istuhmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istuhmid
-da: (magac, dhedig, keli) kala shakiyid iyo isku kalsoonaan la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuhmid
(Tuhmid-da)
(cid) tuhun ka qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhmid
m.f.dh eeg tuhun². la-mid: tuhmeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid shaki ka qabid, inay wax dhacay sameeyeen adoon hubin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskumid
-ah: (adj) same (seeym); identical (aay dhen-tikal) ~ iskumid. Ex: laba buug oo isku mid ah; two identical books [two copies of same book]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istusid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof iyo in ka badan, wax isku sheegid.
istusid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad sax u haysatid, naftaada u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturmid
m.f.dh eeg asturan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo qaawanaa, hu' iyo dhar helid.
asturmid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad ku ceebaysnayd, xilkiisa ku guulaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku mid
n. phr., [expression] equal, the same; make no difference
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku mid
-ah: (adj) same (seeym); identical, selfsame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_mid
de: equal, the same; make no difference
lx: isku mid
ps: np-expr
xe: It makes no difference. Its all the same.' Alt sp: iskummid
xv: Waa is ku mid.
key: isku_mid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskummid
(Iskummid-ka)
Isku mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskummid
m.l I. ah: wax aan kala duwanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskummid
m. n., [abstract] (adj.): sameness, equality; equal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iskummid
Uguale
Equal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskummid
de: sameness, equality; [atr.] equal
lx: iskummid
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
see: mid
key: iskummid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-dhimid
m.f.dh eeg isdhin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tumid
(Tumid-da)
1. Wax la dhicid; garaacid.
2. (cayaar) sacabbada isla dhicid; jaamayn; dheelid.
3. (wan, ...) xiniinyaha ka garaacid si uusan wax danbe u rimin, una cayilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumid
m.f.dh eeg tun².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tumid
spike
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tumid
-da: (n) 1. the act of pounding (paawnding) or crushing (karaashing) 2. beating (biit-ing); knocking (naak-ing); rap (raap) ~ garaacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka iyo wixii la mid ah, kolka madaxa laga jaro ee ulaha lagu garaacayo.
tumid: -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar sacabbada isla dhicid, jaamayn, tumida ciyaarta adkeeya. Dh: tumis, garaacid.
tumid -da: (magac, dhedig, keli) farsamo, bir iyo wixii la mid ah, wax ka samayn. Tumida biraha ayuu aad u yaqaan.
tumid -da: (magac, dhedig, keli) wan iyo wixii la mid ah, xiniinyaha ka garaacid. Dh: dhufaamid, tumis.
tumid -da: (magac, dhedig, keli) wax garaacid, albaab iyo wixii la mid ah, garaacid. Tumida xooga ah waa ceeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sahan u tegid, meel sahan u dirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stupid
/stuupidh/ stupidity; (adj) nacas ah (doqon).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stupid
a., (sluggish) doqon, -ki, nacas, -ki, miyirla', bahaayim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmid
-da: (magac, dhedig, keli) mandheer isku martay darteed, soo bixiwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suumid
m.f.dh eeg suun³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askumid
m.f.dh eeg askun². la-mid: askun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumid
-da: (magac, dhedig, keli) bilaabitaanka shey hor leh; wax cusub soo saarid. Dh: alkumid, unkid, billaabid, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asturid
(Asturid-da)
Qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturid
m.f.dh eeg astur². la-mid: astur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturid
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta wax ceeb ah. Dh: qarin. Li: fadeexadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfurid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo isqabtay, kala tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgurid
(Isgurid-da)
(tiro, ...) midba midka kale dib u riixid, meeshii ka qaadid, wax u dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgurid
vl. n. reduction, depreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgurid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro muddo soo yaraata oo soo dhammaata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgurid
de: reduction, depreciation
lx: isgurid
pd: (-da)
ps: vn2a-m
key: isgurid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istarid
vl. n. mutual usefulness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istarid
de: mutual usefulness
lx: istarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: istarid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isthmus
Qoori
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
isthmus
/ismas/ (n) meel yar oo isku xirta laba dhul oo weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istuhun
-ka: (magac, lab, keli) kala shaki. Istuhun ayay isku disheen. Dh: ismaandhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shubmid
(Shubmid-da)
1. Wax shubmaya noqosho; soo bixid; soo daadasho.
2. Shuban ku dhicid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubmid
m.f.dh eeg shuban³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubmid
vl. n. flowing; melting, dissolving; solution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shubmid
-da: (n) draining (dha-reeyn-ing); flowing (faloowing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shubmaya noqosho; soo bixid; soo daadasho.
