jaanjaamis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamis
-ka: (magac, lab, kali) cid kale, qas iyo wareer ku ridid. Dh: wareerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaami
(fal) qas oo ka dhig qof aan toosnayn oo wareersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof wareersan u noolaansho oo dhaqan sillanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) tabarbeelis ku ridis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaanjaan
-ah: (n) stupid (istupidh) person; fool (fuul); silly (sili) person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanjaan
-ka: (magac, lab, kali) qof aan hore iyo dib u socod lahayn oo wareersan. Dh: naannaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iyo wixi lamida cid ku wareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaami
v. make someone dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaami
(fal) intaad wax ku dhufato wareeri oo tabarbeel ku rid. Feedh ayuu ninku odayga ku daandaamiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaami
de: make s.o. dizzy
lx: daandaami
pd: (daandaamiyey)
ps: v2a=tr
key: daandaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamis
m.l la-mid: gaadaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanqaami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid. m.f.dh, qaanqaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanqaami
v. make preparations, organize, arrange, prepare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaami
(fal) hawl diyaari: wax dhici doona qabanqaabi. Saaxiibbadaa xafladda la qaanqaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanqaami
de: make preparations, organize, arrange, prepare
lx: qaanqaami
pd: (qaanqaamiyey)
ps: v2a=tr
key: qaanqaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamin
(Daandaamin-ta)
Daandaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamin
m.f.dh eeg daandaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamin
-ta: (magic, dhedig, keli) tamarbeel ku ridid. Dh: wareerin, daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaadid
(Jaanqaadid-da)
1. (qof kabo qaba) qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin.
2. Saanqaadid; socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaadid
m.dh eeg jaanqaad². la-mid: jaanqaad¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaanqaadid
f. n. noise of footsteps; walking, going
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanqaadid
-da: (magac, dhedig, kali) isla helisteeda iyo ciyaariddeedaba. Dh: jaanqaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaanqaadid
de: noise of footsteps; walking, going
lx: jaanqaadid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: jaanqaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaarid
(Jaansaarid-da)
Wax duugoobey oo karid u baahan, jaan cusub ku tolid, ku dhejin; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarid
m.f.dh eeg jaansaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarid
-da: (magac, dhedig, kali) habka kabta loo saaro sar lagu hagaajinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanlaamin
(magac, dhedig, keli) meel ijaar ama ood hore lahayd laamo aan badnayn oo qoyan saarasaarid. Laanlaamin badanaa, reerkii ladnaan jiray, ma libaax ayaa helay. Dh: laandayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanqaamin
(Qaanqaamin-ta)
Arrin la qaban doono, waxyaalaha ay u baahan tahay oo ku fuli doonto, isku duwduwid, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanqaamin
m.f.dh eeg qaanqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanqaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin la qaban doono isku diyaarinteed. Waxan ku jirnaa qaanqaaminta shirweynihii ururka. Dh: qabaanqaabin, diyaarin, iskududuwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamis
m.l la-mid: dhaandhaamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
balanbaalis
butterfly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balanbaalis
-ta: (n) butterfly (bater falaay) ~ babbisjinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balambaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo aayar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhaadis
m.l la-mid: gacanhaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» qof meel fog jooga, gacanta u taagis si loogu yeedho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabis
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabantaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tafantaacid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Talantaalis
Nooc kamid ah baanadaha ee leh madax sugan oo furan iyo mid faraati-xaglood ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax janjal u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjali
v. put ~ insert something in the upper circle of a basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjali
(fal) wax, salad ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjali
de: put ~ insert s.t. in the upper circle of a basket
lx: janjali
pd: (janjaliyey)
ps: v2a=tr
key: janjali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaris
-ka: (magac, lab, keli) banjarinta shaagga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bayaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjaris
-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu horreeya ee canugga ifka u soo baxa lagu qabto. Dh: anqarin, canqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanis
-ka: (magac, lab, keli) garabsiinta iyo u hiilinta qof aad saaxiibbo tihiin. Dh: hiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. la-mid: daddaami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. m.f.dh, dandaamin. la-mid: daddaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaami
v. lift (a heavy weight)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaami
(fal) qaad wax culus oo walwaal. Dandaami danbiilka. Dh: wandaami, wandaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaami
de: lift (a heavy weight)
lx: dandaami
pd: (dandaamiyey)
ps: v2a=tr
see: daddaami
key: dandaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaami
f.g2 (-iyay, -isay) Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoosh inta la xasho loo diyaariyo inuu faxo oo la dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamis
m.l la-mid: gawaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjamid
m.dh la-mid: hanjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadjaad
(tilmaame) dhalan iyo samays kala geddisnaan; walxo kala isir iyo sinji duwan. Dh: cayncayn, noocnooc, jaadbajaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaale
(Jaajaala-ha)
Qof ku hadla hadal aan milgo lahayn oo uu dadka kaga qosliyo; maadeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaajaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaajaale
m. n. comedian, clown, joker, buffoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaajaale
-jaajaalaha: (n) nonsense talker ~ nacnacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaale
-ha: (magac, lab, kali) qof ku hadla hadal lagu qoslo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaajaale
de: comedian, clown, joker, buffoon
lx: jaajaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jaajaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaljaal
-ka: (magac, lab, keli) isla jirjirid kooxo dheel ku beretama loo kala safto. Ciyaar guriyada Soomaalida ee jaaljaalka lagu dheelo waxa ka mid ah laalka, kuwa qofqofkana shaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanmaal
-ka: (magac, lab, kali) qof ku xoogsada ciyaarta. Dh: hoobal. Li: wadaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaanqaad
(Jaanqaad-ka)
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba).
2. Saanqaad; socod; tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanqaad
jaanqaad¹: m.l 1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. la-mid: jaanqaadid.
jaanqaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaanqaad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho. m.dh, jaanqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaanqaad
m. n., [compound] footstep, sound of footsteps
jaanqaad v., [compound] make the noise of footsteps
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaanqaad
-ka: (n) 1. the sound of a foot stepping; footstep (fuutisteep); footfall (fuutfool). 2. -la jaanqaad -ay / day: (v) start up with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanqaad
-ka: (magac, lab, keli) sangadha qofka kabihiisu bixiyaan markuu soconaayo.
jaanqaad -ka: (magac, lab, keli) meel wax kawada bilaabid sida socod iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaar
(Jaansaar-ka)
Karkarka kabaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaar
jaansaar¹: m.l Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
jaansaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Kabo duugoobay sar cusub saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaansaar
v., [compound] cobble ~ patch up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaansaar
-ay / tay: (v) patch up (paaj), especially boots or shoes ~ kab; kar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaar
(fal) kab madhatay karkar. Jaansaar kabta inaanay aad u dhamaan. Dh: karkar.
jaansaar -ka: (magac, lab, keli) qaabka kabta loo saaro sar lagu karayo oo lagu hagaajinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaansaar
de: cobble ~ patch up
lx: jaansaar
pd: (jaansaaray)
ps: v1=cmp
key: jaansaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xiiso u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjalin
m.f.dh eeg janjali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjalin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, sallad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjanni
m.dh Dhiriq lo'aad aad u qoyan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjanni
-da: (magac, dhedig, keli) dhiriq lo'aad oo aad u qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafis
m.l la-mid: jaqaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjaris
m.dh la-mid: jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaalis
m.dh.w eeg majilis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaalis
f. n., pl. meeting places; meetings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaalis
bw: Arabic
de: meeting places; meetings (traditionally near a mosque) Sg: majlis
lx: majaalis
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: majaalis