jahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahasho
(Jahasha-da)
Meel aadid; doc qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahasho
m.f.dh eeg jaho. la-mid: jahad, jihad, jihashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka loo dhaqaaqaayo dhinac dan laga leeyahey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahasho
m.dh la-mid: dihasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafasho
m.f.dh eeg jafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku dhejisan ka qorasho oo ka daadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalasho
m.f.dh eeg jalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, jal qaadasho oo isxanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamasho
(Jamasha-da)
Wax jan u qabid; qof aragtidi ama wax kale heliddood, rabitin aad u badan oo bugto ku dhow, u qabid; wax u waalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamasho
m.f.dh eeg jamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamasho
vl. n. desire, longing, craving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamasho
-da: (n) nostalgic (nas-tawlja); craveing (kareeyving), hankering (hangkering), desire, longing (loongging); yearning (yeeming); pining (paayning) ~ jan, jeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamasho
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaan aad u xeel dheer. Dh: jeclaan. Li: necbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamasho
cf: majeerasho
de: desire, longing, craving
lx: jamasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: jamasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarasho
m.f.dh eeg jaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihasho
m.dh la-mid: jahasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kahasho
(Kahasha-da)
Waxa la qoonsado sida laga noqdo; jeclaysad la'aan; nebcaysasho; gensasho; qoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahasho
m.f.dh eeg kaho. la-mid: kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kahasho
vl. n. resentment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kahasho
-kahashada: (n) difficulty, aggravation or discomfort
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahasho
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaysad la'aan; wax ku qanci waayid. Dh: gocosho, qoonsasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kahasho
de: resentment
lx: kahasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: kahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahasho
(Lahasha-da)
Laabta wax ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahasho
m.f.dh eeg laho. la-mid: lahad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahasho
vl. n. desire, longing, being consumed with desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahasho
-lahashada: (n) 1. deep pity sorrow (sooroow). 2. desire (dizaayar) ~ rabitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lahasho
-da: (magac, dhedig, keli) laabta wax ka jeclaysasho ama ku qabasho. Lahashadii haysay wuu ka bogsaday. Li: nacayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahasho
a: lahad (ka) [vn-m]
de: desire, longing, being consumed with desire
lx: lahasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: lahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahasho
m.dh la-mid: muhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale niyadda ka jeclaansho. Islaan uur leh mahasho ha kula yaabin. Dh: muhasho, jeclaysi, jamasho. Li: karhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahasho
(Sahasha-da)
Salgamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahasho
m.f.dh eeg saho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahasho
vl. n. rubbing against something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasillooni darro, Ceebtiisa u weyni waa sahasho. Dh: salgamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahasho
de: rubbing against s.t.
initial: s
lx: sahasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saho
key: sahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahad
(Jahad-ka)
Jahasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahad
m.l la-mid: jahasho.

jihad
m.l la-mid: jahasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaho_2
de: go towards, head in the direction of
hm: 2
lx: jaho
nt: jahad (ka) [vn-m], jahasho (/da) [vn-f]
pd: (jahday)
ps: v3b=intr
key: jaho_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahasho
m.f.dh eeg baaho².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa maqan rabtid. Baahasho booli looma qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahasho
(Daahasha-da)
Daah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahasho
dąahasho: m.f.dh eeg dąaho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahasho
vl. n. curtaining, screening, draping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, daah u samaysasho, daah ku xirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahasho
de: curtaining, screening, draping
lx: daahasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daahasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodashada dhulka ama wax kale sida wax dhulka ku aasan.
fadhasho-da: (magac, dhedig, keli) wax firi ah oo dhulka ku daatay ka gurasho. Faraha dhuudhuuban baa fadhashada ku fiican. Dh: farasho, gurasho, fadhid. Li: daadin, saydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabsasho
m.f.dh eeg jabso. la-mid: jabsad, jabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel xidhan oo hanti lagu dhawray, jebin oo xoolihii qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysasho; dulu yeelasho; karasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kahsad: qoonsasho; gensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karhasho
m.f.dh eeg karho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax, wax kale tiirsha ku darsasho. Dh: larasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madhasho
(Madhasha-da)
Naag aan dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Naag aan rimi karin. la-mid: madhaleys².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Naag aan rimi karin. la-mid: madhaleys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhasho
f. n. childless ~ sterile woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhasho
-madhashada: (n) barren (baaran), infertile (infeer tal), sterile (isteeral) female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta u wanaagsan kala bixid. Dh: xulasho, naqaysasho.
madhasho -da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho. Dh: idlaasho, dhammaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhasho
de: childless ~ sterile woman
lx: madhasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: madhasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmasho
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigasho; rahaamadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahlasho
(Sahlasha-da)
Sahal ka dhigasho; fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahlasho
m.f.dh eeg sahlo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahlasho
-da: (magac, dhedig, keli) sahal ka dhigasho; dhibyaraysashada aad hawl kuu taal ka dhigato wax sahal ah. Dh: dhayalsi, fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala fidin oo dabool la'aan hawada iyo cadceedda u dhigid. Wadhashada dharka marmarsiiyo ha ka dhigane dhaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahsasho
(Wahsasha-da)
Wahsi iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahsasho
m.f.dh eeg wahso. la-mid: wahsad, wahsi¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wahsasho
-wahsashada: (n) procrastination (poro-karaas-ti-neey-shin); laziness (leeyzi-nes) ~ wahsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wahsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walhasho
m.f.dh eeg walho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Walhasho
Simple harmonic motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walhasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawada lalmasho oo kolba dhinac dabaysha u raacid.
walhasho-da: (magac, dhedig, keli) lulan hufan oo meerto ah oo ay walax laalaaddaa samayso meel illaa meel si ay walhashadaa ugu soo saarto ququl talantaalli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaso
(Jaasa-da)
Abaalmaris; eedsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaaso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaso
f. n. reward in kind, recompense, retribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaso
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax fiican s ameeyey waxa la siiyo si loo abaalo. Dh: abaalmarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaaso
bw: Arabic
de: reward in kind, recompense, retribution
lx: jaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqasho
(Aqasha-da)
Aq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqasho
m.f.dh eeg aqo. la-mid: caqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqasho
vl. n. starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqasho
-aqashada: (n) extreme lack of water and food; starvation (staarveeyshen) ~ aq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanqale la'aan dartii dhimasho; harraad u dhimasho. Dadkani aqasho ayay u daateen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqasho
de: starvation
lx: aqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awasho
m.f.dh eeg awo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasho
baasho¹: m.dh Dhunkashada dhabanka ama dibnaha la iska shumiyo.
baasho²: f.mg3 (-shtay, -shatay) Baal goray iyo wixi lamida iyadoo libin lagu muujinayo madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku dhegsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasho
f. n. kiss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasho
-baashada: (n) kiss (kis) ~ shumis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo gacanta oo qof naxariis loogu salaaxo. Baashadu carruurta way barbaarisaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasho
de: kiss
lx: baasho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhunko, shumis
key: baasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasho
(Dhasha-da)
Xubinta ilmaha dhalana hayaa ka soo baxaan; dhashi; dhali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Sabiisha inteeda muuqata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhasho
f. n. vagina, vulva
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhasho
dhashada: (n) female animal's genital organ; vagina (va- jeeyna); cunt (kant) ~ sabiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhasho
de: vagina, vulva usually of an animal
lx: dhasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Faal dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasho
v. predict ~ foretell the future for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faasho
-faashaday / faashatay: (v) seek advice from fortuneteller (foorjunteelar); psychic (saaykik); palmist, crystal gazer or astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasho
(fal) faal adeegso.