isticmaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isticmaar
(Isticmaar-ka)
Tol kale beelaysasho; beelaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaar
m.l (-rro, m.dh) (siyaasad) Hab waddan quwad lehi uu ku xukumo waddan kale aan awood lahayn, isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, si uu u kordhiyo awooddiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isticmaar
m.l (-rro, m.dh) (siyaa.) Hab waddan quwad lehi uu ku xukumo waddan kale aan awood lahayn, isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, si uu u kordhiyo awooddiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaar
m. n., [abstract] colonialism, imperialism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isticmaar
-ka: (n) colonialism (koloniyaaliizim); colony (kaloni); imperialism (impiiriyaaliizim) ~ gumaysi, mustacmir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaar
-ka: (magac, lab, keli) gumaysiga ujeeddadiisu tahay in dad kale la addoonsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaar
bw: Arabic
de: colonialism, imperialism
lx: isticmaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: gumeysi
key: isticmaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isticmaal
(Isticmaal-ka)
Wax ku qabsad; adeegsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaal
isticmaal¹: m.l (-llo, m.dh) Adeegsiga shey loo adeegsado waxa lagu qaban karo.
isticmaal²: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) Wax adeegsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isticmaal
isticmaal¹: m.l (-llo, m.dh) Adeegsiga shey loo adeegsado waxa lagu qaban karo.
isticmaal²: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) Wax adeegsasho. m.f.dh, isticmaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaal
vl. n. use, usage; utilization
isticmaal v. use, make use of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isticmaal
-ay I isticmaashay: (v) use (yuus); consume; apply. Ex: see u isticmaalaa? how should I use it?
isticmaal -ka: (n) usage (yuuseeyj); use (yuus), consumption; application ~ adeegsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaal
(fal) qof ama wax, ku shaqaqyso. Dh: adeegso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarsi
m.l la-mid: isticmaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaarsi
vl. n. colonization; subduing someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg isticmaarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaarsi
de: colonization; subduing s.o.
lx: isticmaarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: isticmaarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xukun qasab ah ummad kula kicid iyadoo xaqooda la duudsinayo. 2. Cid addoon-sasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isticmaarso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Xukun qasab ah ummad kula kicid iyadoo xaqooda la duudsinayo. 2. Cid addoonsasho. m.f.dh, isticmaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaarso
v. administer ~ treat (a country) as a colony; colonize for oneself; subdue, oppress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isticmaarso
-isticmaarsaday / tay: (v) colonise (kolo naayz) ~ gumayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarso
(fal) cid kale, addoonso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaarso
de: administer ~ treat (a country) as a colony; colonize for oneself; [ext.] subdue, oppress
lx: isticmaarso
pd: (isticmaarsaday)
ps: v3a=tr
key: isticmaarso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaale
m. n. user
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isticmaale
-isticmaalaha: (n) [Pl. isticmaalyaasha] user (yuusar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaale
de: user
lx: isticmaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isticmaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beel
(Bee-sha)
1. Cid ama reero badan oo meel wada deggan; duddo; qeyro.
2. Qolo qolo ka xoog badani ka dultimid ama qabsatay oo xoog ugu taliso; raaciye; isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysasho
(Beelaysasha-da)
Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; beelaysi; gumeysi; raaciye ka dhigasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysi
(Beelaysi-ga)
Gumeysi, isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeysasho
(Gumeysasha-da)
1. Gun ka dhigasho.
2. * Addoonsasho; beelaysasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mustacmarad
(Mustacmarad-da)
Dal hab isticmaar lagu haysto; beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mustacmir
(Mustacmir-ka)
Wax isticmaarsada; wax beelaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarsasho
m.f.dh eeg isticmaarso. la-mid: isticmaarsad, isticmaarsi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colonization
/kolaniseyshan/ (n) isticmaar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colonize
/kolanays/ (v) gumaysasho (isticmaarsi).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colony
/kolani/ (n) gumeysi (isticmaar).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
settlement
/setlmant/ (n) 1. degaan (degmo) 2. dejin (dad meel soo dejin, siiba si isticmaarsi ah) 3. heshiis (maslaxo).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumeysi
-ga: (n) the state of a country or region politically or economically controlled by another goverment; colony (kaloni)-, colonialism (koloniyaaliizim)-, imperialism (impiiriyaaliizim) ~ isticmaar, mustacmir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mustacmir
-ka: (n) colonialism (koloniyaaliizim); imperialism (mpiiriyaaliizim) ~ gumaysi, isticmaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daraawiish
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaaddo ahludariiqo ahaa oo u soo halgamay gobannimada Soomaalida iyo Diinta Islaamka, lana dagaalamay isticmaarkii. Waxa aasaasay hoggaanna u ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Dh: duubcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaysad
-ka: (magac, lab, keli) dad iyo dhulkoodii oo cid kale oo dibad kaga timid haysato. Dh: gumaysi, isticmaarsi, gumaysasho. Li: xornimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayso
(fal) dad iyo dal aanad lahayn qabso oo u maamul sida aad doonto. Dh: isticmaarso, addoonso. Li: xorayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiqfaar
(Istiqfaar-ta)
Denbidhaaf Ilaah laga baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqfaar
m.dh Dalbashada Ilaah laga dalbado dembi dhaaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiqfaar
m.dh Dalbashada Ilaah laga dalbado dembi dhaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istiqfaar
f. n. prayer to God for pardon ~ forgiveness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istiqfaar
-ta: (n) prayers of forgiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiqfaar
-ta: (magac, dhedig, keli) denbidhaaf dalab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istiqfaar
bw: Arabic
de: prayer to God for pardon ~ forgiveness
lx: istiqfaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: istiqfaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaarsad
m.l la-mid: isticmaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaarsad
-ka: (magac, lab, keli) quruumo kale, addoonsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaal_1
de: use, usage; utilization
hm: 1
lx: isticmaal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: isticmaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaal_2
de: use, make use of
hm: 2
lx: isticmaal
pd: (isticmaalay)
ps: v1=
xe: May I use this phone?
