istarabtokokas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istarabtokokas
m.l (-syo, m.dh) (baayoloji) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istarabtokokas
m.l (-syo, m.dh) (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istarabtokokas
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u samaysma. Qaybo ka mid ah ayaan cudur keenin, qaarna waa cudur wadayaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Istaratokumulas
Stratocumulus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaafilokookaas
m.l (-syo, m.dh) (baayoloji) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaafilokookaas
m.l (-syo, m.dh) (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgarabtaag
isgarabtaag¹: m.l Taageerada loo sameeyo cid, arrin ay wadato.
isgarabtaag²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid arrin ay wadato taageerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isgarabtaag
f.g1 (-gay, -gtay) Cid arrin ay wadato taageerid. m.f.dh, isgarabtaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgarabtaag
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, oo arrin wadata ama baahi hayso, taageerada loo sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgarabtaagis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo arrin wadata ama baahi hayso, garab iyo taakulo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istarabtomaysiin
m.l (-nno, m.dh) (daawo) Dawo laga soo saaray baktiiriyada la yiraahdo “streptomyces riseus” oo lagu daweeyo infekshinno ay keenaan baktiiriyaal kala duwan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istarabtomaysiin
m.l (-nno, m.dh) (daaw.) dawo laga soo saaray baktiiriyada la yiraahdo 'streptomyces riseus' oo lagu daweeyo infekshinno ay keenaan baktiiriyaal kala duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istarabtomaysiin
-ka: (magac, lab, keli) daawo laga soo saaray baktiiriyada la yiraahdo 'streptomyces riseus' oo lagu daweeyo cudurro ay keenaan baktiiriyaal kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaraatiijiyad
m.dh (-do, m.l) Qorshe loo dejiyo in lagu maamulo hawl gaashaandhig, siyaasad, ama dhaqaale. la-mid: istaraatiijiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaraatiijiyad
m.dh (-do, m.l) Qorshe loo dejiyo in lagu maamulo hawl gaashaandhig, siyaasad, ama dhaqaale. la-mid: istaraatiijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istaraatiijiyad
f. n. strategy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istaraatiijiyad
de: strategy
lx: istaraatiijiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: istaraatiijiyad