jaa'ifeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaa'ifeyn
(Jaa'ifeyn-ta)
Jaa'ifo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaa'ifeyn
m.f.dh eeg jaa'ifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'ifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jaa'ifo, dhaawac ama waxyeello gaadhsiin; afxumo gaadhsii.
jaa'ifayn-ta: (magac, dhedig, keli) lacagsiinta cid guri kiro ah lagaga jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaa'ifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) 1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaa'ifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) 1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin. m.f.dh, jaa'ifayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'ifee
(fal) waxyeello gaadhsii; nabar gaadhsii, afxumo gaadhsii. Dh: waxyeellee, aflagaaddee.
jaa'ifee: (fal) cid aad guri kiro ah kaga jirto, lacagtij sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaa'ifee
de: wound ~ injure seriously; offend s.o.
lx: jaa'ifee
pd: (jaa'ifeeyey)
ps: v2b=tr
key: jaa'ifee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ideyn
m.f.dh la-mid: faa'iideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habka lagu bixiyo jaa'isadaha. Dh: abaalgud. Wa: jaa'isooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iideyn
m.dh eeg faa'iidee. la-mid: faa'ideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jifeyn
m.dh la-mid: jufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaa'ifo
(Jaa'ifa-da)
1. Nabar lays gaarsiiyo oo la simi karo ama waxkasooqaad leh.
2. Aflaggaaddo ama waxyeello guud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaa'ifo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaa'ifo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaa'ifo
jaa'ifada: (n) something given in compensation for loss, suffering, or damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'ifo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ama meel kale ah oo qaaxada u dhaadhacay.
jaa'ifo -da: (magac, dhedig, keli) aflagaaddo iyo xadgudub. Dh: waxyeello.
jaa'ifo-da: (magac, dhedig, keli) lacagta la siiyo cid guri laga kiraystay. Dh: kiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaa'ifo
de: wound compensation (in traditional law)
lx: jaa'ifo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jaa'ifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyn
m.f.dh eeg jaabee. la-mid: jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafeyn
-ta: (magac, lab, keli) laxaadka ka heenid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafeyn
m.dh la-mid: qaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dhegoolayn oo qof aan wax ba maqlayn iska dhigid. Qaafayntu waa cilmi la barto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'isee
(fal) cid kale, abaalmarin sii. Li: ciqaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faa'ido soo kordhin. Dh: faa'iidays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaliyeyn
(Qaaliyeyn-ta)
Qaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaliyeyn
m.f.dh eeg qaaliyee. la-mid: qaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaatimeyn
m.f.dh eeg qaatimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaatimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaabka fardaha ciyaaraya u socosho. Qaatimaynta habluhu waa qurux.
qaatimeyn -ta: (magac, dhedig, keli) soo afjarid: gebagebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajileyn
m.dh la-mid: majaajilleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyeyn
m.dh eeg carabiyee. la-mid: carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carabi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ideysi
m.l la-mid: faa'iideysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ideyso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: faa'iideyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalliseyn
m.f.dh eeg gaallisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalliseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaarta gaallisada ka dhigid ama ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaaleyn
(Jaajaaleyn-ta)
Jaajaale iska dhigid; sida jaajaalaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaaleyn
m.f.dh eeg jaajaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafeyn
m.dh la-mid: jallaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la soconaayo, cid kale lugta lug ku gudbid oo ku kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin; waardiyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilleyn
m.f.dh eeg majaajillee. la-mid: majaajileyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xanuun, xumaan ama dhibaato qabadsiin. Neefka cadhada leh gaar baa loo qoolaa si aanu xoolaha kale u aafayn. Dh: ibtilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'in
(Daa'in-ka)
1. Eebbe, Ilaah.
2. Aan go'in; lagu waaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'in
daa'in¹: m.l Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa. la-mid: daayin¹.
daa'in²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Fal samayntiisa joogtaysasho; ku waarid. la-mid: daayin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daa'in
daa'in¹: m.l Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa.
daa'in²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Fal samayntiisa joogtaysasho; ku waarid. m.f.dh, daa'imid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'in
-ka: (n) God (gaadhy everlasting (evar-laastin); the Eternal (i-teer-nel) ~ Ilaah, Rabbi
daa'in -daa'imay/daa'intay: (v) get used to; habituate (ha-bi-juweeyt)-, accustom oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'in
(tilmaame) wax aan dhammaanayn oo joogto ah. Barwaaqo daa'in ah Eebboow na sii. Dh: abiido, waligeed, daa'im, joogto.
daa'in -ka: (magac, lab, keli) eeg daa'im.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaa'ir
(Jaa'ir-ka)
Nin taliya oo jowr badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaa'ir
m.l (-rro, m.dh) Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'ir
-ka: (magac, lab, keli)) hoggaamiye ama xaakin aan caadil ahayn oo xadgudub badan.
jaa'ir -ka: (magac, lab, keli) qof qalbi adag oo diintu gelin. Dh: jaaxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaa'ir
bw: Arabic
de: dictator, tyrant
lx: jaa'ir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jaa'ir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawin
(Jaawin-ta)
(suul jaawin) suul iyo far gacneed oo inta lays kor saaro oo xoog laysugu qabto, shanqar laga yeersiiyo; suuldhabaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawin
m.f.dh eeg jaawi². la-mid: farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) turub la ciyaarayo, suuldhabaalayn muujinaysa in aanu hayn haadka la ciyaaraya turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jideyn
(Jideyn-ta)
Jid ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jideyn
m.f.dh eeg jidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xun, meel ama cid looga ergoodo. Dh: beegid, aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufeyn
m.f.dh eeg jufee. la-mid: jifeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaanayd, awdid oo cubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafeyn
(Kafeyn-ta)
Ku fillaan; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafeyn
m.f.dh eeg kafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wada deeqid ama ku wada fillaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safeyn
vl. n. cleaning
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safeyn
de: cleaning Alt sp: safeeyn
initial: s
lx: safeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: safeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raajicin oo miisaan ama wax la miisayo in yar oo raxayn ah ku darid. Soomaalidu wafeynta way yaqaanniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'weyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Duq ahaansho (qof).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
da'weyn
-aa / nay: (adj) old (oldh) ~ duq. Ex: nin da 'wayn; an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'weyn
-ta: (magacwadareed) inta u waawayn waxa meesha jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
da'weyn
de: aged, old, ancient
lx: da'weyn
pd: (da'weynaa)
ps: adj-expr
key: da'weyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaa'iso
-da: (magac, dhedig, keli) abaalmarin la siiyo qofka imtixaan ku guulaysta.
jaa'iso -da: (magac, dhedig, keli) shahaado ka markhaati ah in uu qofka sitaa yaqaanno waxa ku qoran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeys
m.l la-mid: jaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadley
-da: (magac, dhedig, kali) qof dumar ah oo ka ganacsata jaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamayn
(Jaamayn-ta)
1. Jaamo ka dhigid; cad cad ka dhigid.
2. Jaan la dhicid; kabayn; cagayn.
3. Sacab tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamayn
m.f.dh eeg jaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamayn
-ta: (magac, dhedig, kali) kabo ka dhigasho.
jaamayn -ta: (magac, dhedig, kali) cid kale, kabo la dhac oo ku dhufdhufo. Dh: kabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarayn
-ta: (magac, dhedig, kali) si beelaha la isugu geeyo oo ay ku wada degaan. Dh: ollogeyn. Li: fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasayn
m.f.dh eeg jaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamleyn
m.dh la-mid: jimleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan isku darid. Dh: jimleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawleyn
m.f.dh eeg jawlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakeyn
m.f.dh eeg laakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilmood oo mataano ah dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.