jalanjiilo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JALANJIILO
(Jalanjilo) S Blyttia fruticulosum (Decne) D.V.Field. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warankiilo
-warankiilada: (n) bleach (biliij)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanjiiddo
m.dh Cad hilib ah oo yaalla lafdhabarka, misigta korkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanjo
-da: (magac, dhedig, keli) cadka yar ee carruurta laga jaro cisalka. Balanjadii ayaa laga jaray wiilka. Dh: balag, baaro, hanjaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalanqo
m.l Jir qurux iyo jiljileec isku darsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalanqo
-da: (magac, dhedig, keli) laan si qurux badan u baxday oo dabayshu liicliicinayso. Qaadka maanta yimid waa jalanqe qiime jaban.
jalanqo-da: (magac, dhedig, keli) qurux iyo xubno fiicnaan. Jalanqe iyo waxaad tahay jawhar oo kale e.
jalanqo -da: (magac, dhedig, keli) maroodiga dhedig. Qalanjo miranaysa libaax ma dilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamiilo
pr. n., [feminine] Jamila
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jamiilo
de: Jamila
lx: Jamiilo
ps: name-f
key: Jamiilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiljilo
f.g3 (-laday, -latay) Geed iyo wixi lamida si ay miro uga soo daatan ruxruxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiljilo
f.g3 (-laday, -latay) Geed iyo wixi lamida si ay miro uga soo daataan ruxruxasho. m.f.dh, jiljilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiljilo
(fal) dhogorjidheed aad u gilgil oo biyo, bus ama dulin ka hurguf. Dh: hurgufo, jafo, jijilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalanjo
(Qalanja-da)
Maroodi dheddig,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalanjo
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalanjo
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalanjo
f. n. female ~ cow elephant; actress
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qalanjo
nickname; name-f female ~ cow elephant; actress. Lit: beautiful and well-behaved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalanjo
-qalanjada: (n) 1. female elephant. 2. actress (aak-tares) ~ atarijo. 3. beautiful women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qalanjo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid deggan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalanjo
-da: (magac, dhedig, keli) maroodiga tiisa dhedig. Maroodi qalanjo iyo maqashii wata ayaa dixda ka cabbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalanjo
cf: arbe, maroodi
de: female ~ cow elephant; [fig.] actress
lx: qalanjo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qalanjo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walanjo
-da: (magac, dhedig, keli) weyso geed laga qoray. Walanjada isii aakhiraa weerar loo yahay e. Dh: wayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiido
f.g3 (-daday, -datay) Gocoso, qob gacan kaga saarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanbiiq
-a: (magac, lab, kali) daayeerka kiisa dhasha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaariile
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaariile
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka dhexeysa oo si wadajir ah u dheelaan ragga iyo haweeenku oo ka mid ah ciyaaraha durbaanleyda. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah labo durbaan oo dhaadheer iyo sharaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafaliil
(Jafaliil-ka)
Wax aan qaab wanaagsan lahayn; foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaliil
m.l.kh (-llo, m.dh) J. ah: wax aan qaab wannaagsan lahayn; foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaliil
m. n. ugly thing ~ person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaliil
-ka: (magac, lab, kali) nooc hargab xumaaday oo leh qufac iyo xummad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafaliil
de: ugly thing ~ person
lx: jafaliil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jafaliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid jala' ka yeersiin. la-mid: jalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjiiro
m.dh Qandhuufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjiiro
f. n. pinch, painful nip
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjiiro
a: qanjiidho
de: pinch, painful nip
lx: qanjiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qanjiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiino
m.dh la-mid: baansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balanbalo
m.dh la-mid: balbalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangiile
-ha: (magac, lab, keli) qofka leh cillad dhanka hadalka ah oo uu qofku googooyo ama uu soo saari kari waayo. Dh: shigshiga, shigshigaaye, shigshiglow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaaliil
-ka: (magac, lab, keli) wax aan qaab wanaagsan lahayn oo fool xun. Dh: foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaliile
m.l Shayddaan; indhaxamil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaliile
(tilmaame) mid hargab iyo xummad qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiin
m.f.dh eeg jalaysii. la-mid: jalayn, jalaysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiis
m.l la-mid: jalaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaranjaro
(Jaranjara-da)
