istiilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiilid
(Istiilid-da)
Xoog kale ama dadaal kale oo aan la lahayn iska doonid; isdhibid; mintidid; xoog hor leh iska raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiilid
m.f.dh eeg istiil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Istiilid
Sforzarsi
To endeavour
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fantatiirid
(Fantatiirid-da)
(is fantatiirid) Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid; (ama wantatiirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahbiibid
(Tahbiibid-da)
1. Qof aan wax cuni karin cunno dirqi u siin, ku khasab.
2. Xoog cid ka doonid; istiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fantatiir
fantatiir¹: m.l la-mid: fantatiirid.
fantatiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid. la-mid: wantatiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantatiirid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog iyo dedaal badan iska doonid. Dh: istiilid, wantatiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiil
(Istiil-ka)
Xoog kale ama dadaal kale oo aan la lahayn, iska doon; isdhib; mintid; adkaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiil
istiil¹: m.l Karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu fuliyo hawl qabashadeedu dhib tahay.
istiil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) Hawl qabashadeedu dhib tahay karti iyo dadaal dheeraad ah ku fulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istiil
v. put a brave face on in a situation
istiil m. n. effort, exertion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istiil
-ay / istiishay: (v) hold on; persist (peersiist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiil
-ka: (magac, lab, keli) xoog iyo dedaal dheeraad ah iska raadin. Istiil ha ku dhiman ee naso. Dh: mintid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiilid
(Tiilid-da)
(is-tiilid) dadaal ama xoog iska doonid, iska raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiilid
m.f.dh eeg tiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiilid
-da: (magac, dhedig, keli) «is dedaal ama xoog iska doonid, iska raadin, xoog iska deyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdilid
(Isdilid-da)
Wax is yeelid, nafta iska qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdilid
-da: (magac, dhedig, keli) qudha iskaga jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilid
(Shiilid-da)
Subag kulul dhexdi ama wax la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilid
m.f.dh eeg shiil². la-mid: shiillimaad, shiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilid
-da: (magac, dhedig, keli) subag kulul dhexdii ama wax kale oo la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid; shiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iftiimid
(Iftiimid-da)
Iftiin yeelasho; ilays wax lagu arko; yeelasho; ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iftiimid
m.f.dh eeg iftiin².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iftiimid
Luminance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isjiidid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof ama labo shey oo uu midkood ka kale jiidayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiigad
-da: (magac, dhedig, keli) caag yar oo waxa la qoro lagu masaxo. Dh: masaaxad, goomad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istiil_1
cf: tiil
de: put a brave face on in a situation
hm: 1
lx: istiil
pd: (istiilay)
ps: v1=
key: istiil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istiil_2
de: effort, exertion
hm: 2
lx: istiil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: istiil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaahilid
(Istaahilid-da)
U cuntamid; galabsasho; mutaysasho; u qalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaahilid
m.f.dh eeg istaahil². la-mid: istaahil¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililid
m.f.dh eeg miscilil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishkilid
m.f.dh eeg bishkil². la-mid: bishilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishkilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bishilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_tiil_1
de: hold on, endure, be strong
hm: 1
lx: is tiil
pd: (tiilay)
ps: v1=expr
see: istiil
key: is_tiil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_tiil_2
de: effort, striving; [ext.] zeal, diligence
hm: 2
lx: is tiil
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: is_tiil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iscasilid
m.f.dh eeg iscasil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isfiilito
f. n., [collective] syphilis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isfiilito
-isfiilitada: (n) syphilis (sifalas); treponema pallidum waraabow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isfiilito
de: syphilis
lx: isfiilito
pd: (/da)
ps: n0-f-col
syn: bajo, waraabow, xabbad {It}
key: isfiilito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashiilid
(Tashiilid-da)
Dhaqaalayn; maradhaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashiilid
m.f.dh la-mid: tashiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryaraynta dhaqaale. Dh: tabiinida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isticmaalid
(Isticmaalid-da)
Wax ku qabsasho; ku adeegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaalid
m.f.dh eeg isticmaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) adeegsi; ku shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asiili
(Asiili-ga)
