jaahiliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaahiliyad
m.dh 1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaahiliyad
f. n., [collective] pre-Islamic period in Arabian history
jaahiliyad [feminine] n. ignorant ~ illiterate woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaahiliyad
-da: (n) pre-Islamic era; the time before the birth of Islamic civilisation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaahiliyad
-da: (magac, dhedig, keli) habnololeedkii Islaannimada horteed ama waaye isagii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaahiliyad_1
bw: Arabic
de: pre-Islamic period in Arabian history
hm: 1
lx: jaahiliyad
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: jaahiliyad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaahiliyad_2
bw: Arabic
de: ignorant ~ illiterate woman
hm: 2
lx: jaahiliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaahiliyad_2
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaliyad
-da: (n) community (komyuniti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaliyad
-da: (magac, dhedig, kali) dad ku nool dal shisheeye oo isku waddan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiyad
m.dh 1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahiyad
f. n. calamity, disaster; misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiyad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqsiyad qiimo iyo qaayo badni la quudhi waayo oo gacalo iyo naafac isku dara. Daahiyad walaaliyo ka roon doorka naagaha ah. Dh: dahab. Li: jebeljaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahiyad
bw: Arabic
de: calamity, disaster; misfortune
lx: daahiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daahiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) barkadda ama darkeeda hoose ee biyaha xoolaha loogu shubo. Dh: dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaariyad
(Jaariyad-da)
Gabar adeegta ama la lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaariyad
m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaariyad
f. n. maid servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaariyad
-da: (n) a woman servant; maid (meeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaariyad
-da: (magac, dhedig, kali) gabadha guriga ka shaqaysa ama xafiiskaba. Dh: shaaqiyad. Wa: jaariyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaariyad
bw: Arabic
de: maid servant
lx: jaariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaariyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaliyad
(Maaliyad-da)
Xoolo; maal; lacag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaliyad
m.dh Hanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaliyad
f. n. wealth, property; finance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaliyad
-da: (n) finance (fe-naansi). Ex: Wasaaradda Maaliyadda; the Ministry of Finance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaliyad
-da: (magac, dhedig, keli) hanti badan oo lacag ama qiimo lacageed leh. Waxbarasho sare oo tayo lihi maaliyad badan bay u baahan tahay Dh: aduun, dhaqaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaliyad
bw: Arabic
cf: maal; lacag; xoolo
de: wealth, property; [ext.] finance
lx: maaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maaliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaliyad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad wax lagu eego oo waxa dheer soo dhawaysa. Naaliyadda goortaan dul dhigo tan iyo Nayroobi. Dh: diirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaabbiyad
(Jaabbiyad-da)
Dar; berked.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabbiyad
m.dh Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaabbiyad
f. n. trough (for irrigation); water reservoir; pond
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabbiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dar weyn oo biyo lagu shubo. Dh: berkad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaabbiyad
cf: berked, dar
de: trough (for irrigation); water reservoir; pond
lx: jaabbiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jaabbiyad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jaahil-ka
ignorant.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raalliyad
m.dh la-mid: raalliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raalliyad
f. n. kind woman, obedient ~ loyal wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raalliyad
a: raalliyo
de: kind woman, obedient ~ loyal wife
lx: raalliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: raalliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaahilbixin
(Jaahilbixin-ta)
Jahliga ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaahilbixin
m.f.dh eeg jaahilbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaahilbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, wax aanu hore u aqoon ama ka daahnaa, u bixin ama u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamhuuriyad
m.dh (-do, m.l) Dal xur ah oo madaxdiisa shacbigu soo doorto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamhuuriyad
m.dh (-do, m.l) Dal xur ah oo madaxdiisa shacbigu soo doorto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamhuuriyad
f. n. republic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamhuuriyad
-da: (n) republic (ripablik) ~ dawlad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamhuuriyad
-da: (magac, dhedig, keli) qaran uu dadweynuhu xukunkiisa gacanta ku hayo oo uu iska dhex doorto kolba cidda uu talada u dhiibanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamhuuriyad
bw: Arabic
de: republic
lx: jamhuuriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jamhuuriyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maarkisiyad
