabeebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka huleelka wax laga quustay laga jeedlado, jigixeey la sheegyaaba. Ka jalbaasin mooyaane, joogjoogid waa beeshay. Dh: huleelid, baxnaanin, caymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecis
m.l la-mid: jalleecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerin
m.f.dh eeg janjeeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleetin
-ta: (magac, dhedig, keli) sarajoog ku kaadin. Dh: talleejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbeebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sarbeeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talleejin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere cadaadis ku soo baxaya sii deyn; kaadi horay u dhiijin. Dh: nay, talleejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefin
(Xalleefin-ta)
Xalleef ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefin
m.f.dh eeg xalleefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefin
-ta: (magac, dhedig, keli) balid oo wax aad u xaliifsan oo ballaadhan ka dhigid. Dh: balid, qarayarayn, xaliifid. Li: qaraweynayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtamid
(Jalbeebtamid-da)
Jalbeeb isweydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtamid
m.f.dh eeg jalbeebtan². la-mid: jalbeebtan¹(2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebasho
m.f.dh eeg jalbeebo. la-mid: jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hufan ku haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecin
m.dh la-mid: dhalleexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gun leh dhan u jalleecin; dhan u qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexin
m.f.dh eeg dhalleexi. la-mid: dhalleecin, jalleecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhalleecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la jalleeciyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbijebid
m.f.dh eeg qalbijab². la-mid: qalbijab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbijebid
-da: (magac, dhedig, keli) niyad jabid; hongoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalinjebin
(Qalinjebin-ta)
Waxbarasho dugsi ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinjebin
m.f.dh eeg qalinjebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinjebin
vl. n., [compound] graduation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ka aflixid oo soo afjarid. Ardaygii qalinjabintiisii ayaa soo dhawaatay. Dh: aflixid, ebyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinjebin
a: qalinjebis (ka) [vn-m]
de: graduation
lx: qalinjebin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: qalinjebin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qalinjebin
تَخَرُّج
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talajeedin
m.dh Soo t.: fikrad laga dhiibto arrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsasho
m.f.dh la-mid: jalbeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababin
m.f.dh eeg ababi. la-mid: abaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef yar daaqbaristiisa. Dadku way ku kala fiican yihiin ababinta maqasha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albeit
/oolbiit/ (conj) hase ahaatee; inkastoo. e.g. There is still a chance, albeit a very small one.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemi
f.g2 (-iyay, -isay) Aleen ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbin
(Babbin-ta)
Dabayl fadhida dhaqdhaqaaq gelin; dhar iyo wax la mid ah, dabayl dhabanaysa dhexdeeda ku kala bixin; babbis, dab bixi waayey ku ololin, ama wax kulul ku qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbin
m.f.dh eeg babbi. la-mid: babbis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbin
-ta: (magac, lab, keli) dab la shidayo balfin susu ololo, Dab sayax babbin la ogow Dh: hufkin, bafin.
babbin-ta: (magac, lab, keli) walhinta maro iyo wixii la mid ah. Dh: ruxid, lulid, walhin, walgin, wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecin
m.dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax iibin; wax gadid. Anu beecin kama shaqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beejin
(Beejin-ta)
Dhis ama wax kale oo quruxdooda la muujiyo, oo la soo bandhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejin
m.f.dh eeg beeji.