jabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabsi
m.l la-mid: jabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabi
v. break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabi
-yey / say: (v) 1. break (bareek). 2. break or disregard the law or promise; violate (vaay-leeyt) 3. cause to break down (bareek dhaawn) ~ jebi. Ex: gaarigii baa iga jabay; my car had broken-down 4. defeat (difiit); loss (loos). Ex: ciidankii waa la jabiyey; the army was defeated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabi
(fal) hoos uga dhig sicirkii hore. Li: qaaliyee.
jabi: (fal) laf iyo wixii la mid ah, kala goo oo labo fallidh ka kala dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabi
de: break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
lx: jabi
pd: (jabiyey)
ps: v2a=tr
see: jebi
key: jabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsi
(Cabsi-da)
Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh, kd., argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; aragaggax, biqid, welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsi
m.dh Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iyo wixi lamida, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsi
m.dh Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iyo wixi lamida, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsi
f. n. fear, fright, dread, paranoia; danger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsi
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka halis kugu soo fool leh. Dh: baqasho, biqid, welwel, baqdin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsi
de: fear, fright, dread, paranoia; danger
lx: cabsi
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cabsi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cabsi
خوف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg habsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabni
-da: (magac, dhedig, keli) hoosaynta qiimaha walax ama badeecad.
jabni-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel ama qayb ka go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabqi
v. collect together, gather up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqi
(fal) shanqadh ka dhawaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabqi
de: collect together, gather up
lx: jabqi
pd: (jabqiyey)
ps: v2a=
key: jabqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Adke qayb ka goosasho (ul, caday iyo wixi lamida). 2. Adke wax ku dhex jira ka baxsasho (ukun, qare, laf iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Adke qayb ka goosasho (ul, caday iyo wixi lamida). 2. Adke wax ku dhex jira ka baxsasho (ukun, qare, laf iyo wixi lamida). m.f.dh, jabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabso
v. break for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabso
-jabsaday / jabsatay: (v) have a piece; break a piece off for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabso
(fal) meel jebi oo wixii yaallay xad.
jabso: (fal) cid kale, harawso. Dh: harowso.
jabso: (fal) in ama qayb ka qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabso
de: break for oneself
lx: jabso
pd: (jabsaday)
ps: v3a=
key: jabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabti
(Jabti-da)
Jabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabti
m.dh la-mid: jabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabti
f. n./m, [collective] gonorrhea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabti
-ga: (n) gonorrhoea (ganoriya) ~ jabto, cudurka jabtada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabti
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca xubnaha kaadimareenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabti
de: gonorrhea
lx: jabti
pd: (-da ~ -ga)
ps: n0-f/m-col
key: jabti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabsi
m.l la-mid: kabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabsi
(Nabsi-ga)
Qofka wanaag loo galay ka abaaldhaca, ama wax laysku ogaa oo lagu heshiiyey ku ballan fura, hoogga iyo ba'a qabsada oo abaalmariska u ah; dhif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabsi
nabsi¹: m.l 1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.
nabsi²: f.g 2 (-iyay, -isay) Nabsi ku reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabsi
m.l 1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabsi
m. n., [abstract] recompense, divine retribution ~ justice, nemesis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabsi
-ga: (n) retributive justice; goddess vengeance or retribution; nemesis (me-masis) ~ namsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabsi
-ga: (magac, lab, keli) ciqaab iyo dhibaato xagga Alle ah oo qof dulmi badan galay ku dhacda. Nabsi ha galin ha lagaa galee. Dh: dhif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabsi
cf: caaqilo, daa'iro
de: recompense, divine retribution ~ justice, nemesis
lx: nabsi
pd: (-ga)
ps: n-m-abs
key: nabsi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabsi
vl. n. act of doing; catching ~ getting for oneself; grabbing, holding; seizure, capture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qabsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabsi
de: act of doing; catching ~ getting for oneself; grabbing, holding; seizure, capture
lx: qabsi
nt: qabsad (ka) [vn-m], qabsasho (/da) [vn-f]
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: qabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabsi
(Xabsi-ga)
Xabbis; xarig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabsi
m.l la-mid: xabbis¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabsi
m.l la-mid: xabbis¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabsi
m. n. prison, jail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabsi
-ga: (magac, lab, keli) meel dadka qalad sameeya ciqaab ahaan loogu xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabsi
de: prison, jail
initial: x
lx: xabsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
see: xabbis
key: xabsi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xabsi
سجن، حَبْس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabsasho
m.f.dh eeg jabso. la-mid: jabsad, jabsi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kneel
/niil/ (v) jilba-jabsi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guri
-ga: (n) house (haaws), residence (rezidensi), home (hoom); flat (falaat); apartment (apaartment) ~ aqal, hooy
guri ka saarid -da: (n) eviction (ivikshin)
guri jabsi -ga: (n) burglary (boor galari)
guriga khamaar: (n) gambling house; casino (kasiinow)
guriga xanaanada: (n) nursing home - gaar ahaan dadka duqoobey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftay
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftee
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee. Baalxooftee haddaad banaankaa mari weydo boodhkaad galgalan. Dh: hanjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harowsi
-ga: (magac, lab, keli) qof waxaanu aqoon lagu jabsaday. Dh: jabsi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gênuflexion
gênuflexion, n.f. - jilbo jabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsi
-ga: (magac, lab, keli) agab urursi; qalab diyaarsi. Weli aqalkii uma wareegine agabsi uun baan ku jirnaa. Dh: agab'urursi.
