jabqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabqi
v. collect together, gather up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqi
(fal) shanqadh ka dhawaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabqi
de: collect together, gather up
lx: jabqi
pd: (jabqiyey)
ps: v2a=
key: jabqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqid
m.dh la-mid: yabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo arrin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabqin
(Jabqin-ta)
Waxyaalo badan oo yaryar isku dardarid, meel isugu keenid, biirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqin
m.f.dh eeg jabqi. la-mid: jabqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qasid iyo laaqidda arrin iyo talo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqis
m.l la-mid: jabqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: jebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabi
v. break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabi
-yey / say: (v) 1. break (bareek). 2. break or disregard the law or promise; violate (vaay-leeyt) 3. cause to break down (bareek dhaawn) ~ jebi. Ex: gaarigii baa iga jabay; my car had broken-down 4. defeat (difiit); loss (loos). Ex: ciidankii waa la jabiyey; the army was defeated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabi
(fal) hoos uga dhig sicirkii hore. Li: qaaliyee.
jabi: (fal) laf iyo wixii la mid ah, kala goo oo labo fallidh ka kala dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabi
de: break; annul; violate; interrupt; render useless; defeat
lx: jabi
pd: (jabiyey)
ps: v2a=tr
see: jebi
key: jabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabni
-da: (magac, dhedig, keli) hoosaynta qiimaha walax ama badeecad.
jabni-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel ama qayb ka go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabsi
m.l la-mid: jabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabti
(Jabti-da)
Jabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabti
m.dh la-mid: jabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabti
f. n./m, [collective] gonorrhea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabti
-ga: (n) gonorrhoea (ganoriya) ~ jabto, cudurka jabtada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabti
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca xubnaha kaadimareenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabti
de: gonorrhea
lx: jabti
pd: (-da ~ -ga)
ps: n0-f/m-col
key: jabti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarqi
-ga: (magac, lab, keli) maro dhamaatay oo hun ah. Wa: jarqooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabqid
m.f.dh eeg dabaq². la-mid: dabbaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabqi
f.g2 (-iyay, -isay) Cayaar, hees iyo wixi lamida dhabaq gelin. la-mid: dhabji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabqi
v. disturb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabqi
-yey/say: (v) 1. disturb (dis-teerb); put out of tempo or rhythm; especially while dancing or playing music ~ foorteembo samee. 2. heckle (he-kal); badger (baa-jer) ~ qas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabqi
(fal) ciyaarta la tumayo jaanta iyo sacabka ka badhqi. Dh: barqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabqi
de: disturb
lx: dhabqi
pd: (dhabqiyey)
ps: v2a=
key: dhabqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabaqo
-da: (magac, dhedig, keli) iin carabka ku dhacada oo qofku aanu erayada qaar si fiican u wada odhan. Dh: carrabla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yabqid
(Yabqid-da)
Hadal badan oo aan milgo lahayn kol ku wada hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabqid
m.f.dh eeg yabaq². la-mid: jabqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yabqid
vl. n. din, chatter, babble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabqid
-da: (magac, dhedig, keli) buugid oo hadal aan milgo lahayn ku wada hadlid. Dad aan nidaam lahayn ayaa yabqid lagu yagaan. Dh: bulaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yabqid
bw: jabqid
de: din, chatter, babble
initial: y
lx: yabqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: yabaq
key: yabqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abi
-da: (magac, dhedig, keli) madheerta haweenayda dhashay iyo wixii kale ee weheliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley gaajo iyo harraad badan badid. la-mid: caqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqi
v. starve someone to death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); cause to suffer extreme lack of food and water ~ caqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqi
(fal) cunnaxumi u dhimo. Dh: caqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqi
a: caqi
de: starve s.o. to death
lx: aqi
pd: (aqiyey)
ps: v2a=tr
key: aqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jab
(Jab-ka)
1. Wax dhan cad ka jabay; in; cad; qayb; gabal; qaar.
2. Dhul go'ay gebiga dheer oo ka samaysma; biyadhac; jar.
3. Guuldarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jab
jab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iyo wixi lamida kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
jab²: m.l (-bab, m.l) (daawo) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
jab³: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iyo wixi lamida guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iyo wixi lamida dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jab
jab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iyo wixi lamida kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
jab²: m.l (-bab, m.l) (daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah. m.f.dh, jabid.
jab³: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iyo wixi lamida guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iyo wixi lamida dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid. m.f.dh, jabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jab
Chip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jab
v. break, get broken
jab m. n. part, sliver, fragment; fraction; precipice; defeat, rout
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jab
/jaab/ (v) 1. ku mudid (juq ku siin) (n) 2. irbad ku durid (durmo) e.g. She jabbed the knife into the fruit.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jab
-ka: (n) 1. fragment(fraag-ment); piece (piis) ~ jeex, qurub. 2. defeat (difiif); loss (loos)
jab -ay / tay: (v) break (bareek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jab
-ka: (magac, lab, kali) col laga xoog batay oo laga golroonaaday. Dh: gax. Li: guul.
