ereyga

isrogrog

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

isrogrog

DHAN

m.l (naxwe) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iyo wixi lamida. Tusaale: “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

isrogrog

DHAN

m.l (naxwe) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iyo wixi lamida. Tusaale: Hibaaq way tagtay. Hibaaq iyo Cigaal way tageen.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

isrogrog

DHAN

-ga: (magac, lab, keli) kolba dhinac isku rogid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

isrogrogid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg isrogrog.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gedgeddoon

DHAABAN
1

gedgeddoon¹: m.l Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan. la-mid: gedgeddoomid.

2

gedgeddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) Wax hadba dhinac u rogmay noqosho. la-mid: gadgaddoon².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

masdar

DHAABAN

m.l (-rro/-saadir, m.dh) (naxwe) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tusaale: “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. la-mid: mesder.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sarfe

DHAABAN

m.l (naxwe) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samaysankooda iyo xagga isrogroggooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gedgeddoon

DHAABAN
1

gedgeddoon¹: m.l Isrogrogidda wax hadba dhinac isu rogaan.

2

gedgeddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; - oomi) Wax hadba dhinac u rogmay noqosho. m.f.dh, gedgeddoomid. la-mid: gadgaddoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

masdar

DHAABAN

m.l (-rro/-saadir, m.dh) (naxwe) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tusaale: Axmed wuu akhrin karaa. Wiilasha way akhrin karaan. m.dh.w, masaadir. la-mid: mesder.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sarfe

DHAABAN

m.l (naxwe) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samaysankooda iyo xagga isrogroggooda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

coniugazióne

DHAABAN

s.f. - isrogrogid fal.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baadho

DHAABAN
1

(fal) wax kaa qarsoon doondoono; wax kaa dahsoon raadso. Buugga aad raadinayso ka baadho maktabadda.

2

baadho: (fal) gelgelin ku galgalo; isrogrog adiga oo dhinacyada kolba mid u jiifsanaya. Awrkii dhaanka laga furay gelgelintuu baadhanayaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baaro

DHAABAN
1

(fal) iskaa u doondoono; iskaa u daydayo wax aad rabto inaad hesho. Baaro oo wixii ku cajibiya ka qaado dukaanka. Dh: baadho.

2

baaro: (fal) 'geel' jiif ku galgalo; ku rafo oo faadhumayso. Hashii rimmanayd gelgelintay baaranaysaa. Dh: galgalo, isrogrog.

3

baaro -da: (magac, dhedig, keli) cadka yar ee wiilasha buuryadooda laga jaro marka la gudayo. Baarada wiilka well lagama jarin oo lama xalaalayn. Dh: ballanji, hanjaf.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqalyarogad

DHAABAN

-ka: (magic, lab, keli) qaarka hoose sarraysiin oo gacmaha isku istaagid oo isrogrogid. Dh: qaalaabarogad, qaalmarogad, baqayarogad. baqalyarogasho -da: (magic, dhedig, keli) baqalyarogad samayn. Baqalyarogasho badisaye berrina maxaad baran. Dh: baqayarogasho, qaalmarogasho, qaalaamarogasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqalyarogo

DHAABAN

(fal) labada gacmood isku taag lugahana sare u taag oo isrogrog. Dh: baqayarogo, qaalaabarogo, qaalmarogo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalacnaasil

DHAABAN
1

(fal) isku celceli oo isku rogrog. Xisaabta isku daalacnaasil oo natijada ii sheeg.

2

daalacnaasil -ka: (magac, lab, keli) isbeddelka waayaha iyo isrogrogga nolasha. Daalacnaasil waayaha adduun dad buu degel ku seexshaaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsad

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) isrogrogga waayaha iyo kaalinta kolba la joogo. Dh: fursad. Wa: farsado.

2

farsad -da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl kolba cid gaar ah loo daayo. Farsad baa loo kala sameeyey basaskii is dhex yaacayey. Dh: malko, kal, kaaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gadagado

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) isbedbeddel ama isrogrog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goofaadhtan

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) isrogrogid ama gagadoon. Goofaadhtanka badan waa lagu daalaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kosmolooji

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) qaybta astronoomiga ee lagu derso walxaha samada, dhalashadooda, isrogroggooda, qaabdhismeedkooda iyo astaamahooda kimiikaadeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laballegdayn

DHAABAN
1

-ta: (magac, dhedig, keli) galgalasho kolba dhan la isku rogo. Nin bukaa laballegdayn badan. Dh: isrogrogid.

2

laballegdayn -ta: (magac, dhedig, keli) walax, wilaanwilin oo riixid. Foostadii labalegdayn ayaan tukaanka ku geeyey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laballegdood

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) hurdo la'aan darteed islabarogid. Dh: isrogrog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lahjad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) kala duwanaanta ereyada ama isrogroggooda ama weedhayntooda oo uu dad isku af ihi ku kala geddisan yihiin. Dh: afguri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rogrog

DHAFANDHAAF
1

rogrog¹: m.l 1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.

2

rogrog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

rogrog

DHAFANDHAAF
1

rogrog¹: m.l 1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.

