jafnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafnaan
m.f.dh eeg jafan. la-mid: jafnaansho, jafni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la jafay oo nabarro badan loo yeelay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafaan
(Jafaan-ka)
Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaan
m.l (-nno, m.dh) Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaan
m. n. tool used for tapping the gum from incense-trees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaan
-ka: (magac, lab, keli) qalab bir ah oo geedaha xijjiga ee irmaan lagu sarsaro. Dh: migaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafaan
de: tool used for tapping the gum from incense-trees
lx: jafaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jafaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janaan
(fal) xiiso iyo rabitaan dheeri ah u qaad oo calmo. Waa loo janaanaa hablaha lana jeclaadaaye. Dh: calmo, caashaq, jeclaw, juq, rab. Li: nac, diid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabnaan
(Jabnaan-ta)
Wax jaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabnaan
m.f.dh eeg jaban. la-mid: jabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabnaan
f. n., [abstract] state of being broken; cheapness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabnaan
-ta: (magac, dhadig, kali) wax aan qaali ahayn. Li: qaali.
jabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) walax labo ama in ka badan u kala go'day ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabnaan
a: jabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being broken; cheapness
lx: jabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: jabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarnaan
m.f.dh eeg jaran². la-mid: jarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax go'an ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safnaan
(Safnaan-ta)
Wax safan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safnaan
m.f.dh eeg safan². la-mid: safnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safnaan
f. n., [abstract] state of being lined up ~ in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saf ku jira ahaan. Dh: sarbanaan, sarcanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safnaan
a: safnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being lined up ~ in a row
initial: s
lx: safnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: safnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufnaan
(Hufnaan-ta)
Wax hufan ahaan; jafnaan; nadiifsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafnaansho
m.l/dh la-mid: jafnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafni
m.dh la-mid: jafnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jafnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarnaan
m.f.dh eeg ajaran². la-mid: ajarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafnaan
(Dhafnaan-ta)
Wax isku dhafan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafnaan
m.f.dh eeg dhafan². la-mid: dhafnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhafnaan
f. n., [abstract] mixedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isku dhafay oo isku dhex jira ahaan. Dhafnaanta xoolaha waan ku heshiinnay. Dh: iskujir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafnaan
de: mixedness
lx: dhafnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dhafnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafnaan
m.f.dh eeg gaafan. la-mid: gaafa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhisme hadoodilan. Dh: hadoodilnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaanjaan
-ah: (n) stupid (istupidh) person; fool (fuul); silly (sili) person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaan
-ka: (magac, lab, kali) qof aan hore iyo dib u socod lahayn oo wareersan. Dh: naannaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafjafan
La jafjafay; la tuntumay; la gargaraacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafjafan
der. [adjective] thoroughly beaten
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafjafan
de: thoroughly beaten
lx: jafjafan
ps: adj-der
key: jafjafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafnaan
(Saafnaan-ta)
Wax saafan ama la saafay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafnaan
m.f.dh eeg saafan³. la-mid: saafnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafnaan
f. n., [abstract] state of being sliced thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saafan ahaan; wax la saafay ahaan. Dh: xalluufsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saafnaan
de: state of being sliced thin
initial: s
lx: saafnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: saafnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafan
La jafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) La jafay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafan
der. [adjective] beaten, pounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafan
(tilmaame) wax nabarro badan lagu jiiday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafan
de: beaten, pounded (to remove dust, bark, pulp, etc.)