f. n., [abstract] Marxism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maarkisiyad
de: Marxism
lx: Maarkisiyad
pd: (-ka)
ps: n1-f-abs
key: Maarkisiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahmiyad
(Ahmiyad-da)
Ujeeddo ama saamays weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmiyad
m.dh Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ahmiyad
m.dh Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmiyad
f. n. objective, aim; importance, significance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahmiyad
-da: (n) significance (sig-nifi-kens); importance (impoor-tansi); consideration (konsidereeyshen) ~ muhimad, ujeeddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmiyad
-da: (magac, dhedig, keli) muhimmadda iyo waxtarka uu shey leeyahay. Ahmiyad ma laha tacliin an ujeeddo iyo yool ka danbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmiyad
de: objective, aim; importance, significance
lx: ahmiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ahmiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahila
magac loo baxsho gabadh la filayo inay noqoto mid aan baahan oo hodan ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaliya
name-f exalted, sublime, high, excellent
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiliyam
Helium
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahamiyad
m.dh la-mid: ahmiyad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baahila'
name-fhungerless; needless; demandless. Lit: self-sufficient
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafiyad
(Caafiyad-da)
Fayoobi; (ama caafimaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyad
m.dh Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. la-mid: caafiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafiyad
f. n., [abstract] health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafiyad
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobi iyo caafimaad. Caafiyad ayuu ku noolaa in badan. Dh: caafimaad, fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafiyad
a: caafimaad
bw: Arabic
de: health
lx: caafiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: caafiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilad
m.dh (-dyo, m.dh) Naag caqli badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliyad
f. n. mentality; idea, thought
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqliyad
-da: (n) intelligence (in-tala-jansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyad
-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo talo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliyad
de: mentality; idea, thought
lx: caqliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: caqliyad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daabiyad
Hamlet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar oo aan weyneyn. Daabiyadda ayaan shaah kasoo cabbay. Dh: tuulo. Li: caasimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalikad
m.dh (-do, m.l) Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalikad
-da: (magac, dhedig, keli) looxa weyn ee geedaha jirriddooda laga gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilid
m.dh la-mid: fashalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilid
-da: (magac, dhedig, keli) ku guuldarraysadka iyo dhicisoobidda talo ama hawl la hayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaliilad
(Jaliilad-da)
Weel xiran oo gudihiisa wax qarxadaa ka buuxaan oo ama gacanta lagu tuuro ama madfac ama gantaal ama dayuurad; qunbulad; bunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaliilad
m.dh (-do, m.l) Nooc ka mid ah bumbooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaliilad
m.dh (-do, m.l) Nooc ka mid ah bumbooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaliilad
f. n. bomb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaliilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel xidhan oo qaro weyn oo gudihiisa wax yaalo qarxaa ku jiraan oo gacanta laga tuuro. Dh: burmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaliilad
bw: Arabic
de: bomb
lx: jaliilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bumbo ~ bunbo, qunbulad
key: jaliilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamciyad
(Jamciyad-da)
Urur, xisbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamciyad
m.dh (-do, m.l) Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo wixi lamida ku midoobey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamciyad
m.dh (-do, m.l) Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo wixi lamida ku midoobey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamciyad
f. n. league, organization, political party, union, club
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamciyad
-da: (n) union (yuun yan); organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamciyad
-da: (magac, dhedig, keli) urur ama xisbi. Dh: urur. Wa: jimciyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamciyad
bw: Arabic
de: league, organization, political party, union, club
lx: jamciyad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: urur, xisbi
key: jamciyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jariidad
m.dh (-raa'id, m.l) Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. la-mid: jariido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jariidad
m.dh (-raa'id, m.l) Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. m.l.w, jaraa'id. la-mid: jariido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jariidad
f. n. newspaper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jariidad
-da: (n) newspaper (nuuz-peper); newsprint (nuuz-piriint) ~ jaraa'id, wargeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jariidad
-da: (magac, dhedig, keli) wargeys xilli uu soo baxo leh.