isugayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugayn
vl. n. bringing a bride and groom together to their new home; addition {mathematics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugayn
de: bringing a bride and groom together to their new home; [ext.] addition {mathematics}
lx: isugayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: isugayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeyn
isugeyn¹: m.f.dh eeg isugee.
isugeyn²: m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu maga-caabo wadar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugeyn
m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu magacaabo wadar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isugeyn
Addition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isugeyn
-ta: (n) addition (adhishin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isugeyn
Totale
Total
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isugeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku biirinta labo tiro si ay wadar mid ah u sameeyaan. Isugeynta 5 iyo 6 waa 11.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuddar
m.l Xisaab xisaab kale lagu daro; isugayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Laba tiro ama ka badan isku darid. m.f.dh, isugayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuddar
m.l Xisaab xisaab kale lagu daro; isugayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Binding Energy
Tamar Isugayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadar
-ta: (n) 1. [Mathematics] sum (sam); total (too-tal) ~ isugayn. 2. majority (ma-joora-ti); mass (maas); the plural Ex: wadar iyo waaxid yaa waalan? who is crazy, an individual or the majority [mass]? ~ [maahmaah; proverb]
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Assemble
Isuduwid, isugayn
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sommare
v.tr. isugayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
totale
agg. e s.m. - isugayn(ta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
base
base, n.f. - saldhig; asaas; sal; amboqad; gundhig; dhinac (joometariyada); isugaynta unugyada xisbiga
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
total
total, adj. - wadar; isugayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
écheveau
écheveau, n.m. - isugayn ama duubida dunta ama soofka; xidhmo ka yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskucayn
-ka: (magac, lab, keli) labo wax ama in ka badan oo isku mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof si gaar ah shey loogu keli yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugan
Wax la hubo; aan shaki ku jirin; run ah; dhab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran. m.f.dh, sugnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sugan
Absolute
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugan
der. [adjective] certain, sure, verified, correct, appropriate, exact, precise; reliable, confirmed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sugan
name-f certain, sure, verified, correct, appropriate, exact, precise; reliable, confirmed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugan
-sugnaa I sugnayd: (v) proven (puruuven)-, verified (yeeri-faayidh)-, confirmed (kon-feermidh)-, substantiated (sabis-taan-shiyeeytidh) Ex: war aan sugnayn; unsubstantiated news
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sugan
Sicuro
Authentication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugan
(tilmaame) la sugay, la hubiyey; aan shaki lahayn; run ah; dhab ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugan
de: certain, sure, verified, correct, appropriate, exact, precise; reliable, confirmed
initial: s
lx: sugan
pd: (sugnaa)
ps: adj-der
key: sugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac oo is khilaafsan ama is haya, fara iska qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgoyn
m.f.dh eeg isgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sakiin ama wax la mid ah, isku jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugayn
(Lugayn-ta)
Lugo ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugayn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socoto aan gaadiid la fuuline lug lagu socdo. Dh: cagayn, lugays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugayn
m.f.dh eeg rugee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rug ka dhigid ama rug u samayn.
rugayn-ta: (magac, dhedig, keli) isku tubbarid iyo habayn loo yeelo odhaahda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumayn
(Sumayn-ta)
Sun siin, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumayn
m.f.dh eeg sumee. la-mid: sumays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumayn
vl. n. poisoning, infecting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumayn
-ta: (n) the deliberate act of poisoning, contaminating or polluting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sun ku darid, ka dhigid; sumays, sun siin. Sumay buu u dhintay suldaankii shalay la aasay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumayn
cf: sumee, sun
de: poisoning, infecting
initial: s
lx: sumayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sumayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suugo ku darid: suugays; sanuunadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is-hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iskaa hub u qaadasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdukhayn
-ta: (n) collision (ko-lishin); impact (im paakt); head-on collision
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isuqaybin
m.dh (xisaab) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isuqaybin
m.dh (xisaab) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isuqaybin
vl. n. division {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isuqaybin
-ta: (n) division (dhi-vishin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isuqaybin
de: division {mathematics}
lx: isuqaybin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: isuqaybin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilnugayl
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhiirranayn oo khajilaad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Is'ogaan
(Is'ogaan-ta)
Is ilaalin, iska warqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is'ogaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad iska war haya ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskukaan
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Marka la sharaxayo noole leh laba aliil oo isku mid ah oo ukumaya muuqal gaar ah shiiqiye iyo shiiqsane midkuu doono ha ahaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isudaran
m.l (naxwe) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isudaran
m.l (naxwe) Labo curiye oo aan is qaban karin oo midba midka kale aan u oggolaanayn in ay iskula jiraan hal meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeeye
m.l Gawaad; ruufiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugeeye
m. n. mediator, intercessor; go-between
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugeeye
de: mediator, intercessor; go-between
lx: isugeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isugeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeysi
m.l la-mid: isugeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Laba tiro ama ka badan iskudarid. 2. Dhibaato is badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Laba tiro ama ka badan iskudarid. 2. Dhibaato is badid. m.f.dh, isugeysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isuqaybi
-yey / say: (v) [Mathematics] divide (dhivaaydh),
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka midig ka bilaabid; xagga midig joogsasho gaar ahaan kolka geela la lisayo. Geela midigayn ayaa lagu lisaa. Dh: midigays.
midigayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax ka qaadasho aan la ogayn oo wax laga qaato xoolo la isku aaminay.
midigayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof si hoos ah oo sedbursi la socdo wax u siin. Dh: gacanmidigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) subag u marin, ku iidaamid, ku shubid; subag marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskagayn
(Uskagayn-ta)
Uskag u yeelid, uskag gaarsiin; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagayn
m.f.dh eeg uskagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag u yeelid; wasakh gaadhsiin. Dh: wasakhayn, wisikhayn. Li: nadiifin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isu qaybin
Division
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayn
1. (Sayn-ka) Addin roob ah oo aan ballaarrayn oo meel ka hoora.
2. (Sayn-ta) Timaha nafleyda qaarkeed (sida tan ku taal qanaanta fardaha, dabada lo'da, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayn
sayn¹: m.l (-mo, m.dh) Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn²: m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayn
m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayn
m. n. signs of rain, rain-clouds
sayn [feminine] n. clumps ~ bristles of animal hair; tail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayn
-ta: (n) tail (teeyl); animal's tail ~ dabo
sayn -ka (n) a raining cloud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha nafleyda qaarkeed siiba gammaanka iyo shaashka libaaxa. Sayn libaax ciyaar laguma taabto.
sayn -ka: (magac, lab, keli) addin roob ah oon ballaadhnayn oo meel ku hoora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel wax dab lagu qallajiyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugan
(tilmaame) weel la ugay; weel dab lagu hogeeyay. Dh: cugan, ulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugan
cugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) la-mid: cuban¹.
cugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban²; culan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban; culan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cugan
name-f cleaned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugan
(tilmaame) waraabsan; mid wabax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugan
a: culan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
lx: cugan
pd: (cugnaa)
ps: adj-der
key: cugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugay
m.l la-mid: culay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugay
m. n. bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugay
-ga: (magac, lab, keli) qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha caanaha lagu cugto. Dh: culay, qoriqadiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugay
a: culay
de: bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
lx: cugay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: cugay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugan
hugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Shanqar xoog leh samayn.
hugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: hugsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hugan
v. mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugan
(fal) guux iyo qaylo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hugan
cf: hugun
de: mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
lx: hugan
pd: (hugmay)
ps: v1=
key: hugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.