agabsi-ga: (magac, lab, keli) waxtar ka doonis; ku ciirsasho; ku eerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsi
m.l la-mid: ajarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarsi
-ga: (magac, lab, keli) samafalid, iyada oo ajar Ilaahay laga doonayo.
ajarsi -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) cid kale, dar Alle wax u sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabsi
(Baabsi-ga)
Baadi cid kale leedahay oo, xadid darteed, loo suntado, loo summadrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsi
m.l la-mid: baabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabsi
m. n. stray animal belonging to someone else that is stolen and rebranded; bad example (leading someone astray)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo cid kale oo aanad lahayn oo aad kas ugu darsato kuwaaga. Baabsiga iyo boolida joojiya. Dh: boob, dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabsi
de: stray animal belonging to s.o. else that is stolen and rebranded; [fig.] bad example (leading s.o. astray)
lx: baabsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: baabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid. m.f.dh, cabsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin. m.f.dh, cąbsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsii
v. frighten, scare
cabsii v.caus: make someone drink, give something to drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsii
-yey say: (v) cause someone to drink; drive someone to drink
cabsii -yay say: (v) frighten (fraayten); alarm (a-laarm); intimidate (intimadeyt); scare (iskeer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabsii
(fal) waxar kolba ri' la jaqsii mid kale. Doog waynihii baad ri' xuna iga dabsiiseene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabsi
-ga: (magac, lab, keli) si maalindhaaf ah biyo u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsi
(Gaabsi-ga)
Guur kummeelgaar ah, aan sharci ku dhisnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsi
m.l Galmo aan xalaal ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsi
vl. n. love affair, adultery, living together, temporary marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsi
-ga: (n) affair (affeer), love affair; preposition (propasishin), adultery (a dhal teri). Ex: ma guur baa rabtaa mase gaabsi? do you want a marriage or an affair [love affair]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsi
-ga: (magac, lab, keli) xidhiidh xodxodasho oo nin iyo naag aanan isguursan dhexmara. Gaabsi guur baa ka roon. Dh: sino, qaraaf.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hadal ka yaraysi; xidhiidh u jaris. Caasha ka gaabsiga wax ay ku dhaanti ma jiro.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hu' kaa dheer in ka jarid oo isle'ekaysiin. Guntiga gaabsiga ka daa oo dheerayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsi
de: love affair, adultery, living together, temporary marriage
lx: gaabsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: gaabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsii
-yey / say: (v) hug (haag); embrace (embareey); cuddle (kadhel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsii
(fal) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsii
de: hug, embrace
lx: habsii
pd: (habsiiyey)
ps: v2a=
key: habsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsi
(Haybsi-ga)
Haybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybsi
m.l la-mid: haybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haybsi
vl. n. asking ~ inquiring about (someone ~ his/her background)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haybsi
-ga: (n) inquiry (inkuwaayri); query (kuweeri); inquisition (inkuwizishen); usually an inquiry about one's origin or tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, haybsasho; haybsi; haybsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haybsi
a: haybsad (ka) [vn2-m], haybsasho [vn6-f]
de: asking ~ inquiring about (s.o. ~ his/her background)
lx: haybsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: haybsi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabiso
-jabisada: (n) python (paay-thoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabiso
-da: (magic, dhedig, kali) xamaarato sida bayda oo kale ah oo is buuxisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqid
m.dh la-mid: yabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo arrin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabqin
(Jabqin-ta)
Waxyaalo badan oo yaryar isku dardarid, meel isugu keenid, biirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqin
m.f.dh eeg jabqi. la-mid: jabqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qasid iyo laaqidda arrin iyo talo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqis
m.l la-mid: jabqin.