isuqiyaas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isuqiyaas
f. n. proportion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isuqiyaas
-ay / tay: (v) balance (baal-ansi); compare (kom-peer)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isuqiyaas
de: proportion
lx: isuqiyaas
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: isuqiyaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaas
1. (Qiyaas-ka) Afarta tiir oo waaweyn oo sharciga Islaanka, kan afraad; kuwa kale waa Quraan, Xaddiis iyo Ijmaac.
2. (Qiyaas-ta) Cabbiraad; miisaan; male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiyaas
qiyaas¹: m.l (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas²: m.dh 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas³: f.g1 (-say, -stay) 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid. m.f.dh, qiyaasid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiyaas
Estimate
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qiyaas
scale
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiyaas
scale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qiyaas
m. n. reasoning by analogy; approximate weighing ~ measuring
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiyaas
v. reason by analogy; weigh ~ measure by approximation; guess, assess; try on, fit
qiyaas [feminine] n. approximate measurement, assessment, estimation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiyaas
-yey / tay: (v) 1. estimate (es-ti-meeyt); guess (gas), speculate (espa-kileeyf); conjecture (kon-jek-shar) ~ mala'awaal. 2. imagine (imaajin).
qiyaas -ta: (n) guesswork (gas-woork); imagination (i-maaji-neey-shin); projection (pro-jek-shin); prediction (piri-dhik-shin); assumption (asam-shin); speculation (ispakileeyshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaas
(fal) maanka ka cabbir inta uu yahay Qiyaas inta litir ee berkeddaayi qaadi karto. Dh: cabbir.
qiyaas -ka: (magac, lab, keli) shanta tixraac 'marjic' ee waaweyn ee asalka u ah figiga kiisa afraad. Qiyaaska waxa ka horreeya Qur'aanka, xadiiska iyo ijmaaca.
qiyaas -ta: (magac, dhedig, keli) maamin mala'awaal ah oo mug, muuqaal, masaafo ama miisaan uu shey yeelan karo ama uu leeyahay maskaxda laga maleeyo. Qiyaas cilmiyaysani runta way u dhawaan kartaa. Dh: male.
qiyaas-ta: (magac, dhedig, keli) saamiga ka dhexeeya labo cabbir. Sameynta khariidadda dunida waxa la isticmaalay qiyaas cilmi ku fadhida.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qiyaas
قِيَاسِ، تَقْدِير
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu imaad
m. n. gathering, get together
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_imaad
de: gathering, get together
lx: isu imaad
pd: (-ka)
ps: np-m
xe: This is an informal gathering of friends.
xv: Kani waa isu imaad saaxiibbo.
key: isu_imaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuriyaas
-ay / tay: (v) pain (peeyn) ache (eek) ~ xanuun. Ex: calooshaa i dhuuriyaasee; I have a stomach ache
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfuritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala tegidda labo qof oo isqabtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobqiyaas
m. n., [compound] rain-gauge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobqiyaas
de: rain-gauge
lx: roobqiyaas
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: roobqiyaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuxireyaal
m.dh (naxwe) Curiyeyaal hawshoodu tahay in ay isku xiriiriyaan ereyada hadalka, waxayna u kala baxaan labo koox: “xiriiriyeyaal” iyo “horyaalayaal”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskuxireyaal
m.dh (naxwe) Curiyeyaal hawshoodu tahay in ay isku xiriiriyaan ereyada hadalka, waxayna u kala baxaan labo koox: 'xiriiriyeyaal' iyo 'horyaalayaal'.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilyaas
name-m Allah is God; Elijah, Prophet in the holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inqaas
m.dh (-syo, m.dh) la-mid: anqaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iqyaar
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u ilbax ah oo ay dadka is fahmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbaas
-ka: (magac, lab, keli) dululaatida sare ee hoyga u ah walxocireedka iyo wixii kale ee soo raaca dhulkuna isbaaskaa buu ku dhex jiraa.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isqaad
Projection
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaan
(Isqaan-ka)
Is xilqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isqaan
v. be responsible
isqaan: m. n. responsible person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isqaan
bw: qaan
de: be responsible
lx: isqaan
nt: isqaan (ka) [vn-m]
pd: (isqaamay)
ps: v1=expr
key: isqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qisaas
(Qisaas-ta)
Denbiga la falay, eedsiis le'eg oo u dhigma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisaas
qisaas¹: m.dh Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.
qisaas²: f.g1 (-say, -stay) Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qisaas
qisaas¹: m.dh Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.
qisaas²: f.g1 (-say, -stay) Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid. m.f.dh, qisaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qisaas
f. n., [abstract] capital punishment, death penalty for killing someone
qisaas v. condemn to death, impose capital punishment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qisaas
-ta: (n) death penalty for murderer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaas
(fal) wax uu sameeyey ka jar oo intii uu geystey in le'eg ku samee. Dh: kajar.
