jadeerwicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwicid
m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwacad
(Jadeerwacad-ka)
Jadeerwacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwacad
m.l la-mid: jadeerwacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwacad
-ka: (magac, lab, keli) dafiraad iyo diidmada wax la ogyahay.
jadeerwacad -ka: (magac, lab, keli) meel dheer u socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwac
(Jadeerwac-a)
1. Tegis meel fog la aado.
2. Oggolaad la'aan; diiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwac
jadeerwac¹: m.l 1. la-mid: jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.
jadeerwac²: f.g1 (-cay, -cday; -wici) 1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jadeerwac
m. n., [compound] journey to a distant place
jadeerwac m. n., [compound] refusal, strong disapproval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwac
-a: (magac, lab, keli) diidmada iyo. dafiraadda wax la ogyahay.
jadeerwac -a: (magac, lab, keli) socdaal dheer oo la maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwaco
f.g3 (-cday, -catay) 1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jadeerwaco
v. disapprove; refuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwaco
(fal) meel gog aad; meel dheer teg.
jadeerwaco: (fal) wax aad ogtahay dafir oo diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwaco
de: disapprove; refuse
lx: jadeerwaco
nt: jadeerwacasho (/da) [vn-f]
pd: (jadeerwacday)
ps: v3b=
key: jadeerwaco
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwac_1
de: journey to a distant place
hm: 1
lx: jadeerwac
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: jadeerwac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwac_2
de: refusal, strong disapproval
hm: 2
lx: jadeerwac
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: jadeerwac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeecid
m.f.dh eeg hadeec². la-mid: hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemid
m.f.dh eeg jadeen². la-mid: jadeemad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwacasho
(Jadeerwacasha-da)
1. Meel fog aadid.
2. Oggolaansho la'aan; wax diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwacasho
m.f.dh eeg jadeerwaco. la-mid: jadeerwacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog aadid.
jadeerwacasho-da: (magac, dhedig, keli) wax aad ogayd, dafiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecid
m.f.dh eeg addeec². la-mid: addeec¹, addeecis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelista iyo u hoggaansanaanta amar lagu faray. Dh: aqbalaad, hoggaansanaansho, oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badeecad
(Badeecad-da)
Waxa ganacsiga loogu talaggalay; (ama badeeco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badeecad
m.dh (-do, m.l) 1. la-mid: badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badeecad
m.dh (-do, m.l) 1. la-mid: badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badeecad
f. n., [collective] merchandise, goods
badeecad [feminine] n. hookah, narghile, water tobacco pipe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badeecad
-da: (n) merchandise (mar jan dhaays); commodity (ko moo diti); product (parodhakt); goods bought and sold in business badeeco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badeecad
-da (magac, dhedig, keli) alaab iyo qalab iib ahaan loo hayo ama loo soo bandhigay. Badeecad badan baa tukaanka taalla. Dh: bucsharad.
badeecad -da: (magac, dhedig, keli) qalab tubaakada lagu fuudo oo u eg jalxad afka hore tuubbo laga geliyay; weel sida ubbo yar u samaysan oo buuriga lagu nuugo. Dh: shiishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareerid
(Bareerid-da)
Qarsoodi la'aan wax u falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareerid
m.f.dh eeg bareer². la-mid: bareer¹, bareero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareerid
-da: (magac, dhedig, keli) gabbashala'aan iyo qarsoodi wax u falid, u dhihid. Dh: badheedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawricid
m.f.dh eeg gawrac². la-mid: gawricis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudeecid
m.dh la-mid: hadeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudeecid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemad
m.dh la-mid: jadeemid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeer_1
de: plant sp., used for grazing
hm: 1
lx: jadeer
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: jadeer_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeer_2
de: long journey
hm: 2
lx: jadeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jadeer_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jameecad
m.l la-mid: jameeco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jameecad
-da: (magac, dhedig, keli) xabaalo tiro badan oo dhinaca isku haya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jeenicad
nickname-m one who has a white scar/mark on the knee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirnicid
m.dh eeg jirnac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeedid
(Kadeedid-da)
Kadeed badid; silcin; saxariirin; cadaadin; jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedid
m.f.dh eeg kadeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan u gaysasho, waxyeello gaadhsiin. Kadeedid badan buu ii gaystay garaadku. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladhicid
m.f.dh eeg ladhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhicid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax ugu dhufasho; wax la dhicid; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayricid
m.dh la-mid: mayracid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddicid
m.f.dh eeg qaddac. la-mid: qaddac¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaricid
(Raaricid-da)
Laallaadid; lulasho; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricid
m.f.dh eeg raarac². la-mid: raarac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Radeebid
(Radeebid-da)
(alaab, kd.) af wax gooya ama caarad wax mudda ka bi'in; gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radeebid
m.f.dh eeg radeeb². la-mid: radeeb¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radeebid
-da: (magac, dhedig, keli) af wax gooya ama caaro wax mudda beelid. Lisinka yaa middida radeebidda lagaga bi'iyaa. Dh: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taseecid
m.f.dh eeg taseec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareerid
(Wareerid-da)
Wareer ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareerid
m.f.dh eeg wareer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareerid
-da: (magac, dhedig, keli) madax xanuun dareemid. Illaa saaka wareerid ayaan la joogi kari la'ahay.
wareerid -da: (magac, dhedig, keli) dawakh iyo wareer qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeernimo
m.dh Adeer ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeernimo
-da: (magac, dhedig, keli) aabbaha walaalkii ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweermid
m.f.dh eeg caweeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweermid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nabar gaadhay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddhicid
(Faddhicid-da)
Faddhac yeelasho: daldalooshamid; googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddhicid
m.f.dh eeg faddhac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddhicid
-da: (magac, dhedig, keli) googgo'id ama daldalooshamid; faddhac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjeerid
(Janjeerid-da)
Doc ama dhinac u qalloocid, u dheelliyid, u liicid, u leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerid
m.f.dh eeg janjeer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerid
-da: (magac, dhedig, kali) marka shey meel yaalaa dhinac u ciirayo. Dh: leexiyo. Li: toosiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawriirid
m.f.dh eeg jawriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbixid
(Jeelbixid-da)
Jeel goyn; xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixid
m.f.dh eeg jeelbax². la-mid: jeelbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixid
-da: (magac, dhedig, keli) xool laga reebay jeelkii hayey.
jeelbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof xabsi ka dhammaaday. Jeelbixiddii aabbaheed bay gabadhu dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeermi ka dhammayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermitir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeermi ka dhammayn. m.f.dh, jeermitirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeermitir
v. disinfect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitir
(fal) dabargoo ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
jeermitir -ka: (magac, lab, keli) dabargoynta ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeermitir
de: disinfect
lx: jeermitir
pd: (jeermitiray)
ps: v1=tr
key: jeermitir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirnicid
m.f.dh eeg jiirnac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedmid
m.f.dh eeg kadeedan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kadeedan noqosho; jirrabmid; saxariirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adarbiciid
m.l la-mid: adaarbiciid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaq wicid
n. phr. call sign
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaq_wicid
de: call sign
lx: baaq wicid
ps: np
key: baaq_wicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jararaacid
m.dh la-mid: halraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimirricid
m.f.dh eeg jimirric².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madarkicis
name-m gathering agitator, meeting disrupter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madarkicis
magac loo bixiyo wiil dhalashadiisu dad isku keentay oo sababtiisa lagu heshiiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeekiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kas iyo isyeelyeel fal qaldan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawaawicid
(Tawaawicid-da)
Cabasho; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawicid
m.dh eeg tawaawac².