jab -ka: (magac, lab, kali) kala boodka lafaha.
jab -ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah walax la jejebiyay ama la qaybiyay. Dh: qayb, badh, gabal.
jab -ka: (magac, lab, keli) daawo, jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaq
jaq¹: m.l la-mid: jal¹ (1).
jaq²: f.g1 (-qay, -qday) Wax nuugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaq
f.g1 (-qay, -qday) Wax nuugid. m.f.dh, jaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaq
v. suck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaq
-ay / day: (v) suck (sak) ~ nuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaq
(fal) afka shay dareere ah oo meel ku jira ku nuug. Dh: nuug, muudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaq
de: suck
lx: jaq
pd: (jaqay)
ps: v1=tr
key: jaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabi
m.l Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabi
m. n. provocation, offense, insult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabi
-ga: (magac, lab, keli) arrin aan bannaanayn oo qof lagula kaco. Ma la eeday waatii Afyare aabi loo dilay e. Nimankii ikhwaankii jaree aabiga u laayey. Dh: adyad, daandaansi, gardarrado, maagid.
aabi: (tilmaame) nin karmeed geesi ah. Waxaan aabiyoow, ku oonbixi lahaa, anoo ooridaada noqdoo ubad dhala. Dh: geesi, xariif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabi
de: provocation, offense, insult
lx: aabi
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
syn: gardarro, maag
key: aabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. la-mid: ahbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. m.f.dh, abhin. la-mid: ahbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abhi
v. plead, beseech, admonish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abhi
-yey / say: (v) warn (woon); caution (kooshin); forewarn (foor-woon) ~ u dig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abhi
(fal) 'qof' Alle kaga cabsii oo ka hoosgal. Iska abhi bal in uu kaa joogsado, waa nin cadhadu saaqdaye oo 'waar Allahaa Alle ma yahay!' ku dheh.
abhi: (fal) 'awr' hal abasaxaysa dhood. Dh: abaahi, dhood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abhi
a: ahbi
de: plead, beseech, admonish
lx: abhi
pd: (abhiyey)
ps: v2a=
key: abhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abqo
: fruit of the acacia tree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ABQO
(Abgo)
S Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
May Terminalia brownii Fresen. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqo
-da: (magacwadareed) midho kiish yar ku dhex taxan oo ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Abqada ka baxday geedihii ayaa arladii qarisay. Dh: dhaameel, dheemaal, qabco, geydhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abqo
cf: aqab, qurac
de: fruit of the acacia tree
lx: abqo
pd: (/da)
ps: m6-f
key: abqo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abri
abri, n.m. - hooy; meel loo hoydo; aqal; guri; min
être à l'abri - ammaan leh; lagu nabadgeli karo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abti
(Abti-ga)
Hooyada walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abti
m. n. maternal uncle, mother's brother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abti
-ga: (n) uncle (ankal); the brother of one's mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abti
-ga: (magac, lab, keli) hooyo walaalkeed. Will aabbo loo waayey abti looma waayo. Wa: abtiyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abti
cf: aaye ~ aayo, adeer, habaryar
de: maternal uncle, mother's brother
lx: abti
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: abti
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abti
خال
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyi
(fal) curi ama abuur. Fikrad cusub abi. Dh: curi, abuur.
abyi: (fal) arrin ama wax qabyo ah dhammaystir. Abyi aqalka aad dhismihiisa billawday. Dh: idlee, gabagabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqi
v. starve someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqi
-yey / say: (v) starve (istaarv); make someone hungry and thirsty ~ aqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqi
(fal) biyo uu cabbo u diid oo harraad ha ku engego. Dh: oomi, harraadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqi
a: aqi
de: starve s.o.
lx: caqi
pd: (caqiyey)
ps: v2a=tr
key: caqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fiqi².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faqi
nickname-unisex he/she who consults secretly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqi
-yey / say: (v) say or tell privately or secretly; whisper (wispar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqi
-ga: (magac, lab, keli) qof diinta aad u bartay. Faqi tolkii kama jannatago. Dh: fiqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabi
m. n. all (over), the whole of, entire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabi
-ba: (adj) entire (in taayer); all (ool); whole (hool) ~ gebi. Ex: wayna dhibidoontaa gabigeenba; it will bother all of us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabi
-ga: (magac, lab, keli) tog ama laag qararka ku hareeraysan ee laga tallaabi karin malko laga helo mooyaane. Dh: gebi, qaw, jar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabi
a: gebi
de: all (over), the whole of, entire
lx: gabi
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: gabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habi
(Habi-ga)
Fiirada wax lagu kala garto; laab; qalbi; caqli; maan.