jabi'oga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabi'oga
-ha: (magac, lab, keli) geed cawsaad ka baxa meelo badan oo guduudan xooluhu aad u jecel yihiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabi-og
-aa: (adj) fragile (faraajayl), delicate (dalekeeyt), breakable, brittle ~ burburi-og
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabiso
-jabisada: (n) python (paay-thoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabiso
-da: (magic, dhedig, kali) xamaarato sida bayda oo kale ah oo is buuxisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab'ogaa
(Ab'ogaa-ga)
Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal-ka-imaad ahayn; waddani (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ab'ogaa
m.l.u Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ab'ogaa
m.l.u Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn. Tusaale: Soomaalidii hore waxay ahayd ab'ogaa iyo abaarikeentay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ab'ogaa
-ga: (magacwadareed) dadka deegaanka aan ku cusbayn hore ugu noolaa; aan gadaal ka'imad ahayn. Reerkayagu waa ab'ogaa weligii deegaankan ku dhaqnaa. Dh: waddani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanrogad
-ka: (magac, lab, kali) baxsad and hayn weyday waxa dhacaya. Dh: baxsad. Li: mitid.