iswaafajin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iswaafajin
-ta: (n) reconciliation (re-kan-siliyeyshan); matching; fitting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waafajin
(Waafajin-ta)
Wax wax kale ku kal ridid, ku abbaarid; haleelsiin; ku duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafajin
m.f.dh eeg waafaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafajin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanuunin oo jid toosan ku hagaajin. Dh: ilhaamin, toosin, hanuunin.
waafajin -ta: (magac, dhedig, keli) wax, wax kale ku sargoyn; ku jinjimid. Is waafajinta xisaabtu waa waajib. Dh: waafajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxan
m.l Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reconciliation
/rekansiliyeyshan/ (n) 1. heshiis sulux, nabad raadin 2. jeegarayn (iswaafajin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Integrated Policy
Iswaafajinta siyaasadaha ama siyaasad iswaafajisan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iswaafajinta_siyaasadaha
de: integrated policy
lx: iswaafajinta siyaasadaha
ps: np
see: waafaq ~ waafaji
key: iswaafajinta_siyaasadaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafaji
f.lg2 (-iyay, -isay) Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tusaale: “Labadaas arrimood is waafaji.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waafaji
f.lg2 (-iyay, -isay) Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tusaale: Labadaas arrimood is waafaji. m.f.dh, waafajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waafaji
ditransitive v. bring into accordance, make something conform with something else
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waafaji
-yey I say: (v) bring into agreement; harmonize (haar-ma-naayz); reconcile (re-kon-saayl); make conform.
is waafajin -ta: (n) reconciliation (rekansiliyey-shin); conformity (kon-foor-mati); matching; fitting ~ iswaafajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafaji
(fal) is ~ wax, wax kale ku sargoo; isku aaddi oo wax isleh ka dhig. Xisaabta ku noqo oo waxa la libshay iyo lacagta la hayo is waafaji.
waafaji: (fal) ku toosi oo kala mid dhig. Albaabka kii ka horreeyey waafaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waafaji
de: bring into accordance, make s.t. conform with s.t. else
initial: w
lx: waafaji
pd: (waafajiyey)
ps: v2a=ditr
key: waafaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaajin
(Istaajin-ta)
Fadhi ka kicin; joojin; taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaajin
m.f.dh eeg istaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax jiifa, sare u joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waafajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdaafacid
m.f.dh eeg isdaafac². la-mid: isdi-faacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamarin
m.f.dh eeg isdabamari. la-mid: isdabamaris, isdabammarin, isdabammaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iswaydaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is dabamarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin. m.f.dh, istaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istaaji
v. erect; cause to stand up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaaji
(fal) qof fadhiya kici oo sare u jooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istaaji
de: erect; cause to stand up
lx: istaaji
pd: (istaajiyey)
ps: v2a=tr
key: istaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaftin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilbo si dadban qof loo siiyay. Doqoni saaftin carro loogu riday gallad ma mooddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaafin
-da: (magac, dhedig, keli) qof bukey caafimaad siin; ladnaysiin: bogsoodsiin; biskoodsiin. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afwaajin
m.f.dh eeg afwaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afwaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, inta aanu hadal, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafin
(Dawaafin-ta)
Qof ama dad badan horkac loo noqdo oo Kacbada lagu soo warwareejiyo, gudashada Xajka darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafin
m.f.dh eeg dawaafi. la-mid: dawaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cibaado Kacbada ugu wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdaafac
isdaafac¹: m.l Baadbaadinta qof naftiisa ka badbaadiya halis ku soo fool leh. la-mid: isdifaac¹.
isdaafac²: f.mg1 (-cay, -cday) Dhibaato iska badbaadin. la-mid: isdifaac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdaafac
isdaafac¹: m.l Baadbaadinta qof naftiisa ka badbaadiya halis ku soo fool leh. la-mid: isdifaac.
isdaafac²: f.mg1 (-cay, -cday) Dhibaato iska badbaadin. m.f.dh, isdaafacid. la-mid: isdifaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdaafac
m. n. self defense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdaafac
(fal) halis kugu soo fool leh, iska caabbi.
isdaafac-a: (magac, lab, keli) eed laguu haysto, iska difaacid adiga oo xujooyin iyo marag hordhigaya.
