itaaldarrayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaaldarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aad u tamar daran noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqabeel
-ka: (magac, lab, keli) awoodyari ka timaad jidhka oo ay comatadu ka dhammaato ama ka yaraato: itaaldarrayn ka timaad tamarta ku tiirsan macaadinta jidhku cuntada ka helo oo hoos u dhacda. Macaluushu waxay carruurta u keentaa nafaqabeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarwadh
-ka: (magac, lab, keli) tamarbeelid; itaaldarrayn. Dh: daal. Li: firfricooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaangabshoow
-ga: (magac, lab, keli) itaal gabid; da'weni daraadeed oo wax la qabsan kari waayo. Dh: xamilgab, xaangab, itaaldarrayn. Li: itaal, xoogweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itaaldarro
(Itaaldarra-da)
Tabardarro; Xoogdarro; xoogxumo; (ama itaaldarri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaaldarro
m.dh Tabaryari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
itaaldarro
m.dh Tabaryari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
itaaldarro
f. n. debility, lack of energy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
itaaldarro
-itaaldarrada: (n) lack of power; weakness (wiiknes); feebleness (fiibal-nes)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Itaaldarro
Debolezza
Weakness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaaldarro
-da: (magac, dhedig, keli) awood la'aan, awooddarro; tabardarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
itaaldarro
de: debility, lack of energy
lx: itaaldarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: itaaldarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdarreyn
m.f.dh eeg taagdarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdarreyn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabardarrayn; awooddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabardarrayn
m.f.dh eeg tabardarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabardarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabardarro ku dhicid; awooddarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afbeelidda bir wax lagu jaran jiray; waxgoyn la'aanta bir af ay wax ku goyso lahaan jirtay. Afdarrayn bay gudumadu wax la goyn la'dahaye, waa in la liso. Dh: afdarrays, afbeelid, saawiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof tabar yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taagdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof tabar yar ahaansho. m.f.dh, taagdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagdaran
der. [adjective] weak, powerless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taagdaran
taagdarnaa taag-darnayd: (adj) weak (wiik); feeble (fiibal); impotent (im-po-tent); incapable (in-keeypabal) ~ tabardaran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagdaran
de: weak, powerless
initial: t
lx: taagdaran
pd: (taagdarnaa)
ps: adj-der
key: taagdaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaldaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof). m.f.dh, abaaldarnaan. abaaldarro m.dh Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. la-mid: abaaldarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaldaran
der. [adjective] ungrateful, ungracious, unpleasant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldaran
(adj) ungrateful (an.gareeyt.ful); not feeling or exhibiting gratitude, thanks, or appreciation ~ abaallaawe, asxaanlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldaran
(tilmaame) ruux aan ku fiicnayn inuu gudo abaal loo galay. Abaaldaran naftaydaay Allahaa u mahad celi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaldaran
de: ungrateful, ungracious, unpleasant
lx: abaaldaran
pd: (abaaldarnaa)
ps: adj-der
key: abaaldaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarrayn
(Dacdarrayn-ta)
Rafaad ka yimid hagar iyo isku ladid ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarrayn
m.f.dh eeg dacdarree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarrayn
-ta: (n) lack of caring; neglect (nig-lekf); mistreatment (mistiriitment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad gacanta ku hayso daryeella'aan kula kicid. Dh: rafaadin, dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarrayn
m.f.dh eeg dandarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti uu lahaa baabi'id; qof bartiisu yaraatay ahaan. Dh: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaaldarni
-da: (magac, dhedig, keli) tamar la'aan; daciifnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalgarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarayn
m.f.dh eeg caalsaaree. la-mid: caalsaarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdarmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan awood lahayn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdarnaan
m.f.dh eeg taagdaran. la-mid: taagdarnaansho, taagdarni, taagdarno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldarnaan
m.f.dh eeg abaaldaran. la-mid: abaaldarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdarraan
m.dh la-mid: afdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afdarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarayn
(Faddarayn-ta)
Wax faddaraysan ka dhigid; najaasayn; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarayn
m.f.dh eeg faddaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddarayn
-ta: (n) contamination (kon taam e neey shin); foulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas gaadhsiin. Dh: faddaaddayn. Li: nadiifin.