2

rogrog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in. m.f.dh, rogrogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

rogrog

DHAFANDHAAF

v. keep on turning around ~ over; engage in trade

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rogrog

DHAFANDHAAF
1

(fal) kolba dhan u gembi; qalqallib oo hadba dhinac u rog.

2

rogrog -a: (magac, lab, keli) baayacmushtar yar oo inta meel wax laga soo qaado meel kale lagu gado ama wax inta la soo iibsado wax kale lagu bedesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

rogrog

DHAFANDHAAF
1

de: keep on turning around ~ over; [ext.] engage in trade

2

lx: rogrog

3

pd: (rogrogay)

4

ps: v1=pl

5

key: rogrog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

isrog

DHAFANDHAAF

vl. n. turning around; revolution (as of planets)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

isrog

DHAFANDHAAF

-ay -tay: (v) turn or rotate around; revolve (rivoolv)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

isrog

DHAFANDHAAF
1

cf: iskuwareegsi

2

de: turning around; revolution (as of planets)

3

lx: isrog

4

pd: (-ga)

5

ps: vn2a-m

6

key: isrog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rorog

DHAFANDHAAF
1

rorog¹: m.l Istaag. la-mid: rogrogid.

2

rorog²: f.mg1 (-rgay, -rogtay; -rgi) Taagnaan ku sugan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

rorog

DHAFANDHAAF

v. stand (up)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

rorog

DHAFANDHAAF

-a: (n) standing (istaandhing); the act of standing

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

rorog

DHAFANDHAAF
1

de: stand (up)

2

lx: rorog

3

pd: (rorogay)

4

ps: v1=intr

5

syn: istaag

6

key: rorog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

SOROG

DHAFANDHAAF

(Sorog) C Combretum contractum Engl. Combretaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Ismoog

DHAFANDHAAF

nickname; name-f absent minded

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sogsog

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Geed weyn, bilcilka u eg oo xabag iyo mayrax leh. 2. S. ah: nafley caato ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

sogsog

DHAFANDHAAF

f. n. acacia tree species

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

SOGSOG

DHAFANDHAAF
1

(Sogsog) N Acacia etbiaca Schweinf. Mimosaceae.

2

May Acacia unispinosa (Fiori) Chiov. Mimosaceae.

3

S Elaeodendron schweinforthianum (Loes) Loes. Celastraceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sogsog

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) geed dhirta qodaxda leh ah, oo xaabadiisu qiiq badantahay. maydhax qadhaadh, oo cagaaran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

sogsog

DHAFANDHAAF
1

de: acacia tree sp.

2

initial: s

3

lx: sogsog

4

pd: (-ta)

5

ps: n-f

6

key: sogsog

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

is'ogow

DHAFANDHAAF

(fal) naftaada ka warhay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

rogrogo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

rogrogo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-gtay, -gatay) Lacag yar ku mushtarid. m.f.dh, rogrogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

rogrogo

DHAFANDHAAF

v. trade, exchange

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rogrogo

DHAFANDHAAF
1

(fal) hadba dhinac u geddiso

2

rogrogo: (fal) badeecad aan badnayn ka baayacmushtaro. Lacag yar amaaho oo rogrogo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

rogrogo

DHAFANDHAAF
1

de: trade, exchange

2

lx: rogrogo

3

nt: rogrogad (ka) [vn-m], rogrogasho (/da) [vn-f]

4

pd: (rogrogtay)

5

ps: v3b=pl

6

key: rogrogo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tororog

DHAFANDHAAF
1

(Tororog-ta)

2

Hadal aan milgo lahayn oo badan; daroori.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tororog

DHAFANDHAAF

m.dh Hadal badan oo aan macna lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tororog

DHAFANDHAAF

m.dh Hadal badan oo aan macna lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

tororog

DHAFANDHAAF

f. n. chatter, empty words, idle chat

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

tororog

DHAFANDHAAF

-ta: (n) empty talk; trivial talk; jabber (Jaabar); babble (baabal); lack of meaning ~ nacnac

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tororog

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn oo badan. Dh: daroori.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

tororog

DHAFANDHAAF
1

cf: daroori, duryan, nacnac

2

de: chatter, empty words, idle chat

3

initial: t

4

lx: tororog

5

pd: (-ta)

6

ps: n-f

7

key: tororog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Histogram

DHAFANDHAAF

Histogaraam

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Histogram

DHAFANDHAAF

Taariikh-Tuse

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

is magoog

DHAFANDHAAF

v. disguise oneself, pretend to be something ~ someone one is not

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

is_magoog

DHAFANDHAAF
1

de: disguise oneself, pretend to be s.t. ~ s.o. one is not

2

lx: is magoog

3

pd: (magoogay)

4

ps: v1=expr

5

key: is_magoog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Islabarog

DHAFANDHAAF

Convection

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

islabarog

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) habka ay ku kululaadaan molikiyuullada dareerayashu.

2

islabarog-ga: (magac, lab, keli) habka dhaqaaqista xorta ah ee neefta ama dareeraha kolba qaybta kululaata korka soo marta badhka qaboobina hoosta u maro. Dh: islabageddis.

3

islabarog-ga: (magac, lab, keli) labo jeer isrogid.

waa la naqliyay ✓