qisaas-ta: (magac, dhedig, keli) dil ama ciqaab kale oo sharci ahaan looga jaro qof geystay wax uu sharcigu ciqaabtaa u dhigay. Kol haddaan raggii kuu qornaa cidi qisaasaynin. Dh: qasaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ruqiya
pr. n., [feminine] Rukia
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ruqiya
name-f superior
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ruqiya
de: Rukia
lx: Ruqiya
ps: name-f
key: Ruqiya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidaas
(si + taas = si + daas)
sida taas; saas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidaas
fk. la-mid: si.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidaas
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidaas
n. phr. or [adverb] thus, so, like that, that way
sidaas n. phr., deictic: like that, that way, thus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidaas
(adv) that way (thaat weey); such a way (saj e weey) ~ saa, saas, sidaa. Ex: sidaas miyaad rabtaa? do you want it that way?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sidaas
Cosi
So
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidaas
(falkaabee) sida taas; saas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaad
f.mg1 (siyaaday, siyaadday) Wax xaddigooda kordhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaad
f.mg1 (-day, -dday) Wax xaddigooda kordhid. m.f.dh, siyaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Siyaad
name: Siad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaad
v. increase, be added to, have a surplus, get overfull
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siyaad
name-m extra, addition, increase, surplus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaad
-ay / siyaadday: (v) become greater or larger; increase (in-kiri-is)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaad
(fal) siyaado noqo; bado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaal
m.l (jooloji) Ereyga loo isticmaalay si loogu garto dhadhaabaha khafiifka ah oogada dhulka, oo uu ka mid yahay garanaytka qaaradaha hoostooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaal
m.l (jool.) Ereyga loo isticmaalay si loogu garto dhadhaabaha khafiifka ah oogada dhulka, oo uu ka mid yahay garanaytka qaaradaha hoostooda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siyaal
Sial
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suqaar
m. n., [collective] beef ~ camel stew receipe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suqaar
-ka: (n) 1. chopped meat. 2. a dish of finely chopped and seasoned meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suqaar
-ka: (magac, lab, keli) soos; fatiino.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suriya
Syrie.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is qaan
v. assume responsibility, take upon oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_qaan
de: assume responsibility, take upon oneself
lx: is qaan
pd: (qaamay)
ps: v1=expr
key: is_qaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqyaas
(fal) heerka uu joogo xisaab oo eeg. Bal maqyaas heerka macaanka odaygu marayo. Dh: qiyaas.
maqyaas -ka: (magac, lab, keli) wax wax lagu qiyaaso. Dh: miqyaas, beeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaaso
(fal) wax inta uu noqon karo maanka ka cabbiro, Kolba inta kuu hadha giyaaso inta aad dhammaynayso. Dh: awliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasi
(Siyaasi-ga)
Ku siyaasada aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaasi
m. n. politician
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaasi
-ga: (n) politician (polatis-han); diplomat (diplomaat)
xisbi siyaasi ah: (n) political party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasi
-ga: (magac, lab, keli) qofka maammulka bulshada yaqaanna; qofka siyaasada ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaasi
bw: Arabic
de: politician
initial: s
lx: siyaasi
pd: (-ga Pl: siyaasiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: siyaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaaso
(Siyaasa-da)
1. Cilmiga, farsamada iyo tabta danaha iyo arrimaha qaranka loo maamulo.
2. Fiiro iyo dhugmo dheeraad ah oo qofku dantiisa iyo muraadkiisa ku qunsado oo ku meel mariyo.
3. Xirrib; xeelad; dhagar. (ama siyaasad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaaso
m.dh la-mid: siyaasad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaaso
f. n. politics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaaso
-siyaasada: (n) politics (poli-tikis); policy (polasi) ~ siyaasad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaso
-da: (magac, dhedig, keli) xirrib; dhagar, siyaasad.
siyaaso-da: (magac, dhedig, keli) fiiro iyo dhugmo dheeraad ah oo qofku dantiisa iyo muraadkiisa ku qunsado oo ku meelmariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaaso
bw: Arabic
de: politics
initial: s
lx: siyaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
see: siyaasad
key: siyaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugiwaa
-ga: (magac, lab, keli) korasho la'aan; dhawridwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suqayar
(Suqayar-ta)
Ku doonyaha ka adeega oo aan weli baxri noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suqayar
m.l (suqayar, m.dh) Inan yar oo doonyaha ka adeega oo aan weli noqon baxri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suqayar
f. n. apprentice sailor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suqayar
-ka: (magac, lab, keli) wiil doonyaha ka adeega oo aan weli baxri noqon.
suqayar -ta: (magac, dhedig, keli) dadka danyarta ah ama danyaraha. Suqayar ayaa tahoo adigu maba awoodi kartid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suqayar
de: apprentice sailor
initial: s
lx: suqayar
pd: (-ka Pl: suqayar (ta))
ps: n5-f
key: suqayar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wuqiyad
(Wuqiyad-da)
28,35 garaamme ama 1/16 rodol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuqiyad
m.dh la-mid: wiqiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuqiyad
f. n. ounce (measure of weight)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuqiyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wiqiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuqiyad
bw: Arabic
de: ounce (measure of weight)
initial: w
lx: wuqiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: wiqiyad
key: wuqiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax, meel uu ku yaallay ka fuqid gu'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inqilaab
(Inqilaab-ka)
Afgenbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin. m.f.dh, inqilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inqilaab
m. n. insurrection, coup d'etat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inqilaab
-ay / tay: (n) overthrow (o var-tharow); topple (tapal)
inqilaab -ka: (n) coup d'etat (kuu de taa); coup (kuu). —inqilaab dhicisoobay: abortive coup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inqilaab
-ka: (magac, lab, keli) xukunka iyo maamulka rid oo tuur. Dh: afganbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inqilaab
bw: Arabic
de: insurrection, coup d'etat
lx: inqilaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: inqilaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbitaal
m.l (-llo, m.dh) Meesha dadka jirran lagu daaweeyo lana seexiyo. la-mid: cisbitaal, cusbitaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbitaal
m.l (-llo, m.dh) Meesha dadka jirran lagu daaweeyo lana seexiyo. la-mid: cisbitaal, cusbitaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbitaal
m. n. hospital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbitaal
-ka: (n) hospital (hoos-pi-tal) ~ see [eeg] isbataal