faddarayn -ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun barid. Dh: aafayn. Li: tarbiyadayn, edbib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildarnaan
m.f.dh eeg ildaran. la-mid: ildar-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) diif iyo xanuun ka muuqda qofka. Dh: tamardarro, geshixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax qaab xun ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax qaab xun ahaansho. m.f.dh, qaabdarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabdaran
-qaabdarraan: (adj) ugly (ag'li); shapeless (sheey-plas), lacking attractive form ~ qaabxun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdaran
(tilmaame) muuqaal foolxun leh: samays xun. Aqalka si qaabdaran ayaa loo dhisay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh, niis, garri iyo biyo isku laaqid oo isku cajiinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadarreyn
m.f.dh eeg sadarree. la-mid: sadarreys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdarri
-da: (magac, dhedig, keli) itaaldarrida iyo tabargabidda, marka nooluhu gashi fiican uu waayo ama xanuun tabardari u keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku soo oogid oo maxkamadda taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talaabo ku cabbirid; tilaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talarraac
m.l Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talarraac
m.l Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talarraac
m. n. follower, person who follows the opinions of others
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talarraac
-da: (magacwadareed) dadka inta loo taliyo ee la hoggaamiyo. Dh: raciyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talarraac
de: follower, person who follows the opinions of others
initial: t
lx: talarraac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: talarraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldarro
m.dh Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. la-mid: abaaldarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldarro
-abaaldarrada: (n) ungratefulness (an-gareeyt-fuul-nes); lack of gratitude, lack of appreciation ~ abaal ka dhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldarro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun oo ku salaysan in la dafiro ciddii wax kuu tartay ama loo gudi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan nasiib wanaagsan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayaandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan nasiib wanaagsan lahayn ahaansho. m.f.dh, ayaandarnaan. m.dh, ayaandarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandaran
(tilmaame) mid aan nasiib wanaagsan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabaha oo dhaashi midabaysan la mariyo oo lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarrayn
m.f.dh eeg barbarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarro noqosho; kalama'adkaan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka ilmaha yar socodka la baroyo, tallaabada sida loo qaado la tusayo.
daaddahayn -ta: (magac, dhedig, keli) hawl koox lagu wado, hoggaaminteed. Daaddahaynta shirka waxa wada shirguddoomiyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadgurayn
(Daadgurayn-ta)
Wax badan meel ka gurgurid ama ka wadid oo meel kale geyn; diqdiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadgurayn
m.f.dh eeg daadguree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadgurayn
-ta: (n) evacuation (ivaaku-weey-shin); emergency evacuation ~ qixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadgurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan meel ka gurgurid oo meel kale gayn. Daadguraynta xujayda diyaarado badan baa ka shaqaynaya. Dh: daabbulid, diqdiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrays
-ka: (magic, lab, keli) dacdarrayn ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) galleyr isu ekaysiin; habka gallayrka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayn
m.f.dh eeg hawlyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarayn
m.f.dh eeg haydaaree. la-mid: haydaarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itataabayn
(Itataabayn-ta)
Gargaarid, turid; jimic u gelid; waxtarid; dhimrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itataabayn
m.f.dh eeg itataabee. la-mid: itataabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarba dhan u xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdarree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Tabar yarayn (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taagdarree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Tabar yarayn (cid). m.f.dh, taagdarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagdarree
v. weaken, become weak [intr.] ; make someone ~ something weak (transitive)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdarree
(fal) itaaldarro ha kugu dhacdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagdarree
de: weaken, become weak [intr]; make s.o. ~ s.t. weak [tr]
initial: t
lx: taagdarree
pd: (taagdarreeyey)
ps: v2b=
key: taagdarree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabardaran
(adj) feeble (fiibel); lacking strength; weak (wiik) ~ tabcaan, awooddaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tallaabada oo meel cabirkeed lagu qiyaaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldarane
-ha: (magac, lab, keli) qof aan gudin abaal iyo wanaag loo galay. Abaaldarane Alle ma yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarays
m.l la-mid: caalsaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallayrrayn
(Gallayrrayn-ta)
Habka gallayrka yeelid; gallayr isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayrrayn
m.f.dh eeg gallayrree. la-mid: gallayryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclayn
-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska warran
v. give news of oneself [greeting]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iska warran
(expression) how are you! ~ sidee tahay