xv: Arabic
key: isticmaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isticmaalid
(Isticmaalid-da)
Wax ku qabsasho; ku adeegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isticmaalid
m.f.dh eeg isticmaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isticmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) adeegsi; ku shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istikhaaro
(Istikhaara-da)
Duco gaar ah oo Ilaah lagu weyddiisto in tawfiiqda ama labo talo tan wanaagsan la waafaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istikhaaro
m.dh Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istikhaaro
m.dh Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istikhaaro
f. n. prayer for guidance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istikhaaro
-da: (magac, dhedig, keli) hab go'aanka loo gaadho oo Allebari ku jiro oo salaad la tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istikhaaro
bw: Arabic
de: prayer for guidance
lx: istikhaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: istikhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istikhyaar
(Istikhyaar-ka)
Wax kala doorasho karti u leh; (ama ikhtiyaar; khiyaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istikhyaar
m.l la-mid: ikhtiyaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istikhyaar
m.l la-mid: ikhtiyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istikhyaar
m. n. free will, option
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istikhyaar
-ka: (n) freedom (firii-dham); option (opshen); choice (jooys); free will (friiwil) ~ xorriyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istikhyaar
de: free will, option
lx: istikhyaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: ikhtiyaar
key: istikhyaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqfaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Istiqfaar samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itimaal
Probability
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ictimaad
m. n. reference, basis (for something); letter of recommendation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ictimaad
bw: Arabic
de: reference, basis (for s.t.); letter of recommendation
lx: ictimaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: ictimaad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Intisaar
name-f victory; victorious, triumph
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ixtimaal
-ka: (n) probability (pro-baabilati); possibility, eventuality
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isliqdaar
(Isliqdaar-ka)
Toos isu taagid; lig isasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isliqdaar
vl. n. state of standing upright
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isliqdaar
de: state of standing upright
lx: isliqdaar
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: liqdaar
key: isliqdaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiqlaal
(Istiqlaal-ka)
Madax-bannaanaan; isutalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqlaal
m.l Madax bannaani; xorriyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiqlaal
m.l Madax bannaani; xorriyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istiqlaal
m. n., [abstract] independence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiqlaal
-ka: (magac, lab, keli) xorriyad qaadasho; gobannimo qaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istiqlaal
bw: Arabic
de: independence
lx: istiqlaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: istiqlaal
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isticmalayya
utiliser.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bisticciare
v.intr. - cilaaqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqaalad
m.dh la-mid: istiqaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiqaalad
m.dh la-mid: istiqaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ascaar
m.dh.w eeg sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ascaar
f. n., pl. prices; (exchange) rates; quotations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ascaar
-ta: (n) cost (koost); an amount required in payment for a purchase; price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ascaar
-ta: (magacwadareed) qiimaha kala duwan ee wax lagu gado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ascaar
bw: Arabic
de: prices; (exchange) rates; quotations
lx: ascaar
pd: (-ta Sg: sicir)
ps: n8-f-pl
key: ascaar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaam
-ka: (n) leader of the congregational islamic prayer, that the Muslims offer five times a day. It is sometimes used to refer to the head of an Islamic State.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaam
-ka: (magac, lab, keli) sheekh tujiya masaajid.
iimaam -ka: (magac, lab, keli) nin masuul ka ah ummad ama beel hoggaamiya. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, ugaas, jiifcaaqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iimaan
(Iimaan-ka)
1. (diin) Ilaah, malaa'ig, nebiyo, kd., jiriddooda rumaysasho.
2. Wixii la helo, in kasta ha le'ekaadeene, oo lagu laabsamaado ee aan la saluugin; qaneeco.
3. Ugaas, Islaan, Wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (- nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. Ugaas, Islaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimaan
m. n., [abstract] belief, faith; confidence, contentment
iimaan: m. n. chief, headman
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Iimaan
name-unisex belief, faith; confidence, contentment (Arb)
name-unisex faith, compassion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimaan
-ka: (n) 1. faith and trust in Allah [God]; contentment; satisfaction; contentedness. 2. clan chief or leader