jadeemid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemid
m.f.dh eeg jadeen². la-mid: jadeemad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeemad
m.dh la-mid: jadeemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedmid
m.f.dh eeg kadeedan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kadeedan noqosho; jirrabmid; saxariirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeemid
-da: (magac, dhedig, kali) wax si siman u kala dhambalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegid
m.dh eeg adeeg².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adeegid
Prestazione
To render a service
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlqabasho cid kale wax loogu taro. Adeegidda dadka waaweyn Ilaah baa loogu dhowaadaa. Dh: adeegis, xoojin, midiidimid, qabbaanid, shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareemid
(Dareemid-da)
Maanka ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareemid
m.f.dh eeg dareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareemid
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo aan la arkayn in wax jiraan maanka ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeecid
m.f.dh eeg hadeec². la-mid: hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaademid
m.f.dh eeg jadeen².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeedid
(Kadeedid-da)
Kadeed badid; silcin; saxariirin; cadaadin; jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedid
m.f.dh eeg kadeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan u gaysasho, waxyeello gaadhsiin. Kadeedid badan buu ii gaystay garaadku. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qareemid
(Qareemid-da)
1. Qareen noqosho.
2. Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qareemid
m.f.dh eeg qareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qareemid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale qareen u noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Radeebid
(Radeebid-da)
(alaab, kd.) af wax gooya ama caarad wax mudda ka bi'in; gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radeebid
m.f.dh eeg radeeb². la-mid: radeeb¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radeebid
-da: (magac, dhedig, keli) af wax gooya ama caaro wax mudda beelid. Lisinka yaa middida radeebidda lagaga bi'iyaa. Dh: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareemid
(Wareemid-da)
Waran ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareemid
m.f.dh eeg wareen². la-mid: warmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareemid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af fiigan leh ku mudid. Maroodi wareemid laguma dilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweermid
m.f.dh eeg caweeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweermid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nabar gaadhay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeysmid
m.f.dh eeg hadeysan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjeerid
(Janjeerid-da)
Doc ama dhinac u qalloocid, u dheelliyid, u liicid, u leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerid
m.f.dh eeg janjeer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerid
-da: (magac, dhedig, kali) marka shey meel yaalaa dhinac u ciirayo. Dh: leexiyo. Li: toosiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegmid
m.f.dh eeg maleegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegmid
-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwicid
m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demid
m.dh la-mid: damid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemi
f.g2 (-iyay, -isay) Aleen ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badeed
Bad lug ku leh; bad ka soo jeedey; bad ku saabsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badeed
Pelaglc
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badeed
n. phr., genetive: of the sea, having to do with the sea
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badeed
de: of the sea, having to do with the sea = bad + -eed
lx: badeed
ps: np-gen
key: badeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedmid
m.f.dh eeg dedan². la-mid: dadmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deemin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay la kululaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeen
jadeen¹: m.l 1. Cida bahallada qaarkood sida libaaxa iyo wixi lamida. 2. Reen.
jadeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Bahal libaax iyo wixi lamida reemid. 2. Nafley taahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeen
-ka: (magac, lab, keli) harraadka xoolaha guba markay kalkoodii dhaafaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jadeer
(Jadeer-ka)
1. Geed naqkubbax ah, oo xooluhu daaqaan.
2. Meel dheer aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeer
m.l 1. (botani) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jadeer
m.l 1. Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jadeer
m. n., [collective] plant species, used for grazing
jadeer m. n. long journey
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jadeer
name-m plant sp., used for grazing; long journey. Lit: born at an environment filled with such a plant sp., or born during a long trek
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jadeer
magac loo baxsho wiil ku dhex dhashay deegaan dhir leh ama xilli socoto dheer lagu jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad geedaha naqa ku baxa ka mid ah oo ay xooluhu daaqaan.
jadeer -ka: (magac, lab, keli) socdaal meel dheer loo tego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeebid
(Jeebid-da)
1. Jeexid; goyn; dillaacin.
2. (ka jeebid) denbi ama gabood la falay, in le'eg oo ciqaab ah, gaarsiin; eedsiin; ka goyn; ka gudid; ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebid
m.f.dh eeg jeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebid
-da: (magac, dhedig, keli) qof labada gacmood ba ka xidhid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jeebid
Jarid, xalluufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedid
(Jeedid-da)
1. Meel u socosho; anbabbaxsanaan.
2. (u jeedid) wax indhaha ku hayn; arkid; fiirin.
3. (sii jeedid) dib u jeeda; qofka hadla haya dhabarka u duwa haya.
4. (soo jeedid) a) Xagga laga xigo ama laga hadla hayo u jeeda. b) seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedid
m.f.dh eeg jeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u jalleecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelid
(Jeelid-da)
Wax u jeel qabid; wax xiisayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelid
m.f.dh jeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan u qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexid
(Jeexid-da)
Dillaacin; kalaggoyn; dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexid
m.f.dh eeg jeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexid
-da: (magac, dhedig, kali) in ka jeexis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeed
(Kadeed-ka)
Dhib; saxariir; silic; rafaad; cadaadis; jirrab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeed
kadeed¹: m.l Dhibaato; jirrab.
kadeed²: f.g1 (-day,-dday) Wax aad u dhibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadeed
kadeed¹: m.l Dhibaato; jirrab.
kadeed²: f.g1 (-day, -dday) Wax aad u dhibid. m.f.dh, kadeedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadeed
m. n. difficulty, hardship, hard time; violence; oppression, repression
kadeed v. make trouble; pester, put pressure on someone; exploit, oppress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadeed
-ka: (n) stress (istarees); difficulty (difi-kalti)-, distress (dis-tarees) ~ dhibaato; culaab, culays, —kadeed -ay: (v) cause distress or trouble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeed
-ka: (magac, lab, keli) wax qofka cidhiidhi geliya; wax uu ruuxu dhibsado oo uunan marnaba raaxo iyo nefis dareemin inta uu ku jiro. Kadeed buu baday kolkuu guursaday gabadha. Dh: hoog, hankaag, dhib, dhibaato, waxyeello, rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reemid
(Reemid-da)
Reen soo saarid, ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reemid
m.f.dh eeg reen². la-mid: riimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah bixin; sida hal irmaan ah u ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemid
(Seemid-da)
1. Wax seemman ka dhigid.
2. (cayaar orod iyo istaabasho ku dhisan) taabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seemid
m.f.dh eeg seen².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seemid
Approximation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seemid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar inta goobaabin dhulka lagu sameeyo, oo labo kooxood laysu qaybiyo hadba qolo goobaabinta ilaaliso, co qofkii kusoo dhowaada ay madaxa ka taabtaan.
seemid -da: (magac, dhedig, keli) wax seemman ka dhigid; dhukurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addimid
m.f.dh eeg addin². la-mid: addimaad, addin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadda faralka ah dadka ugu baaqid. Dh: eedaamid, aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegad
-ka: (magac, lab, keli) hawlqabsad qofku si gaar ah naftiisa wax ugu taro. Dh: shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemin
m.f.dh eeg aleemi. la-mid: aleemis.