isdaafac-a: (magac, lab, keli) halis kugu soo fool leh, iska caabbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isdaafac
a: isdifaac (a)
de: self defense
lx: isdaafac
pd: (-a)
ps: n-m
key: isdaafac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isfaanin
-ta: (n) bragging (baraaging)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhererkaaga hoos u gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamin
(Islaamin-ta)
Diinta Muslinka soo gelin; Muslin ka dhigid; muslimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamin
m.f.dh eeg islaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaahin
m.f.dh eeg ismaahi. la-mid: ismaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, mid maahsan iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israacin
m.f.dh eeg israaci. la-mid: israacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, raacid.
israacin-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof ama in ka badan isku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ligan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ligan ahaansho. m.f.dh, istaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) istuhun inaad dadka ugu xoolo badan tahay ama aad ugu fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof meel ka safarin, qasab kaga socdaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaafiin
m.dh la-mid: shaafii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafagid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho; aqbalid. Is waafagid ayaa wanaag lagu gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafaqid
m.f.dh eeg waafaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaajin
(Wadaajin-ta)
Wada siin; ka dhexaysiin; wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaajin
m.f.dh eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wada cunsiin; ka dhexaysiin. Dh: wadaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is caalin
vl. n. surrender, act of surrendering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_caalin
de: surrender, act of surrendering
lx: is caalin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: is_caalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iscajabin
-ta: (magac, dhedig, keli) is indhabuuxin oo midba mid jeclaan. Dadka waxa caycayn looga dhigay, ha iscajabiyaane.
iscajabin -ta: (magac, dhedig, keli) si isla weyni ah naftaada u jeclaan oo in aad cajiib tahay isku arkid. Dh: isubogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafin
m.f.dh eeg isdhaafi. la-mid: isdhaafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalo
v., [compound] observe a situation before making a decision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalo
cf: ishaafalad
de: observe a situation before making a decision
lx: ishaafalo
pd: (ishaafashay)
ps: v3b=cmp
key: ishaafalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, Muslin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafsiin
m.dh la-mid: dawaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ku dul wareejin. Dh: dawaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaafadin
m.dh la-mid: diyaafadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaafadin
-ta: (magac, dhedig, keli) martigelin oo si maamuus leh u sooryeyn. Dh: sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaafadin
m.f.dh eeg diyaafadi. la-mid: dayaafadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaafadin
-ta: (n) hospitality (hos-pitaaliti). Ex: waxaan ugu mahadnaqay diyaafadintoodiii; I thanked them for their hospitality ~ marti-galin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdaafacay
-day / een / nay: (v) defend oneself-isdaafac -a: (n) self-defense
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgaarsiin
isgaarsiin¹: m.f.dh eeg isgaarsii.
isgaarsiin²: m.dh (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isgaarsiin
m.dh (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgaarsiin
Telecommunication
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgaarsiin
f. n., [compound] communications, telecommunications
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgaarsiin
-ta: (n) communication (komyunikeeyshen), —qalabka isgaarsiinta; communications equipment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isgaarsiin
Comunicazione.
Communication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaarsiin
-ta: (magac, dhedig, kel) eeg isgaadhsiin. isgaf: (fal) ha is gaadhin; ha is kafaynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgaarsiin
de: communications, telecommunications
lx: isgaarsiin
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: isgaarsiin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
isgaarsiin
وَسَائِل الأتصال
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgamaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hurda iska dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgarmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xeer ku kala bixid; xeer isa siin. Dh: xeertan, garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalad
(Ishaafalad-ka)
Waxa la fala hayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalad
m.l Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaafalad
m.l Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalad
vl. n. ability to observe a situation patiently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalad
-ka: (magac, lab, keli) kolba waxa la hayo ama la falayo, waayaha la joogo ku xidhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalad
cf: ishaafalo
de: ability to observe a situation patiently (in order to choose the best solution)
lx: ishaafalad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ishaafalad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isicajabin
-ta: (n) conceit (kensiit); self-admiration; self-conceit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isqaadsiin
vl. n. contagion, state of being infectious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isqaadsiin
de: contagion, state of being infectious
lx: isqaadsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: isqaadsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabammarin
m.dh la-mid: isdabamarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdabammarin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii qummanayd, ama la isku ogaa, si aan ahayn wax u samayn.