jadwal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadwal
m.l (-llo, m.dh) Qorshe ammineed muujinaya sida hawl loo fulinayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jadwal
m. n. timetable, schedule; program, scheme
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jadwal
-ka: (n) schedule (iskej-wal); timetable (teeym-teeybl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadwal
-ka: (magac, lab, keli) qorshe la dejiyo oo milayaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadwal
bw: Arabic
de: timetable, schedule; program, scheme
lx: jadwal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jadwal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jadwal
جَدُولٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shax
shax¹: m.dh 1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal.
shax²: f.mg1 (-xay, -xday) Shax cayaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shax
m.dh 1. Cayaar dhulka lagu dhigto ama loox loo sameeyey korkiis oo laba qof lagu cayaaro. 2. Shilin yaryar oo aan ishu aad u qaban karin. 3. Jadwal.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
time schedule
jadwalka waqtiga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
calendar
/kaalandar/ kalandaariyo (jadwalka taariikhda).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chart
/jaarti/ (n) 1. khariidad (n) 2. jadwal ama bayaan qoraal ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
routine
/ruutiin/ jid ama nidaam wax-qabad oo mar kasta la raaco (sida jadwal oo kale).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
schedule
/skejuwal/ (n) 1. jadwal (jadwal ku shaqayn) (v) 2. waqti qabasho (ballan waqtigiis gooyn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
table
/teybal/ (n) 1. miis (n) 2. jadwal (v) 3. jadwalayn (jadwal ku qorid) (v) 4. soo bandhigid (arin iwm, miiska soo saarid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tabular
/taabyular/ tabulation; (adj) jadwalaysan (jadwal ahaan u qoran).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tabulate
/taabyuleyt/ (v) jadwalayn (hab jadwal ah u qorid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
timetable
/taym teybal/ (n) jadwal (siiba jadwalka qorshaynta waqtiga).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
chart
/jaart/ (n) 1. jadwal. 2. bayaang abtughyng.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo wax walba muudd uu dhacayo xaddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeysan
(tilmaame) jadwalaysan oo muddooyin xaddidan leh. Hawl muddaysan lama degdesado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeysnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) jadwalaysnaan oo muddooyin go'an lahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samayn. Wakhtiyayn baa wax soo saar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl kasta nidaam iyo xilli u samaysasho oo nolosha jadwal ay ku socoto ku jaangoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyee
(fal) jadwalee oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samee. Wakhtiyee noloshaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilliyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo hawal walba xilli la fuliyo u samayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
calendrier
calendrier, n.m. - Taariikh la tirsado; Faahfaahin ama qoraallo tusaaya wax lagu tala galay; Jadwal; Taqwiim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadwale
-ha: (magac, lab, keli) qofka jaadka ka ganacsada ama gaadiidka jaadka wada. Dh: jaadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awal
(Awal-ka)
Marka hore; waa hore; koowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awal
m.l.fk Marka hore; waa hore; koowaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awal
m.l.fk Marka hore; waa hore; koowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awal
m. n. (adj.): former time; at first, before, formerly
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awal
name-m expectation, guesses, prediction; or it might be from Arabic as 'first', which means first-born baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Awal
magac loo baxsho wiilka curadka u ah qoyska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awal
(falkaabe) waqtigan la joogo ka hor; wax hore ama koowaad. Awal buu i sii yaqaannay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awal
bw: Arabic
de: former time; [atr.] at first, before, formerly
lx: awal
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: awal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaal
(Jaal-ka)
1. Dagaalka ama cayaarta ama tartanka, inta isu hiilisa oo isku barbarka ah, mid kamid ah.
2. Wadey; saaxiib; rafiiq; (ama Jaalle).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaal
m.l (-lal, m.l) 1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaal
m.l (-lal, m.l) 1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaal
m. n. team mate; comrade in arms; comrad, chum, friend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaal
-ka: (n) playmate (pleeymaat); friend ~ jaalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaal
-ka: (magac, lab, kali) saaxiibka dhabta ah ee qof leeyahay. Dh: rafiiq, jaalle, jeel. Wa: jaallayaal.
jaal -ka: (magac, lab, keli) koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaal
a: jaalle
de: team mate; comrade in arms; comrad, chum, friend
lx: jaal
pd: (-ka Pl: jaalal (ka))
ps: n4-m
key: jaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadal
(Fadal-ka)
Raadka dhulka qoda oo cagtu dhulka ku reebto kolka aad loo ordo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadal
m.l (-llo, m.dh) Raad noole oo dhulka qoday ama diisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadal
m. n. foot-print
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fadal
name-m foot-print
Carabi: name-m favor; surplus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadal
-ka: (n) the footmark or footprint of a running mammal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fadal
magac loo baxsho wiil la filayo inuu noqdo geesi taariikh muuqata reeba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadal
-ka: (magac, lab, keli) raadka dhulka qoda iyo ciidda uu ka soo tuuro orodka xooggan ee qoobleyda ama qof cagtiisu samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadal
de: foot-print
lx: fadal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadal
(Hadal-ka)
Wax uurka ku jira ama la iskula hadlayo, oo iyagoo ereyo iyo tixo ka kooban, afka laga yiraahdo, laga soo saaro, laga sheego; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadal
hadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dli) Ereyo macno leh sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadal
hadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dli) Ereyo macno leh sheegid. m.f.dh, hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadal
v. talk, speak, converse; express
hadal vl. n. talk, talking, speech, word, expression; sentence {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadal
-ka: (n) speech (ispiij); talk (took); expression (ikispareeshen)
wada hadal -ka: (n) bilateral negotiations; discussion (dis-kashen)
hadal -hadlay / hadashay: (v) speak (ispiik); talk (took); converse (kon-veersi); utter (at-er); discourse (diskoors). Ex: af Ingiriis ku hadal; speak English
ku hadlaya: (expression) speaking on behalf of
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hadal
Parola
Word
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadal
(fal) afka kala fur oo odhaah dheh; waxa ay maskaxdu ka fekertay ama uurku dareemay afka ka soo saar.
