itaaliftiimeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
itaaliftiimeed
m.l (-dyo, m.dh) Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaal iftiimeed
m.l (-dyo, m.dh) Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itaal iftiimeed
Luminous intensity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaal'iftiimeed
-ka: (magac, lab, keli) burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixin Iftiimeed
Luminous emittance
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itaal hireed
Wave intensity
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burqad iftiimeed
Luminous flux
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
italianisme
italianisme, n.m. - afka Talyaaniga si fiican ugu hadlid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gaalis-ineed
Class interval
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
itaaldanabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaal-danabeed

itaalbirlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalbirlabeed
-ka: (magac, lab, keli) summad H. xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah oo ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B) xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxaa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaal birlabeed