shubmid-da: (magac, dhedig, keli) qof calooshu aad u socoto; shuban ku dhicid. Dh: dooxmid, dacarbixid, falmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubmid
de: flowing; melting, dissolving; [ext.] solution
initial: s
lx: shubmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: shubmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuumid
-da: (magac, dhedig, keli) sharfid; sharaf saarid; sare u qaadid; shuumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqmid
(Suuqmid-da)
Wax suuqan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqmid
m.f.dh eeg suuqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuqan noqosho, miiqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birtumid
-da: (magac, dhedig, keli) farsamaynta biraha. Birtumid buu intaa kula soo ekaaday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatahmid
m.f.dh eeg fatahan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahmid
-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah, geerka sare dhaafid oo daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiimid
(Iftiimid-da)
Iftiin yeelasho; ilays wax lagu arko; yeelasho; ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiimid
m.f.dh eeg iftiin².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iftiimid
Luminance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdhimid
(Isdhimid-da)
(cabbir, tiro) wax wax ka maqan yihiin noqosho; wax dhimman noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdhimid
vl. n. decrease, diminishing; subtraction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhimid
-da: (n) shortage (shoor-teeyj); reduction (ri dhak shen); deficit (defi sit) isdhin-ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isdhimid
Diminuzione
Diminution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhimid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii lagu ogaa ama ay wax ahaayeen ka yaraansho. Dh: isdhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isdhimid
cf: kalagoyn
de: decrease, diminishing; subtraction
lx: isdhimid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: isdhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnuugid
(Isnuugid-da)
Xoolaha irmaan oo caanaha candhadooda ku jira, iyagu nuuga; isjaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaagid
(Istaagid-da)
Fadhi ka kicid; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagid
m.f.dh eeg istaag². la-mid: istaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaagid
-da: (magac, dhedig, keli) joogitaan aanan la dhaqdhaqaaqayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
istaagid
قيام، نهض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiilid
(Istiilid-da)
Xoog kale ama dadaal kale oo aan la lahayn iska doonid; isdhibid; mintidid; xoog hor leh iska raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiilid
m.f.dh eeg istiil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Istiilid
Sforzarsi
To endeavour
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudarmid
m.f.dh eeg iskudaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudhafid
-da: (magac, dhedig, keli) labo shey ama in ka badan oo la is dhexgeliyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaahilid
(Istaahilid-da)
U cuntamid; galabsasho; mutaysasho; u qalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaahilid
m.f.dh eeg istaahil². la-mid: istaahil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afqudhmid
-da: (magac, dhedig, keli) macaluulid iyo gaajo xun oo saamaysa dhulka; gaajo darteed oo urta afku doorsoontay. Dh: macaluulid.
afqudhmid -da: (magac, dhedig, keli) caday la'aan ay afka urtiisu qudhmuunaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbushmid
m.f.dh eeg arbushan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbushmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid qas iyo rabshadi haleeshay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulmid
m.f.dh eeg baatulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulmid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, si israaf iyo tashillid la'aan ah ku bixid. Lacatiisii baatulmid bay ku dhammaatay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disturbed
/dhistarbidh/ (adj) kacsan, laban, qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhmid
m.f.dh eeg fasakhan¹. la-mid: fasaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhmid
-da: (magac, dhedig, keli) isbeddelid; midab doorsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fiicnaan; kala roonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudarid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax ama in ka badan isku biirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan natiijadiisa la hubin, isku dayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudirid
-da: (magac, dhedig, keli) labo dhinac, colaad ka dhex ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskujirid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo wax la mid ah, labo qof iyo in ka badan, dhinac wada marid.
iskujirid-da: (magac, dhedig, keli) labo wax iyo in ka badan, isku darsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuxidid
m.l.kh I. ah: laba wax oo isku fir ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxidid
m. n., [collective] affines, kinsmen related by marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuxidid
de: affines, kinsmen related by marriage
lx: iskuxidid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: iskuxidid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuxirid
-da: (n) connection (konekshen)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxoqid
vl. n. friction; act of rubbing two things together
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuxoqid
de: friction; act of rubbing two things together
lx: iskuxoqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: iskuxoqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutuxid
m.f.dh eeg ismutux. la-mid: ismu-tuxis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) kicinta mooteer iyo wixii la mid ah. Dh: daarid.