jadeerwacasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwacasho
(Jadeerwacasha-da)
1. Meel fog aadid.
2. Oggolaansho la'aan; wax diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwacasho
m.f.dh eeg jadeerwaco. la-mid: jadeerwacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog aadid.
jadeerwacasho-da: (magac, dhedig, keli) wax aad ogayd, dafiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwaco
f.g3 (-cday, -catay) 1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jadeerwaco
v. disapprove; refuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwaco
(fal) meel gog aad; meel dheer teg.
jadeerwaco: (fal) wax aad ogtahay dafir oo diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwaco
de: disapprove; refuse
lx: jadeerwaco
nt: jadeerwacasho (/da) [vn-f]
pd: (jadeerwacday)
ps: v3b=
key: jadeerwaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeerwacad
(Jadeerwacad-ka)
Jadeerwacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwacad
m.l la-mid: jadeerwacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeerwacad
-ka: (magac, lab, keli) dafiraad iyo diidmada wax la ogyahay.
jadeerwacad -ka: (magac, lab, keli) meel dheer u socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) sabab iyo marmarsiiyo qurux badan oo lagu faani karo ka dhigasho. Dh: sheegasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwac_1
de: journey to a distant place
hm: 1
lx: jadeerwac
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: jadeerwac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jadeerwac_2
de: refusal, strong disapproval
hm: 2
lx: jadeerwac
pd: (-a)
ps: n-m-cmp
key: jadeerwac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habarwacasho
(Habarwacasha-da)
Inta xagga habarta wax laga wadaago oo dhan u qayladhaansasho; gargaar iyo hiil weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habarwacasho
m.f.dh eeg habarwaco. la-mid: habarwacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg habarwacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indheergarasho
m.dh Awood aad ku fahmi kartid fikrad ama ra'yi ama akhbaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

janjeersanaansho
m.l la-mid: janjeersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsasho
(Adeegsasha-da)
Hawl cid ku qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegsasho
m.f.dh eeg adeegso. la-mid: adeegsad, adeegsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeegsasho
vl. n. using someone to do work; engaging a worker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, hawl cayiman wax uga tarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeegsasho
a: adeegsad
de: using s.o. to do work; engaging a worker
lx: adeegsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: adeegsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacasho
m.l la-mid: diraacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawracasho
m.f.dh eeg gawraco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelagasho
m.f.dh eeg jeelago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majeerasho
(Majeerasha-da)
Kasha iyo laabta ka jeclaysasho weyn; kamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majeerasho
m.f.dh eeg majeero. la-mid: majeerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majeerasho
vl. n. attraction; longing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majeerad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majeerasho
cf: jamasho
de: attraction; longing
lx: majeerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: majeerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracasho
(Mayracasha-da)
(xoolo) Qabowga galab-gaabka iyo fiidka hore ku daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracasho
m.f.dh eeg mayraco. la-mid: mayracad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracasho
-da: (magac, dhedig, keli) daagista xooluhu maqribka ka hor meelaha reerka u dhaw ay daaqaan. Neefka mayracashada ku raagaa dugaag buu halis u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerfalasho
m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerfalasho
-beerfalashada: (n) the act of farming (faarming); cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul beer ah qodasho. Beerfalashadu waa isku fillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareersasho
m.f.dh eeg dareerso. la-mid: dareersad, dureersad, dureersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareersasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo kaxaysasho oo dibadda u soofsasho. Dh: soofsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) isqabsashada dabka intaanu aad u hurin. Dh: isqabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraarasho
m.f.dh eeg heeraaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwicid
m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecasho
-da: (magac, dhedig, kali) dadbidda wejigaaga adigoo wax fiirinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warwacsasho
(Warwacsasha-da)
Sabab iyo marmarsiinyo qurux badan ama lagu faani karo ka dhigasho, sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwacsasho
m.f.dh eeg warwacso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) war dirsasho. Kolkuu magaalada yimidba warwacasho ayuu saaxiibbadii u dirsaday. Dh: qayladhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersasho
m.f.dh eeg janjeerso. la-mid: janjeersad, janjeersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeednaansho
m.l/dh la-mid: kadeednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeednaansho
-ha: (magac, lab, keli) kadeed ku sugnaansho; silicsanaansho; jirrabnaansho; saxariirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radeebnaansho
m.l/dh la-mid: radeebnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radeebnaansho
-ha: (magac, lab, keli) gamuuxnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleendhacsasho
m.f.dh eeg caleendhacso. la-mid: caleendhacsad, caleendhaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleendhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caleen- dhacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareersanaansho
m.l/dh la-mid: wareersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageernaansho
m.l/dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageernaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg maageernaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareernaansho
m.l/dh la-mid: shareernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareernaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la shareeray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageernaansho
m.l/dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageernaansho
-ha: (magac, lab, keli) hareeraha ka soo oodnaansho oo soo wareegsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsanaansho
m.l la-mid: jalleecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageersanaansho
m.l/dh la-mid: maageeranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageersanaansho
m.l/dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan ka fogayn, kolba dhinac kaga imaatin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerasho
m.dh la-mid: asheerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayacasho
m.f.dh eeg baayoco. la-mid: baayacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacasho
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha shayga weydiisasho oo ka gorgortamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) badawnimadiisa ku qiyaamayn. Dh: badawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalasho
m.f.dh la-mid: beddelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku doorsasho. Daawada haddaad farmasiga kala baxdo, baddalasho laguuma oggola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bargarasho
m.f.dh eeg bargaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargarasho
-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo barjacayl. Sida loo kala bargarasho fiican yahay ayaa loo kala dhaqasho fiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalacasho
(Daalacasha-da)
1. Wax dadka kale ka qarsoon, daawasho.
2. Kitaab ama wax la mid ah, iyadoo la aammusan yahay, isha iyo uurka ka akhrisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalacasho
m.f.dh eeg daalaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacasho
-da: (magac, dhedig, keli) isha oo lagaga bogto akhris aamusnaan ah. Duruusta waxaa lagu fahmaa daalacashada badan. Dh: raacasho.
daalacasho -da: (magac, dhedig, keli) wax dadka kale qarsoon daawashadii. Daalacasho ayaan xalay ku arkay sheekhii dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeebasho
(Dabeebasha-da)
Dood ama dabuub jeedin; hadlid; baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeebasho
m.f.dh eeg dabeebo. la-mid: dabeebad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) dood ama dabuub jeedin. Dh: hadlid; baanid; dabeebad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deganaasho
-ha: (magac, lab, keli) eeg deganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewersasho
m.dh la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewersasho
-da: (magac, dhedig, keli) sadaqaysasho oo kolba qof gacanta hoos dhigasho. Ilaahoow dewersasho ha na badin! Dh: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabacasho
-da: (magac, dhedig, keli) beerka oo dhulka la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duraamasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo is jilcini ku jirto. Dh: durraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbarasho
vl. n., [compound] learning to write; literacy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) barashada sida wax loo qoro ama loo akhriyo. Buuggani waa kii farbarashada. Dh: feegar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farbarasho
de: learning to write; literacy
lx: farbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: farbarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeragashi
feeragashi¹: m.l (-iyo, m.dh) Funaanad;garan ama shaati.
feeragashi²: m.dh Derin, raar iyo wixi lamida oo weyn oo aqal Soomaaliga labada docood ama mid laga geliyo marka la dhisayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeragashi
m.l (-iyo, m.dh) Funaanad;garan ama shaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeragashi
-ga: (magac, lab, keli) garan, shaadhka laga hoos gashado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku hareeraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocasho
m.f.dh eeg garooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto kolba dhan ka cunis. Dh: dhinacasasho; baalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowracasho
m.f.dh eeg gowraco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafeefasho
m.f.dh eeg hafeefo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafeefasho
-da: (magac, dhedig, keli) cudurdaar horraysiisasho. Dh: afeefasho.