hadal -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq la garto oo ku dhisan ereyo cabbiraya waxa uurka qofka ku jira, cod la fahmo oo sida asalka ah ka soo baxa bani'aadanka si uu ugu cabbiro ujeedooyinkiisa ku xidhan deegaanka ku xeeran. Hadal waa kii kooban ee kaalin gala. Hadal intuu afkaaga ku jiruu amaanadaada yahay. Dh: odhaah. Li: aamus.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hadal
کلام
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawal
m. n. preservation, conservation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawal
de: preservation, conservation
lx: hawal
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hawal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadar
-ta: (magac, dhedig, keli) xabagta kaliga ah ee aan wax kale la socon sida mushaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafal
(Jafal-ka)
Iniinaha bunka, kolka ay dhan yihiin oo beerkii ku gudajiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafal
m.l Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafal
m. n., (mass n.): coffee that has been pounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafal
-ka: (magac, lab, keli) iniinta bunka oo ku dhex dhan qolofta mudhaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafal
cf: bun
de: coffee that has been pounded
lx: jafal
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: jafal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamal
m.l Nafley xoog iyo cayil ka muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqal
(Jaqal-ka)
Daanka hoostiisa; (ama jiqil)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqal
m.l (-llo, m.dh) Daanka dadka xaggiisa hoose. la-mid: jiqil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqal
m.l (-llo, m.dh) Daanka dadka xaggiisa hoose. la-mid: jiqil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqal
m. n. area underneath the chin; angle of the jaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqal
-ka: (n) cheek (jiik); jaw (joo) ~ daan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqal
-ka: (magac, lab, keli) daanka hoostiisa. Wa: jaqlaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqal
a: jiqil
de: area underneath the chin; angle of the jaw
lx: jaqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jaqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madal
(Mada-sha)
1. Meel dad badani joogo ama isugu yimid; shir; fagaare; madar.
2. Waqti laysu qabto; ballandhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madal
madal¹: m.dh 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. la-mid: madar².
madal²: f.g1 (-dlay, -dashay; -dli) Qof ballamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madal
m.dh 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. la-mid: madar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madal
f. n. appointment; meeting, plural, ace, assembly; reunion, convention
madal v. make an appointment
madal v. postpone, put off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madal
-madasha: (n) a public meeting place for open discussion; forum (fooram)-, court (koort) ~ gole, fagaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madal
-sha: (magac, dhedig, keli) goob shir ama ciyaar loo yimid. Ama waa la muuqdaa ama madasha lama tego. Dh: fagaare, goob, gego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadal
-ka: (magac, lab, keli) iftiin. Xoolaha nadal baa ka muuqda. Dh: nuro.
nadal -ka: (magac, lab, keli) eeg nacas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nadwa
name-f counsel; generosity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawal
(Tawal-ka)
Welwel; walbahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawal
tawal¹: m.l Welwel, walbahaar.
tawal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Walwalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawal
m. n., [abstract] worry, anxiety
tawal [inchoative] v. worry, be ~ get anxious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawal
(fal) walaac oo walbahaar. Tawal ayaan kaa dareemayaa
tawal-ka: (magac, lab, keli) welwel iyo walbahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baddal
(Baddal-ka)
Beddel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddal
baddal¹: m.l la-mid: beddelid.
baddal²: f.g1 (-alay, -ashay) la-mid: beddel².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baddal
v. change, alter, exchange; do instead of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baddal
-ay/baddashay: (n) 1. change (janji); transform, to exchange beddel. Ex: Cali waxuu baddalay magaciisii; Ali has changed his name. 2. transfer (taraanis feer); move oneself from one location or job to another; switch
baddal - ka: (n) transfer (taraanis feer); transformation ~ isbeddel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddal
(fal) shay ku doori wax kale. Shaadhkan garan iigu baddal. Dh: doori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baddal
de: change, alter, exchange; do instead of
lx: baddal
pd: (baddalay)
ps: v1=tr
see: beddel
key: baddal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badgal
-ka: (magac, lab, keli) meel loo socdey ama loo kicitimay nabad ku gaadhid. Dh: nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaal
(Dadaal-ka)
1. Degdeg, dhaqso, durba, haddiiba.
2. Kal iyo laab wax u qabad; hagarbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaal
dadaal¹: m.l 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. la-mid: dedaal¹.
dadaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. la-mid: dedaal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadaal
dadaal¹: m.l 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. la-mid: dedaal.
dadaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. m.f.dh, dadaalid. la-mid: dedaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaal
v. strive, try hard
dadaal vl. n. act of striving ~ trying very hard; speed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadaal
-ka: (n) effort (efort); struggle (istara-gel); exertion (ig-zeer-shin); endeavor (en-dhever) ~ isku-taxalujin
dadaal -ay I dadaashay: (v) strive (istaraayv); make an attempt; try hard; do one's best; endeavor (en-dhever)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DADAAL
Sforzo
Effort