1. Xubin aqallada iyo dhisaska kale kamid ah oo dabaqyada kore lagu gaaro ama lagaga soo dego.
2. Dhis gacanta lagu qaato oo ka samaysan labo tiir iyo cagasaaro badan oo isu haya, oo meeshii dheer lagu fuulo. ~ ragaad; sallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaranjaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. la-mid: jaranjar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaranjaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. la-mid: jaranjar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaranjaro
f. n. staircase, stairs; ladder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaranjaro
-jaranjarada: (n) ladder (laadhar); stair (isteer); stairs (isteeris), staircase (isteer-keeys); escalator (eskaleeyter); stairway (isteer weey) ~ sallaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaranjaro
-da: (magac, dhedig, keli) dhis kala hooseeya guriga dabaqaa lagu koro lagagana soo dago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaranjaro
de: staircase, stairs; ladder
lx: jaranjaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jaranjaro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jaranjaro
سُلْمَة، دَرَجَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karantiil
m.l la-mid: karantiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karantiil
-ka: (n) quarantine (kuwoo-rentiin) karantiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karantiil
-ka: (magac, lab, keli) cid xanuun la kala qaado qabta, gooni u takoorid. Dh: karantiin, weelduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilo
m.dh la-mid: majaajillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranjiid
-ka: (magac, lab, keli) niyadjab iyo nacsiin ciidammo dagaal ku jira lagu sameeyo. Waranjiid cadaw ma difaaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaaliile
-ha: (magac, lab, keli) shaydaan ama ibliis. Dh: jin. Li: insi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majaajillo
(Majaajilla-da)
Kaftan; dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajillo
m.dh (riw.) Ereyo iyo falal loogu talaggalay in dad looga qosliyo. la-mid: majaajilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajillo
m.dh (riw.) Ereyo iyo falal loogu talaggalay in dad looga qosliyo. la-mid: majaajilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaajillo
f. n. joke, joking ~ kidding around
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillo
-majaajillada: (n) comedy (komadi); farce (faarsi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillo
-da: (magac, dhedig, keli) suugaan inta badan riwaayadaha la socota oo iskugu jirta tixo habdhac iyo qaafiyad leh iyo hadal furan oo maad iyo maaweelo ka buuxdo. 'Alla waa saaqidintii shalaytoole, dadka oo wada soomman, sebiga beerka ka laagayee, saanbuusihiina ka qaatayee ku saxdee ku hunqaacay' waa majaajillo caan ah. Dh: kaftan, maadeys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaajillo
cf: dheeldheel, kaftan
de: joke, joking ~ kidding around
lx: majaajillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: majaajillo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waqantiile
nickname; name-m warrior; tough; fighter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warankiino
m.dh Dareere kiimikal ah oo dharka aan midabka lahayn oo la dhaqayo lagu cadeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warankiino
m.dh Dareere kiimikal ah oo dharka aan midabka lahayn oo la dhaqayo lagu cadeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waransillo
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo suunka dhexda lagu xidho iyo qalab kalaba lagu sameeyo oo loo adeegsado isku xidhka labada darif ee suunka. Waransilladu hadday kaa jabto suunku kuu xidhmi maayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaandhilo
m.l Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iyo wixi lamida korkooda ku yaal oo yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aagaanbiijo
(tilmaame) qof yar oo uu ku dhacay xanuun caloosha weyneeya mijahana yareeya oo fadhiidiyay. Faarax waa agaanbiijo aayar u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof ballan la dhigasho, la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof ballan la dhigasho, la yeelasho. m.f.dh, ballandhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandhigo
v., [compound] make an appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandhigo
(fal) ballan aad ku xisaabtanto samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandhigo
de: make an appointment
lx: ballandhigo
pd: (ballandhigtay)
ps: v3b=cmp
key: ballandhigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanjiyid
(Calaanjiyid-da)
Si calaanji ah wax u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjiyid
m.f.dh eeg calaanji². la-mid: calaanji¹, calaanjin, calaanjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakakiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolyo
m.dh la-mid: dalandoolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjiyid
m.dh la-mid: falaanjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanfallow
(Falanfallow-ga)
Kan falka yaqaan ama wax fala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanfallow
m.l (-wyo, m.dh) Qof falka yaqaan. la-mid: falaanfallow, falaanfullow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanfallow
m. n. magician, witch, wizard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanfallow
-ga: (magac, lab, keli) qof baabka adeegsada oo ku camalfala; kan falka yagaanna. Dh: falallow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falanfallow
de: magician, witch, wizard
lx: falanfallow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: saaxir
key: falanfallow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaallannimo
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiibnimo iyo rafiiq ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labawajiile
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la tagana, siyaaso ka dhan ah, ku kaca. Dh: labaggae, munaafaq, jirjirroole, labawajiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaajillow
v. joke, act the comedian
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillow
-ga: (n) comedian (komiidiyaan); humorist (hiyumar-iist)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaajillow
a: majaajilee
de: joke, act the comedian
lx: majaajillow
pd: (majaajillooday)
ps: v3a=intr
key: majaajillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbadhiile
-ha: (magac, lab kali) dhirta bixisa badhida ee la manaafacaadsado. Dh: salbariile, salbaryaale.
salbadhiile -ha: (magac, lab kali) badhida lagu fadhiisto. Salbadhiilaha ayuu dhuxunkurreeb iga qaniinay. Dh: sal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajiriqle
-ha: (magac, lab, keli) qofka doodda aan macnaha lahayn ku daala.