iyo in kale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iyo in kale
conj-expr: or not
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindirraacin
(Mindirraacin-ta)
1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn.
2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo war hayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi kula boodid, gowricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iyo
xi. Eray lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tusaale: “Hilib iyo bariis”, “Inuu yimid iyo in kale soo hubso”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindirraaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iyo
xi. (naxwe) Erey lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tusaale: Hilib iyo bariis. Inuu yimid iyo in kale soo hubso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid. m.f.dh, qiyaasid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cross-examination
/ (n) waraysi su'aalo ah oo lugu hubiyo in gof run sheegayo iyo in kale, siiba qof markhaati ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
optional
/opshanal/ (adj) ikhtiyaar u lahaansho (wax aad ikhyaar u leedahay inaad samayso iyo in kale).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plea
/plii/ (n) 1. tuugmo (baryo) 2. cududaar (cududaarasho) 3. jawaabta maxkamadda eedaysanuhu siiyo, ee ah in qofku dembiga qirto iyo in kale.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plead
/pliidh/ (v) 1. tuugid (aad u baryid) 2. cududaarasho (cududaar samaysasho) 3. jawaab siin maxkamadeed (go'aan siin maxkamad in qofkaasi dembiga galay iyo in kale) 4. u doodid (difaacid maxkamadeed).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageeridda talo, arrin iyo wixii la mid ah oo la soo jeediyey. Akidaad baa la innaga sugayaa, in aan dhoofaynno iyo in kale. Dh: adkayn, ayidaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqad
-da: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha la keeno sayladda calaamad lagu sameeyo si loo garto in canshuur laga qaaday iyo in kale. Daabaqad baa lagu wada dhuftay wananka la canshuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daar
(fal) dab, nal iyo wixii la mid ah oo densan, shid ama noolee. Dabka innoo daar dhaxan baa jirtee. Dh: huri.
daar: (fal) cid kale, farogelin kula kac. Kuma daaree ha i daarin. Dh: gardarrayso.
daar: (fal) koox wax u billow sida ciyaar, legdin ama orod. Xantaysiga noo daar Daahiraw.
daar-ka: (magac, lab, keli) dalool yar oo loo yeelo daboolka dhiilaha caanaha lagu lulo oo qori ama maydhax iyo wixii la mid ah lagu juqaalo. Marka la rabo in la ogaado ciirtu inay cagaartay ama baxday, intii laga qaado juqaalka ayaa caanaha lagu soo dhiijiyaa ama lagu soo daariyaa gacanta si looga fiiriyo inay subag dhashay iyo in kale ciirtu. Daarka juf caauhu yaanay daadanine.
daar -ka: (magac, lab, keli) cad yar oo wareegsan oo weelasha qaarkood sida dhiilaha, dabool looga dhigo oo afkooga la le'egaysiiyo.
daar -ka: (magac, lab, keli) meel halbawle ah oo jidhka ka tirsan. Dh: halbowle.
daar-ka: (magac, lab, keli) maddiil aad u afbadan oo wax lagu jaro. Dh: muus, sakiin, mandiil.
daar -ka: (magac, lab, keli) sal dhinaca dhulka xiga u ballaadhan oo gorfaha dabaqyada iyo wixii la mid ah, xagga danbe lagaga tolo si ay ugu joogsadaan. Marakabka daarka waxa loogu tolay meel ha joogsado e. Dh: sariirta.
daar-ka: (magac, lab, keli) hilib jiidh ah oo sararta inteeda dambe ee adhaxda xigta saaran.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) dhisme ka samaysan dhagax. Nin daar ku jiraa daruur ma arkee, illeyn xalay roobkii baa da'ay.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) caano ama dareere kale, wax yar oo laga shubo.
daar-ta: (magac, dhedig, keli) sallaanka meesha malabku ku jiro lagu fuulo ama lagu gaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kodhe, haan iyo wixii la mid ah, in yar ka soo shubidda caanaha la lulayo iyadoo la eegayo inay baxday iyo in kale. Daarinta caanaha la lulayo carruurta jecel. Dh: daaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabtuse
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado in lagu muujiyo in ay walaxi danabaysan tahay iyo in kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eego
(fal) wax ad leedahay daranyada ka dhabo. Tukaankaaga tuugada ka eego. Dh: ilaasho.
eego: (fal) wax ad cid kale kala wareegeyso inuu xun yahay iyo in kale, iska fiir. Gaadhiga aad iibsanayso eego. Dh: hubso.
eego: (fal) waxyaabo badan mid ka dooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasabax
-a: (magac, lab, keli) muddo lagu garto in ay hashu rintay iyo in kale. Hashu, waxay ku gaasobaxdaa siddeed cisho. Dh: goojabax.
gaasabax-a: (magac, lab, keli) dhaqaalayn ama xannaanayn gaar ah oo muddo socota.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorori
(fal) weel iyo wax la mid ah, waxa ku hadhay ka soo shub ama ka soo dareeri.
gorori: (fal) lab, dhedigga sibiisha ka urso; hubi inay orgaysantahay iyo in kale. Awrku qaalinta wuu gororiyey ka dibna wuu roorsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuf
-ka: (magac, lab, keli) geyaanka oo ku salaysan inay labada is calmatay iyo labadooda qoys isla jaanqaadayaan iyo in kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisid
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxis oo iligga ka dhigid. Dh: buuxin. Li: inqin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) galaan wax ku miisid oo inta uu yahay eegid. Bariiska qiyaastiisa ma garanaynee miisidda ku celi. Dh: bardaamin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) tijaabinta bogsashada qofka la buulleeyey la tijaabiyo si loo qiyaaso inuu bogsaday iyo in kale. Dh: baxnaanin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iyo_in_kale_1
de: or not
hm: 1
lx: iyo in kale
ps: conj-expr
see: kale
key: iyo_in_kale_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iyo_in_kale_2
de: or not
hm: 2
lx: iyo in kale
ps: conj-expr
xe: She had no interest whether I was there or not.
xv: Iyadaan dan ka lahayn inaan joogo iyo in kale.
key: iyo_in_kale_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin kale
n. phr., time: another day
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idinkala
pron. and preposition: with (X) ... from you all
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idinkala
[pronoun you with preposition] with you. Ex: arrin baan rabaa inaan idinkala hadlo; I want to discuss something with you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idinkala
de: with (X) ... from you all = idin + ka + la
lx: idinkala
ps: pro + prep
key: idinkala
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iron age
k'aagii birta
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid kale
n. phr., [expression] another one
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goor kale
adv., time: again, another time
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sidoo kale
de même.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddii kale
conj-expr: if not, otherwise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddii kale
(adv) under other circumstances; otherwise (atharwaays) ~ si kale. Ex: haddii kale waan caawimaayaa; otherwise I might have helped
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalin_kale
de: another day
lx: maalin kale
ps: np-time
key: maalin_kale