jagi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jagi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhagxaan yaryar ama saaladda geela lagu ciyaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jagijagi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarguri 16, 24 ama 36 dhagax oo quruurux ah lagu dheelo; madadaalo buntirsi labo ama in ka badani u dheesho oon la jaal-jaalin. Jagijagida badiyaa waxa dheela dhallinta xoolaha raacda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamako
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar quruuruxa lagu ciyaaro oo jaadad badan loo ciyaaro. Dh: jagijagi, kowtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jag
(fal) dameer, joogso oo istaag. Dameero jag waa u wada dhega taagaan. Dh: bes, joogso, istaag. Li: jac, kir, kac.
jag: (fal) qodax muddideed; qodaxi ha ku turuqdo. Dh: jurduq, juq, nab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagi
(Cagi-da)
Haddeer, amminka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagi
m.dh 1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagi
f. n. now, the present time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagi
-da: (magac, dhedig, keli) imikadaa la joogo. Dh: hadda, imika, eegga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagi
cf: cag (2)
de: now, the present time
lx: cagi
pd: (-da)
ps: n0-f-time
syn: haddeer, amminka ~ imminka
key: cagi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabi
v. break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabi
-yey / say: (v) 1. break (bareek). 2. break or disregard the law or promise; violate (vaay-leeyt) 3. cause to break down (bareek dhaawn) ~ jebi. Ex: gaarigii baa iga jabay; my car had broken-down 4. defeat (difiit); loss (loos). Ex: ciidankii waa la jabiyey; the army was defeated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabi
(fal) hoos uga dhig sicirkii hore. Li: qaaliyee.
jabi: (fal) laf iyo wixii la mid ah, kala goo oo labo fallidh ka kala dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabi
de: break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
lx: jabi
pd: (jabiyey)
ps: v2a=tr
see: jebi
key: jabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jago
(Jaga-da)
1. Kob; meel.
2. Heer; darajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jago
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meel bannaan oo aan weli degaan laga dhigin. 2. Heer darajo oo shaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jago
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meel bannaan oo aan weli degaan laga dhigin. 2. Heer darajo oo shaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jago
f. n. position, post; vacancy, place; job; political office, seat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jago
-jagada: (n) 1. position (pozi-shin); rank (rangk); 2. an unfilled job; vacancy (yeey kan-si); opening (opining); 3. a piece of land; lot (laat)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
JAGO
Carica
Position

Posizione; carica
Position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jago
-da: (magac, dhedig, kali) meel dhulka ka mid ah oo la degi karo. Dh: dhul. Wa: jagooyin.
jago -da: (magac, dhedig, keli) heer, darajo ama masuuliyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jago
cf: darajo, kob, makaan ~ maqaan, meel
de: position, post; vacancy, place; job; political office, seat Orig: plot of ground
lx: jago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jali
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo caano u diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jali
v. deprive (a child) of nourshment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jali
(fal) qadi maqasha oo caanaha u diid. Dh: qadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jali
cf: jalo
de: deprive (a child) of nourshment
lx: jali
pd: (jaliyey)
ps: v2a=tr
key: jali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jani
-da: (magac, dhedig, keli) caano neef dhaqayo ah laga lisay. Li: danbar, ramad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawi
jawi¹: m.l 1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.
jawi²: m.dh 1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawi
m.l 1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawi
m. n., [collective] atmosphere, climate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jawi
-ga: (n) 1. weather (weether); climate (kaleey-mit); atmosphere (atmasfiir). 2. condition (kan-dishen); circumstances
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawi
-ga: (magac, lab, keli) xaaladda kolba la joogo waayaheega.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawi
bw: Arabic
cf: cimilo
de: atmosphere, climate (literally and figuratively)
lx: jawi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: jawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jegi
m.dh la-mid: gegi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jegi
-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo aan bur iyo geed toona lahayn. Dh: gegi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagi
nagi¹: m.dh la-mid: negaan.
nagi²: f.mg4 la-mid: neg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagi
(tilmaame) meel banaan ah.
