jaceyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaceyl
-ka: (magac, lab, keli) dareen qalbiga laga dareemo oo xambaarsan doonis iyo jeclaansho qof ama wax aanay naftaadu ka maarmayn. Dh: jacayl. Li: naceyb,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacayl
(Jacayl-ka)
Rabitin weyn oo wax ama qof loo qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacayl
m.l Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacayl
m. n. love, desire, lust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jacayl
-ka: (n) love (Zuav); like (laayk); affection (a-fak shin), devotion (di-voowshin), fondness (foon-nes), infatuation (infaaju-weey-shin); endearment (indiyar-ment) ~ jecayl, caashaq, cishqi -ga, xubbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacayl
-ka: (magac, lab, keli) dareen kalgacal iyo rabitaan oo qof ama wax loo qabo.
jacayl-ka: (magac, lab, keli) rabitaan weyn oo qof ama wax loo qabo. Dh: kalgacal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jacayl
a: jaceyl ~ jecayl
de: love, desire, lust
lx: jacayl
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jacayl
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeceyl
m. n. love, desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeceyl
-ka: (magac, lab, keli) eeg jecayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeceyl
a: jacayl
de: love, desire
lx: jeceyl
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jeceyl
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeceyl
عِشْقٍ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caresse
caresse, n.f. - taabasho jaceyl ku jiro (dhunkasho); salaax
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
madrigal
madrigal, n.m. - Gabay gaaban oo jaceyl ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabel
Buur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jecel
Jacayl wax u qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jecel
f.g4 (-claa, -clayd) Wax, wax aad u raba ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jecel
f.g4 (-claa, -clayd) Wax, wax aad u raba ahaansho. m.f.dh, jeclaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jecel
[adjective] loving, liking, fond, in love; keen, enthusiastic about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jecel
-ahay / jeceshaay: (v) likes to (laaykis tu); loves to (laavis tu)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jecel
de: loving, liking, fond, in love; keen, enthusiastic about
lx: jecel
pd: (jeclaa)
ps: adj
xv: Midabkan maad jeceshahay? 'Do you like this color?; Opp: neceb
key: jecel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacel
m. n. bastard, illegitimate child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacel
-ka: (n) bastard (baas terdh); illegitimate child (ili-ji-timeeyt jeeyldh) ~ wacal, garac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacel
de: bastard, illegitimate child
initial: w
lx: wacel
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n2-m; n1-f
see: wacal
key: wacel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl
m.dh (-lo, m.l) (daawo) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. la-mid: dabayl¹ (5).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeyl
m.dh (-lo, m.l) (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. la-mid: dabayl¹: (5).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabeyl
Wind
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jackal
/jaakal/ (n) yey (yeydu waa xayawaan eyga shabbahda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
jackal
n., dawaca dulmadow ah, golli, -di, golli waraabays, -ki, xoor, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaleel
-ka: (magac, lab, keli) jikaar ama muran, jaleelka kadaa dadka, jikaarka. Dh; dood.
jaleel-sha: (magac, dhedig, keli) geednagaadh xooluhu aad u daaqaan oo midho leh iniino oon reeba; geed dawaa'id cudurro badan lagu daaweeyo; kana mid ah dhirta la isku dacar faalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jecayl
m.l la-mid: jacayl.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jecayl
-ka: (n) love (laav); liking (laayking); affection (afak-shin), devotion (divoowshin), fondness (foonnes), infatuation (in faaju-weey-shin); endearment (in-diyar-ment) ~ jacayl, caashaq, cishqi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jecayl
-ka: (magac, lab, keli) rabitaan gaar ah ee lab iyo dhedig isku qabaan. Dh: rabid. Li: nacayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacleel
f.g1 (-eelay, -eeshay) Si gudub ah wax u eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacleel
f.g1 (-eelay, -eeshay) Si gudub ah wax u eegid. m.f.dh, bacleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacweyn
m.f.dh eeg dacwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ashkato ka gudbin oo eed ka sheegasho. Dh: ashkatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facweyn
(tilmaame) qof ama shey da' weyn; qof ama wax gu' weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyn
m.f.dh eeg jaabee. la-mid: jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeys
m.l la-mid: jaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JACACLE
Premna resinosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadeeye
-ha: (magac, lab, keli) natiijada ka soo baxda isla falgalka labo xisaabood iyo in ka badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaheeye
-ha: (magac, lab, keli) qalab tilamaama jahada oo lagu hago maraakiibta iwm. Jaheeye ayaan ku hagay markabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaleelo
(Jaleela-da)
Geed yar oo aan qodax lahayn oo caleentiisa laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaleelo
m.dh (botani) Geedgaab aan qodax lahayn oo caleentiisa daawo ahaan loo isticmaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaleelo
m.dh (botani) Geedgaab aan qodax lahayn oo caleentiisa daawo ahaan loo isticmaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaleelo
f. n., [collective] medicinal plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JALEELO
Cassia ellisae 001
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JALEELO
(Chelleke) N Kelleronia revoilii (Franch) Chiov. Zygophyllaceae.
N Periploca somaliensis Browicz. Asclepiadaceae.
C Crotalaria leptocarpa Balf.F. Papilionaceae.
S, C Gnidia latifolia (Oliv.)Gilg Thymelaeaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaleelo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cagaar xooluhu aad u daagaan oo saara midho leh iniino oon reeba; geed dawaa'id cudurro badan lagu daaweeyo; kana mid ah dhirta la isku dacar faalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaleelo
de: medicinal plant sp.
lx: jaleelo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: jaleelo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jambeel
name-m shield, defense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jambeel
magac loo baxsho wiil lagu metaalay gaashaan oo looga jeedo geesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jambeel
-ka: (magac, lab, keli) jaad jiifaaga ka mid ah oo dhegadheeraha ka yara weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jameyka
pr. n., loc. Jamaica
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Jameyka
(n) Jamaica (jamayka); Kingston is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jameyka
de: Jamaica
lx: Jameyka
ps: n0-loc-f
key: Jameyka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamleyn
m.dh la-mid: jimleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan isku darid. Dh: jimleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamleys
m.l la-mid: jimleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamleys
-ka: (magac, lab, keli) eeg jamleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janbeel
m.l Bahal dabacadeeyaha la eg oo ku nool dhulka buuraleyda ah oo cuna sagaarada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janbeel
-ka: (magac, lab, keli) guduudanaha kiisa yar. Janbeel xumi sagaarada hadduu jeexa ka waraabsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarcayn
(Jarcayn-ta)
1. Qarqaryo darteed ama xanuun la gariirid, jarayn, burunjiyeyn.
2. (ari) cadho ka dhayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarcayn
m.f.dh eeg jarcee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarcayn
-ta: (n) shiver (shivar) ~ gargariir ~ jarayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) adhi cadho ka dhayid.
jarcayn -ta: (magac, dhedig, keli) harag cadceedda u dhigid oo jilcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarcays
-ka: (magac, lab, keli) eeg jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawleyn
m.f.dh eeg jawlee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jacayl-ka
amour.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurjacayl
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, uurka ka jeclaan.