lx: jafan
pd: (jafnaa)
ps: adj-der
key: jafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janan
*(Janan-ka)
(darajo askareed) sarreeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janan
m.l (-nno, m.dh) Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janan
m.l (-nno, m.dh) Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janan
m. n. general {military}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janan
-ka: (n) military general (jenaral) ~ jenaraal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janan
-ka: (magac, lab, kali) sarkaal sare oo ciidanka ka tirsan. Janankii booliska ayaa na soo booqday. Wa: jananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janan
de: general {military}
lx: janan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: janan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaan
-ka: (magac, lab, keli) hummaag khiyaali ah oo an jirin, laakiin dadka Soomaalidu caadaysteen in ay isku ladhaan oo ay isku labeeyaan. Aniga iyo aafaan ayaa baratannay. Dh: eefaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afcaan
m.l (afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afcaan
m.l (afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Ingiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflaan
m.dh.w eeg filin. ld. aflaam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agnaan
-ka: (magac, lab, keli) qof afka uu ku hadlo balaaqo aan u lahayn. Dh: afgarooc Li: aftahan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
banaan
خارج
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaan
(fal) qoosh, diyaari oo xash si loo dubo oo kimis looga sameeyo.
ganaan -ka: (magac, lab, keli) buunshe aan la wadhin oo aan la engajinin oo biyo intii lagu shubo lagu daboolo illaa uu noqdo dhanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hanaan
Mechanism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafaal
(Jafaal-ka)
1. Nin lixaad weyn; tiirri.
2. Dubka kore oo dhirta qaarkeed, laga jafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaal
m.l 1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaal
m. n. strong ~ large man
jafaal m. n., [collective] outer bark removed from a tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaal
-ka: (magac, lab, keli) nin lixaad iyo xoog weyn leh. Dh: tiiri, culus. Li: fudud.
jafaal -ka: (magac, lab, keli) qolofta sare ee geedaha, gaar ahaan jirriddooda ku samaysanta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JANAAW
(Janaw) S Jubae fluvii Chiov. Sapindaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawaan
(Jawaan-ka)
Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyey; joonyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawaan
m.l (-nno, m.dh) Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. la-mid: joonyad, juuni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawaan
m.l (-nno, m.dh) Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. la-mid: joonyad, juuni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawaan
m. n. sack, large bag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jawaan
-ka: (n) 1. sack (saa&) ~ kiish, 2. quintal; a sack holding 100kg of objects in bulk ~ kiintaal, joonyad, juuni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaan
-ka: (magac, lab, keli) kiish weyn oo wax lagu rito. Inta badan waxa uu qaadaa boqol kiiloo (100kg). Dh: joonyad, durfi, kiish. Wa: jawaanno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawaan
de: sack, large bag
lx: jawaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: joonyad, juuni {C & S}
key: jawaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanaan
(Qanaan-ta)
1. Dabada gammaanka siiba tan fardaha.
2. Dabo, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanaan
qanaan¹: m.l Q. ah: nafley madax-adag oo aan la hoggaamin karin.
qanaan²: m.dh Dabada gammaanka iyo lo'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanaan
f. n. tail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabada qammaanka siiba tan fardaha. Jaraha ganaanta faraska ka soo gooso.
qanaan -ta: (magac, dhedig, keli) lafta dhabarka dhammaadkeeda halka ay futada ka gasho Qanaantuu u dhacay Dh: dabaqanaan, xaarquud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanaan
de: tail (especially of a horse)
lx: qanaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: qanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) isu ekaansho. Waa isku sanaan labada wiil. Dh: qaab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xanaan
name-f affectionate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaan
-ka: (magac, lab, keli) wax wanaagsan oo la isku taro oo laba kooxood isku ogyihiin sida baadida oo la isku celiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasnaan
(Aasnaan-ta)
Wax la xabaalay ahaan; xabaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnaan
m.f.dh eeg aasan². la-mid: aasnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasnaan
vl. n., [abstract] state of being buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasnaan
-ta: (n) a condition or state of being buried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xabaalnida uu qof ama shey ku qarsoomo god loo diyaariyay ama meel qodan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasnaan
a: aasnaansho
de: state of being buried
lx: aasnaan
pd: (-ta)
ps: vn0-f-abs
key: aasnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ba'naan
(Ba'naan-ta)
Wax ba'an ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba'naan
m.f.dh eeg ba'an. la-mid: ba'naansho.