1. Sharaf leh; gob.
2. Asalkii ah; aan u'ekaysiis ahayn; asli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiili
m.l 1. la-mid: asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Asiili
pr. n., [feminine] Asili
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asiili
n (adj.): genuine item; pure; dignified, noble
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Asiili
name-f genuine, pure, dignified, noble. Cf: Asli, Gobey, Sharaf
name-f of good lineage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Asiili
magac loo baxsho gabadh sharaf leh ama xidid wanaagsan ka dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiili
-da: (magac, dhedig, keli) dameeraha, jaad ka mid ah, oo aad loo jecel yahay oo feejignaan iyo karti badan. Inta badan waxa dhaqda reerguuraaga. Kuwa beeraleydu dhaqato wax la yidhaahdaa «humbanni». Dameer asiili ah baan soo gadannay.
asiili-ga: (magac, lab, keli) cidda sharafta leh ee gobta ah.
asiili-ga: (magac, lab, keli) asalkii ah oo aan u ekaysiis ahayn. Kani waa dahab asiili ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Asiili
de: Asili
hm: 2
lx: Asiili
ps: name-f
key: Asiili_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilid
(Hiilid-da)
Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilid
m.f.dh la-mid: hiilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isjiid
(fal) adoo daallan, naftaada dirqiyid oo shaqee.
isjiid -ka: (magac, lab, keli) gaadhi leh carabad gadaal kaga xidhan oo uu jiido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiig
-ga: (magac, lab, keli) kaartoon yar oo tiro baakidho ah ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilid
m.f.dh eeg jiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la xidhayay aad u adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilid
-da: (magac, dhedig, keli) ishortaagid; dib u ridid; shilis.
shilid -da: (magac, dhedig, keli) wax kala dhexgelin; shilis: bishili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibid
(Siibid-da)
Wax salkiisa ama docdiisu meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid taniyo intuu ka soo wada baxo isagoo aan kala go'in; bixin; rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibid
m.f.dh eeg siib².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siibid
Smontatura
Dismantlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dhexjira, in ka soo saarid; wax docdiisa kale ay meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid tan iyo intuu ka soo wada baxayo isagoon. kala go'in. Dh: bixin, saaris, siibis, miiqid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siibid
نَزَعَ (تَوْبًا حِذَاءَ قُبَّعَةً إِلحَ)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siicid
(Siicid-da)
1. Dhib ku jirid; rafaadsanaan; liidasho.
2. Dhega'adkayn; dhasiigid.
3. Tixgelis iyo qiimayn la'aan; quursasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siicid
m.f.dh eeg siic².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhega'adki; dhasiigid.
siicid-da: (magac, dhedig, keli) dhib ku jirid; rafaadsan; liidasho.
siicid-da: (magac, dhedig, keli) tixgelis iyo qimayn la'aan: yasid: quudhsasho; miidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siilad
(Siilad-da)
1. (gobollada qaarkood) Weel macdan ah oo siddo leh oo sida wadaanta biyaha la darsado ama lagu qaato.
2. Baaldi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siilad
m.dh 1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. la-mid: saylad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siilad
f. n. bucket, pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siilad
-da: (magac, dhedig, keli) weel macdan ah oo sidde leh, sida wadaanta biyaha la darsado. lagu qaato. Dh: baaldi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siilad
de: bucket, pail
initial: s
lx: siilad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: baaldi
key: siilad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siklid
m.f.dh eeg sikil.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stolid
/stowidh/ stolidly; (adj) maahsan (khaafsan; caajisnimo ka muuqato).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiicid
(Tiicid-da)
Liicid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiicid
m.f.dh eeg tiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u liicid oo aayar luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiifid
(Tiifid-da)
Kol keliya sarid ama mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiifid
m.f.dh eeg tiif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiifid
-da: (magac, dhedig, keli) sarid; kol keliya sarida. Tiifida nabarka ha badin. Dh: tiifis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirid
m.f.dh eeg tiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiixid
(Tiixid-da)
(roob) di'id yar; shuxshuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiixid
m.f.dh eeg tiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiixid
-da: (magac, dhedig, keli) roob wax yar di'id. Dh: shuuxid.