istaafilokookaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaafilokookaas
m.l (-syo, m.dh) (baayoloji) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaafilokookaas
m.l (-syo, m.dh) (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istarabtokokas
m.l (-syo, m.dh) (baayoloji) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istarabtokokas
m.l (-syo, m.dh) (baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istarabtokokas
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u samaysma. Qaybo ka mid ah ayaan cudur keenin, qaarna waa cudur wadayaal.