nagi-da: (magac, dhedig, keli) jaadka laysa siiyo in yar oo ka mid ah oo qofkii bixiyay dib loo siiyo. Nagi ceshaa nabadgala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagi
-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo aan lagu dhuuman karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalgis
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan si fiican loo fahmi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangi
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: banki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bangi
m. n. bank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bangi
-ga: (n) bank (baangk) ~ banki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bangi
-ga: (magac, lab, keli) dhisme leh maamul iyo xafiisyo lacagta lagu kaydsado lagana qaato. Dh: baan. Wa: bangiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bangi
a: banki
de: bank
lx: bangi
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: bangi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagsi
(Cagsi-ga)
Lid; liddi; dhig; (ama caksi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagsi
m.l Ka soo hor jeedo; lid. la-mid: caksi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagsi
m.l Ka soo hor jeedo; lid. la-mid: caksi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagsi
m. n. contrary, opposite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagsi
-ga: (n) opposite (op-a-zit) ~ bilcagsi, liddi, caksi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagsi
-ga: (magac, lab, keli) wax wax kale liddi ku ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagsi
bw: liddi
de: contrary, opposite
lx: cagsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: lid
xv: caksi
key: cagsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagid
(Dagid-da)
Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagid
m.f.dh eeg dag. la-mid: dagniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u dhuumasho oo si ay xeeladi ku jirto wax yeelid. Dh: dagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax la dagay ahaan. Li: foojigni, digtooni, soojeedid. dagniin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xeelad ah iyada oon digtoonayn wax u yeelid. Dh: dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagi
m.dh Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. la-mid: dhadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagi
m.dh Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. la-mid: dhadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagid
(Fagid-da)
Wax xabaallaa, qufid, qodid, faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagid
m.f.dh eeg fag². la-mid: fagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagid
-da: (magac, dhedig, keli) miiqmiiqidda iyo rifidda wax isku yaallay. Dh: fagis.
fagid-da: (magac, dhedig, keli) fadhista midho iyo wax la mid ah oo daatay. Dh: farid, fadhid, fagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagis
m.dh la-mid: fagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagis
-ta: (magac, dhedig, keli) miiqmiiqidda iyo rifidda wax isku yaallay. Dh: fagid.
fagis -ta: (magac, dhedig, keli) fadhista midho iyo wax la mid ah oo daatay. Dh: farid, fadhid, fagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagni
-da: (magac, dhedig, keli) meel la faqay ahaan. Dh: fagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangi
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Koox ka tirsan dhirta yar yar oo aan lahayn cagaariye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fangi
m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Koox ka tirsan dhirta yar yar oo aan lahayn cagaariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangi
-ga: (magac, lab, keli) koox ka tirsan dhirta yaryar oo aan lahayn cagaariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gagsi
-ga: (magac, lab, keli) adkaysiga iyo dulqaadashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagid
(Hagid-da)
Qof indhala' wadid, (taxaabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagid
m.f.dh eeg hąg. la-mid: hagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagid
vl. n. guiding ~ leading of the blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagid
-da: (n) leading (Hiding), guiding (geeyding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagid
-da: (magac, dhedig, keli) qof indhla' hoggaamin. Dh: hagis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagid
a: hagis (ta) [vn-f]
de: guiding ~ leading of the blind
lx: hagid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagis
(Hagis-ta)
Hagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagis
m.dh la-mid: hagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaafi
m.l/dh 1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaafi
m.l/dh 1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaafi
m. n. (adj.): hard ~ rigid object, coarse person; crude, rough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafi
(tilmaame) wax qaro leh oo adag.
jaafi -da: (magac, dhedig, keli) derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
jaafi-ga: (magac, lab, keli) qofka dabciga qallafsan leh ee ad'adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaafi
bw: Arabic
de: hard ~ rigid object, coarse person; [atr.] crude, rough
lx: jaafi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jaafi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaji
f. n., [collective] people who live solely on fish ~ the fruits of the sea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaji
-ga: (magac, lab, kali) eeg baddhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaaji
de: people who live solely on fish ~ the fruits of the sea (term of disdain)
lx: jaaji
pd: (-da)
ps: n-f-col
syn: miratahan
key: jaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaami
(tilmaame) dareere adag oo isjeedjiidanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawi
jaawi¹: m.l la-mid: jaawe.
jaawi²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub). m.f.dh, jaawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaawi
v. snap one's fingers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaawi
-yey I say: (v) snap one's fingers ~ suul jaawi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawi
-da: (magac, dhedig, kali) waxyaabo la isku daro oo dumarka uunsi u ah. Dh: uunsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaawi
de: snap one's fingers
lx: jaawi
nt: jaawin (ta) [vn-f]
pd: (jaawiyey)
ps: v2a=
key: jaawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabid
(Jabid-da)
1. Wax mid ah oo adag, wax xoog leh oo ku dhacay darti u kala haadid, u kala duulid; burburid.
2. (ganacsi) qiime sare, hoos aadid; raqiis noqosho.
3. (col; dagaal kd.) guuldarro ku dhicid; laga adkaan; baqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabid
m.f.dh eeg jab². la-mid: jabniin, jebid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabid
Breakdown
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabid
vl. n. break (down), breaking
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jabid
Frattura
Fracture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabid
-da: (magac, dhedig, keli) laf iyo wixii la mid ah, labo walxood u kala falliidhmid.
jabid-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha badeecad ama walax, hoos u dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabid
de: break (down), breaking
lx: jabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: My car breaks down often.
xv: Baabuurkaygu wuu jabid badanyahay.
key: jabid